Beeraleyga deynta ku leh dowladda Tanzania ee diyaaradda loo qabtay

Xigashada Sawirka, IKULU
Dowladda Tanzania ayaa dadaal ugu jirta inay dib usoo ceshato diyaarad looga xayiray waddanka Koonfur Afrika, ka dib markii isbuucii lasoo dhaafay ay amarka xannibaadda diyaaraddaas soo saartay maxkamadda saree e magaalada Johannesburg.
Beeraley howlgab ah oo malaayiin doolar, oo magdhow ah ku leh dowladda Tanzania ayaa dacwad geeyay maxkamadda, ka dib markii ay mas'uuliyiinta Tanzania ku guul darreysteen inay lacagtiisa siiyaan.
Wafdi ballaadhan oo reer Tanzania ah ayaa maxkamadda uga qeyb galay dhageysiga dacwada.
Safiirka, wasiir ku xigeen iyo duuliyihii diyaaraddaas maalintii Jimcada ahayd geeyay Koonfur Africa ayaa dhammaantood goob joog ka ahaa halkaas.
Diyaaradda ay leedahay shirkadda Air Tanzania ayaa laga xannibay inay duusho, iyadoo loo eegayay kiis dhinaca sharciyeysan oo ka dhan ah dowladda Tanzania, kaasoo uu u xusul duubayo nin beeraley ah oo howlgab noqday.
Ninka beeraleyga ah, oo aan dooneynin in magaciisa la xuso ayaa dowladda Tanzania ku leh magdhow, ka dib markii dhul uu isagu waddankaas ku leeyahay ay dowladdu ka qaadatay sanadihii 1980-meeyadii.

Xigashada Sawirka, SOPA IMAGES
Qareennada matalaya beeraleyga howlgabka ah ayaa sheegay inay diyaaradda la bartilmaameedsaday maadaama caddeyn loo hayo inay si toos ah u leedahay dowladda Tanzania, sidoo kalena qiimaheeda uu aad ugu dhow yahay hantida ka maqan ninkaas.
1990-meeyadii ayaa ninkan loo xukumay in la siiyo magdhow lacageed oo gaaraya $33 malyan oo doolar, laakiin dowladda Tanzania ayaa siisay $20 malyan oo doolar oo kaliya.
Sidaas awgeed ninka beeraleyga ah ayaa doonaya inuu helo lacagtii uga hartay magdhowgii laga siiyay khasaarihii hantiyeed ee soo gaaray.
Dowladda Tanzania ayaa qiratay in beeraleygu uu deyn ku leeyahay, balse waxay sheegtay in Koonfur Afrika aysan xaq u lahayn inay soo faragashato arrintaas. Xukunka kiiskan ayaa laga dhigay mid khaas ah oo aan la shaacineynin.










