WHO: Dunida waxay wajaheysaa kiisaska coronavirus ee ugu badnaa

Xigashada Sawirka, AFP
Hay'adda Caafimadka Adduunka ee WHO ayaa arbacadi ka digaty cudurka safmarka ee coronavirus ay wakhti dheer qaadaneyso si ay dunida uga lug baxdo iyada oo ay waddama badabn diiwaan geliyeen kiisaska cusub ee maalinlaha ee ugu badnaa.
Hay'adda WHO waxay sheegtay 24-kii saac ee ugu dambeeyey in dunida laga diiwaan geliyey 106,000 oo kiis oo cusub.
Agaasimaha Guud ee Hay'adda Caafimadka Adduunka ee WHO Dr Tewedros Adhanom Gabreyesus ayaa walaac ka muujiyey kiisaska cusub ee soo kordhay iyo waddamada dhaqaalahooda uu dhexdhexaadka yahay ama uu hooseeya sida uu cudurkan safmarka uu u saameyn karo.
Digniinta WHO ayaa ku so beegmeysa xilli ay kiisaska cudurka ee dunida ay ku sii dhaw yihiin 5 malyan.
Khubarada caafimaadkuna waxay ka digeen tirada kiisaska cudurka ee dunida oo haatan lagu sheegay ku dhawaad 5 malyan iney aad ugu badan tahay tirada rasmiga ah dadka uu cudurka haleelay, waddamada qaar oo aan baaritaanno badan sameyna ay keeni karto iney tirada kiisaska cudurka hoos u dhigaan.
In ka badan 326,000 oo qpf ayaa cudurkan safmarka dunida ugu geeriyooday, sida ay tibaaxeyso xogta laga helayo Jaamacadda John Hopkins oo diiwaangeliso kiisaska cudurka ee dunida.
Dalka Mareykanka ayaana noqday waddan uu si weyn uu cudurka u saameeyey iyada oo dad ka badan 1.5 malyan uu cudurka soo ritay 92,000 oo qofna ay cudurka u dhinteen.
WHO maxay sheegtay?
"Hay'adda WHO waxay sheegtay 24-kii saac ee ugu dameeyey in dunida laga diiwan geliyey 106,000 oo kiisas cusub, tani iyo marka uu cudurka dunida ka dillaacay waa tiradi maalinlaha ee ugu badneed oo la diiwaangeliyo," ayuu yiri Dr Tewedros Adhanom oo arbacadi shir jaraa'id qabtay.
"Ku dhawaad seddex meelood laba ka mid ah kiisaskaasi waxaa laga diiwaangeliyey afar dal oo keli ah," ayuu sii raaciyey.
Dr Tewedros waxaa kale oo ka digay iney weli dunida u baahan tahay wakhti dheer si ay cudurkan safmarka ay uga lug baxdo.
Digniinta Agaasimaha WHO ayaa ku soo beegmeysa xilli ay waddama badan oo uu Mareykanka ka mid yahay ay billaabeen iney xayiraadaha iyo bandowga ay horay u soo rogeen ay dabciyaan.

Xigashada Sawirka, AFP
Agaasimaha howlaha gurmadka degdegga ah ee WHO Dr Mike Ryan ayaa ka hadlay dawooyinka malaariyada ee chloroquine iyo hydroxychloroquine ee la sheegay in loo adeegsaday Covid-19.
"Heerka ay hadda xaaladdu mareyso chloroquine, hydroxychloroquine iyo dawo kale midna oo lagu daweeyo faayraska corona inaan la helin, arrintaasina waxay keeneysaa iney xakameynta cudurka marin habaabiso," ayuu yiri Dr Ryan.
Hadalka Dr Ryan ayaa ku soo beegmaya xilli uu Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu sheegay inuu dawooyinka malaariyada uu isticmaalay si uu isaga difaaco faayraska corona, xilli ay xirfadlayasha caafimaadku ka digayaan in dawooyinkaasi Covid-19 loo isticmaalo.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Yaa walaac ka muujiyay isticmaalka dawadan?
Daraasado ku saabsan arrintan ayaa hadda socda, kuwaasoo lagu ogaanayo in dawada malaariyada ee loo yaqaanno chloroquine ay waxtar u leedahay Covid-19.
Laakiin Hay'adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa sheegtay inay ka walaacsan tahay in dadka qaar ay si iskood ah u isticmaalayaan ayna dhibaato weyn kala kulmayaan.
Walwalkan dhinaca badbaadada ah ayaa cirka isku sii shareeray kaddib markii uu ka hadlay sarkaal sare oo horay uga tirsanaan jiray waaxda adeegga caafimaadka ee Mareykanka.
Dr Rick Bright, oo bishii April laga qaaday xilkii uu hayay ee hoggaaminta howlaha soo saarista tallaalka, ayaa sheegay in tallaabada uu madaxweyne Trump xoogga ku saarayo dawadan "ay shaqada ka mashquulineyso tobannaan seynisyahan oo hoostaga laamaha dowladda federaalka".

