Maxay tahay sababta boqolaal carruur ah uu halmar u haleelay HIV?

A child is having blood taken for test in the Sindh province of Pakistan
Qoraalka sawirka, Sindh province in Pakistan is witnessing the biggest ever outbreak of HIV among children in Asia

Pakistan waxaa ku taala tuulo ay ku noolyihiin 900 carruur ah oo qabta caabua HIV-ga.

Waxaa la ogaaday bishii April ee sanadkan kadib markii dhaqtar uu ka shakiyay astaamo uu ku arkay carruur uu baaray, kadibna waxa uu ku taliyay in laga baaro xanuunka HIV-ga.

8 maalmood gudahood ayaa waxaa HIV laga heley ku dhowaad kun carruur ah.

Carruurta HIV-ga qaba ayaa la takooraa Pakistan
Qoraalka sawirka, Carruurta HIV-ga qaba ayaa la takooraa Pakistan

Waxyaabaha la yaabka lahaa ayaa ahayd in carruurta laga heley xanuunka ay da'doodu ka hooseysay 12 jir, iyaga oo aysan jirin qof qoyskooda ka mid ah oo qabay xanuunkan.

Waxaan safar ku tagnay tuulada Ratodero, oo ah meesha carruurta badan uu xanuunkan ku dhacay.

Doctor Muzaffar Ghangro oo ka mid ahaa dhaqaatiirta ugu muhiimsan ee tuulada ayaa loo xirey tuhun laga qabo in uu isaga si ula kac ah carruurta u qaadsiiyay xanuunka.

Markii aan wax ka weeydiinay eedeymaha loo jeediyay ayuu yiri "wax qalad ah maanan samaynin aniga".

"Saraakiisha wasaaradda caafimaadka waxaa haystay culees badan, marka si ay isaga fududeeyaan, oo ay u qariyaan dayacaadda ay sameeyeen ayay aniga i xireen" ayuu yiri dhaqtarkan.

"10 sano wax ka badan ayaan shaqada dhaqtarka qabanayay, qof iga cawday ma jiro, waligayna faleebooyinka iyo irbadaha dib uma isticmaalin, dhaqaatiir iga maseersan iyo saxafiyiin ayaa sheegadan ka dambeeyay" ayuu intaas ku daray.

Muuqaalkan Daawo

Qoraalka Muuqaalka, Tirakoobyada cudurka aids-ka ee adduunka

Dhaqtarkan oo laftiisa qaba xanuunka HIV ayaa xabsiga laga siidaayay markii dambe.

'Dadka waa necebyihiin carruurteena'

Pakistan
Qoraalka sawirka, Pakistan

Tuulo kale oo tan u dhow, 32 carruur kale ayaa laga heley xanuunka, iyada oo aysan jirin qof qoyskooda ka mid ah oo xanuunkaas horey u qabay.

Hooyooyinka dhalay oo geed hoos fadhiya ayaan la kulanay, aad ayay u welwelsanaadaayaan maadaamaa carruurtooda ay nafaqo daro ka muuqato, si joogto ahna u oynayaan.

Dowladda waxa ay bixisaa dawada HIV-ga, balse waalidka waa in ay iibsadaan dawooyinka kale ee lagula tacaalo xanuunada kale ee ka dhasha HIV-ga, kuwaas oo qaali ku ah waalidiinta.

"Dadka waa ay necebyihiin carruurteena, waana na wada takooraan, in ay gacanta nagu salaamaan xitaa ma ogola ama aan guryahooda booqano, waxa ay ka baqayaan in ay xanuunka qaadaan" ayay mid ka mid ah inoo sheegtay.

Cabsi Badan

Dr Ghangro
Qoraalka sawirka, Dr Ghangro

Doctor Fatuma Miir ayaa ka mid ahayd dhaqaatiirtii ugu horeeyay ee meesha tagtay kadib markii la ogaaday carruurta badan ee uu cudurka ku dhacay.

"Cabsi badan ayaa jirtay, HIV waxaa loo arkaa geeri, waxay u malaynayeen in carruurtooda ay dhimanayaan maalinka xiga" ayay tiri Faatuma.

Pakistan waxa ay ka mid tahay dalalka 11-ka ah ee xanuunka HIV uu ugu badanyahay, Qaramada Midoobayna ayaa sheegtay in tan iyo sanadkii 2010-kii ay aad u kordheen kiisaska HIV-ga, islamarkaasna ay gaareen 160,000.

Baraarug cusub

Kits for blood test used in Pakistani clinic
Qoraalka sawirka, The government blames unsafe injections for the HIV outbreak

Sidaas oo ay tahay dowladda weli muhiimad uma ahan la dagaalanka HIV-ga, balse dhacdadan carruurta badan laga heley xanuunka ayaa a dhigan in ay dowladda hadda soo baraarugtay.

Waxaa la sheegay in dalka ay ka shaqeeyaan illaa 600,000 oo dhaqaatiir aan tabobarnayn, islamarkaasna aanan u qalmin shaqada.

La taliyaha madaxweynaha ee dhanka caafimaadka Zafar Mirza ayaa fariin uu Twitter-ka soo dhigay ku sheegay in Pakistan ay tahay dalka ugu badan ee adduunka ee dadka irbadaha la mudo, kuwaas oo 95% wax ka badan ay yihiin kuwa aanan loo baahnayn. Taasna ay keento faafitaanka cudurada.

Wacyigalin

Dr Mir
Qoraalka sawirka, Dr Mir

Dowladda oo kaashanaysa ururo ayaa fidineysa barnaamijyo wacyigalin ah si dadka loo baro waxa uu yahay HIV iyo sida la'isu qaadsiiyo.