Diyaarad ku dhacday Afghanistan oo wax ay tahay la garan la'yahay

.

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Milatariga Mareykanka ayaa ku biiray baaritaanka

Ciidamada Milatariga Mareykanka ee ku sugan dalka Afghanistan ayaa ku biiray howlgalka baaritaanka ah ee lagu wado diyaarad maanta oo Isniin ah ku burburtay bariga waddankaas.

Saraakiil Maxali ah ayaa markii hore sheegay in diyaaradda oo ku dhacday deegaanka Deh Yak ee gobalka Ghazni ay leedahay shirkada diyaaradaha ee Ariana oo ah shirkad ay leedahay dwoladda Afghanistan. Balse mas'uuliyiin u hadlay shirkadda ayaa beeniyay in diyaarad ay leeyihiin ay dhacday, waxaana taasi ay sababtay su'aalo badan oo la iska weydiinayo cidda iska leh diyaaraddan iyo sababta ay u dhacday.

Muuqaal ay kooxda Taliban soo dhigeen baraha bulshadda ayaa lagu soo bandhigay diyaarad ay ku tilmaameen midda dhacday, waxaana ka muuqday astaamaha ciidanka cirka ee Mareykanka.

Muuqaal kale iyo sawirro lagu shaaciyay internet-ka ayaa muujiyay diyaarad kuwa ciidamada cirka ee Mareykanku isticmaalaan ah oo uu nooceedu yahay Bombardier E-11A jet.

Milatariga Mareykanka ayaa diyaaradaha ceynkaas ah u adeegsada howlaha kormeerka ee ay ka sameeyaan dalka Afghanistan.

Tuulada ay kusoo dhacday diyaaraddan, oo dhinaca koonfurta-galbeed ka xigta magaalada caasimadda ah ee Kabul ayaa ah meel ay awood ku leeyihiin xoogagga Taliban.

Sarkaal ka tirsan milatariga Mareykanka oo lagu magacaabo Beth Riordan, oo afhayeen ka ah taliska dhexe ee milatariga Mareykanka, ayaa wakaaladda wararka ee Associated Press u sheegay in wali aysan kala caddeyn cidda leh diyaaradda burburtay.

Sarkaal kale oo ka tirsan waaxda gaashaandhigga Mareykanka ayaa isagana wargeyska Military Times u sheegay sidan: "Waan ka war qabnaa arrintaas baaritaannaduna way socdaan. Xaaladdan hadda la joogo, ma xaqiijin karno in diyaaraddaas ay tahay hantida laanta difaaca ee Mareykanka".

Ka dib markii ay soo baxeen waarka hore ee la isla dhex marayay, oo sheegayay in diyaaraddu ay tahay mid rakaab ah, shirkadda Ariana ayaa soo saartay bayaan ay si adag ugu beenineysay arrintaas, iyadoo sheegtay in wakhtigaas ay labo diyaaradood oo kaliya hawada uga jireen, ayna labaduba bad qabeen.

Mirwais Mirzekwal, oo ah madaxa guud ee shirkadda Ariana ayaa wakaaladda wararka ee Reuters ku yiri: "a aha diyaarad ay leedahay Ariana sababtoo ah labada duullimaad ee ay Ariana maamuleysay maanta, oo kala ahaa mid kasoo baxday Herat kuna soo jeedday Kabul iyo mid ka kacday Herat oo kusii jeedday Delhi way nabad qabaan".

.

Barasaabka gobolka Ghazni, Wahidullah Kaleemzai ayaa goor dambe warbaahinta sida gaarka ah loo leeyahay ee TOLOnews ku yiri: "Ma jirto xog rasmi ah oo ku saabsan diyaaradda magaceeda iyo khasaaraha ka dhashayba".

Waaxda duulista hawada ee dalka Afghanistan ayaa sidoo kale sheegtay in wax diyaarad ah oo rayid ah aysan burburin maanta.

Afhayeenka Taliban Zabihullah Mujahid ayaa isagana BBC-da u sheegay in kooxdiisu aysan wali si toos ah u ogeyn goobta ay diyaaradda ku dhacday.

Taliyaha ciidanka gobolka Ghazni, Ahmed Khalid Wardak ayaa BBC-da u sheegay inuusan macluumaad ka heynin khasaaraha, walina aysan caddeyn waxa sababay burburka diyaaraddaas. Wuxuu intaas ku daray in diyaaradda dab la qabadsiiyay.