Xigashada Sawirka, Getty Images
Kaddib markii uu madaxweynaha Mareykanka ku dhawaaqay in dawada Malaariyada looga bogsoon karo fayraska, waxaa sare u kacay dalabka ka imaanaya daafaha dunida.
Maxaan ka naqaannaa dawooyinkan?
Mr Trump wuxuu marar badan "wax tarka ay dawadan u leedahay coronavirus" ku sheegay shirarka jaraa'id ee uu ku qabanayay Aqalka Cad, wuxuuna yiri: "Maxay kaa dhibeysaa? isticmaal."
Madaxweynaha Brazil Jair Bolsonaro ayaa isagana sheegay in dawada loo adeegsado Malaariyada ay meel kasta ka shaqeyneyso, inkastoo hadalkaas ay shirkadda Facebook meesha ka saartay, maadaama ay sheegtay inuu hareer marayo sharciga ay kula dagaallameyso faafinta xogta marin habaabinta ah.
Wixii ka dambeeyay hadalkii uu madaxweyne Trump arrintaas ku sheegay dabayaaqadii bishii March, waxaa jiray sare u kac weyn oo lagu soo warramay inuu ku yimid isticmaalka dawada malaariyada ee gudaha Mareykanka, inkastoo dalabkaas uu markii dambe hoos u dhacay.
Kaniinnada ka sameysan maaddada chloroquine-ta waxaa muddo dheer loo isticmaalayay in lagu daweeyo xanuunka ay kaneecada sababto ee malaariyada, si loogu dhimo qandhada iyo kuleyka xad-dhaafka ah, rajaduna waxay tahay inay dawaasi sidoo kale ula tacaali karto faraska dhaliya cudurka Covid-19.
Ma jirto caddeyn ku filan oo lagu helay tijaabooyinka ilaa hadda lagu sameeyay waxtarka kaniinnadaas iyo sida ay u caawin karaan bukaannada qaba coronavirus.
Waxaa kale oo jirta khatar weyn oo ku saabsan inay waxyeello sababi karaan, waxaana ka mid ah dhaawacyo soo gaari kara kalyaha iyo beerka.
"Waxaan u baahan nahay tijaabooyin caafimaad oo waaweyn si aan cabir sax ah ugu sameyno saameynta ka imaan karta," ayuu yiri Kome Gbinigie, oo ah qoraaga daraasadaha ku saabsan Covid-19 ee Jaamacadda Oxford.

Xigashada Sawirka, Getty Images
In ka badan 20 tijaabo ayaa la sameeyay. Meelaha laga sameeyay waxaa ka mid ah Mareykanka, UK, Spain iyo Shiinaha.
Dalka Mareykanka tijaabooyin badan ayaa ka socda si loo ogaado wax tarka dawooyin la isku daray oo ay ku jiraan hydroxychloroquine iyo qallajiyeyaal lagu magacaabo azithromycin, kuwaasoo la eegayo inay daweyn karaan bukaannada Covid-19.
Waddamadee fasaxay in la isticmaalo?
Dabayaaqadii March, laanta maamulka cuntada iyo dawooyinka ee Mareykanka (FDA) waxay fasaxday "in si deg deg ah loo isticmaali karo" marka lagula tacaalayo qaar ka mid ah bukaannada ay xaaladdoodu aadka u liidato ee la geeyo qaar ka mid ah isbitaallada.
Taasi micnaheeda ma aha in laanta FDA ay leedahay dawadaas wax ayey tareysaa. Laakiin waxay ka dhigan tahay in loo adeegsado xaalado gaar ah.
Isbitaallada ayaa codsan kara, oo istcimaali kara dawooyinkaas, iyagoo ka helaya bakhaarrada dowladda ee laga soo saaro dawooyinka lagula tacaalo bukaannada Covid-19.
Laakiin 24-kii April, FDA, oo shatiga siisa dawooyinka laga isticmaalo Mareykanka, ayaa sidoo kale soo saartay digniin ku saabsan khatarta laga dhaxli karo dawooyinkaas, maadaama la soo tabiyay dad isticmaalay oo lagu arkayo xanuunno.

Xigashada Sawirka, Reuters
Dowladda Mareykanka waxay sheegtay in 30 milyan oo xirmo oo dawadaas ah ay dalkooda ugu deeqday shirkad laga leeyahay Jarmalka.
Dalal kale ayaa dawadan malaariyada loogu talagalay u fasaxaya in loo adeegsado xaaladaha qaarkood.
Faransiiska ayaa u oggolaaday dhakhaatiirtiisa inay u adeegsadaan bukaannada qaba Covid-19, laakiin hay'adda kormeerka dawooyinka ee dalkaas ayaa ka digtay saameynta ka dhalan karta.
Wasaaradda Caafimaadka ee dalka Hindiya ayaa iyaduna ku talisay in ka hortagga coronavirus loo isticmaalo dawada hydroxychloroquine, islamarkaana la siiyo shaqaalaha caafimaadka.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Hindiya waxay ka mid tahay dalalka soo saara tirada ugu badan ee dawada malaariyada.
Dalal ay ka mid yihiin Urdun iyo Kenya ayaase mamnuucay in dawada malaariyada loo adeegsado bukaannada qaba cudurka Covid-19.

- Muxuu yahay Coronavirus?
- Ma loo dhintaa coronavirus?
- Adeegga internet-ka ee 5G ma faafiyo coronavirus
- Coronavirus: Duur joogtii oo dadkii ka nasatay
- 101 jir ka caafimaaday cudurka Coronavirus
- Ma baaritaan sir oo cudurka corona ah ayey sameyneysay Safaaradda Soomaaliya ee Kenya?
- Shiinaha iyo feyraska Korona: Qoraagii ka careysiiyay Shiinaha
- Caddeyn ma loo helay in dawada malaariyada looga bogsado Covid-19?
- Madaxweyne Trump oo isticmaalay daawo ay dhakhaatiirta ka digeen
- Dal ku guuleystay daweynta dhammaan bukaanadii uu ku dhacay fayraska corona












