Coronavirus: bangiga Adduunka ayaa ka digay 60 malyan oo qof iney saboolnimo khatar ugu jiraan

Xigashada Sawirka, Getty Images
Bangiga Adduunka ayaa sheegay cudurka coronovirus ee dunida ka dillaacay uu sababay ilaa 60 malyan oo qof iney galaan "saboolnimo aad u daran."
David Malpass wuxuu sheegay dhaqaalaha dunida inuu hoos u dhaca 5% sanadkan xilli ay dalalku la daalaa dhacayaan cudurkan safmarka.
Wuxuuna cudurka uu durbadiba sababay iney malaayiin qof ay shaqooyinkooda ku waayaan ganacsiyo badanna ay xirmaan, xaaladda waddamada saboolka ah haba ugu sii darnaatee.
"Noolasha malaayiin qof ayaa burbrtay sida oo kale wuxuu cadaadis xooggan uu soo fuulay adeegyada caafimaadka caalamka" ayuu yiri.
"Qayaastannadu waxay tahay ilaa iyo 60 malyan oo qof iney galeen saboolnimo aad u adag, taasoo gabi ahaanba meesha ka saareyso dadaalladi looga jiray dhimista saboolnimada ee seddexdii sano ee ugu dambeeyey dunida ka socday" ayuu yiri Mr malpass oo talaadadi digniin soo jeediyey.
Bangiga Adduunka oo micneeyey "saboolnimada daran" ayaa ku sheegay dadka uu maalinti dakhliga soo galo uu ka hooseeyo $1.90 doolar.
Shirkad deymaha bixisa uu fadhigeedu yahay Washington ayaa sheegtay iney bixineyso $160 balyan oo doolar oo dulsaarka saarana uu yar yahay oo wax looga qabanayo waddamada saboolka ee ay xaaladdooda aadka u sii liidato.
Mr Malpass wuxuu sheegay 100 dal oo ay 70% dadka dunida ugu badan ku nool yihiin in durbadiba la siiyey taageera dhaqaale oo degdeg ah.

Xigashada Sawirka, WORLD BANK
"Bangiga Adduunka oo isku dayayo inta karaankiisa dhibka jiro wax ka qabto, haddana dadaalkaasi ma aha mid baahida jirta ku filan" ayuu yiri.Mr Malpass waxaa kale oo uu sheegay cudurka inuu sida oo kale uu calwiyey dadaallada lagu doonayey waddamada saboolka ah in deymaha lagu leeyahay laga cafiyo.
Bangiga Adduunka oo kaashanaya Hay'adda Lacata Adduunka (IMF) ayaa diyaariyey nidaam ay waddamada saboolka ah ay ku dalbanayaan in deymaha ay ku leeyihiin waddamada xubinka ka ah G20 ay ka cafiyaan, ilaa iyo dhammaadka sanadkanna ay codsiyadooda ku soo gudbiyaan.
Madaxa guud ee bangiga JP Morgan, Jamie Dimon wuxuu sheagay cudurka safmarka ee coronovirus uu noo noqdo 'mid aan hurdada kaga toosno' si aan u dhisno bulsho caddaalad ku dhisan.
"Waxaan rajeynayaa inaan musiibadan aan u isticmaalno fursad aan dib ugu dhiseyno dhaqaale abuuri karo fursado joogta ah oo dadka shaqa u abuuri kara, gaar ahaanna kuwa wakhtiga dheer shaqa la'aanta ahaa," ayuu yiri mar uu ka hadlayey shirka saamileyda bangiga ay talaadadi yeesheen.

- Muxuu yahay Coronavirus?
- Ma loo dhintaa coronavirus?
- Adeegga internet-ka ee 5G ma faafiyo coronavirus
- Coronavirus: Duur joogtii oo dadkii ka nasatay
- 101 jir ka caafimaaday cudurka Coronavirus
- Ma baaritaan sir oo cudurka corona ah ayey sameyneysay Safaaradda Soomaaliya ee Kenya?
- Shiinaha iyo feyraska Korona: Qoraagii ka careysiiyay Shiinaha
- Caddeyn ma loo helay in dawada malaariyada looga bogsado Covid-19?
- Madaxweyne Trump oo isticmaalay daawo ay dhakhaatiirta ka digeen
- Dal ku guuleystay daweynta dhammaan bukaanadii uu ku dhacay fayraska corona












