Hong Kong: Shiinaha oo amray in shaqada laga tiro shaqaalaha diyaaradeed ee dibadbaxyada taageersan

Xigashada Sawirka, Reuters
Shiinaha ayaa ku amray shirkadda fadhigeedu yahay Hong Kong ee Cathay Pacific inay shaqada ka cayriso shaqaalaha taageersan dibadbaxyada dimuqraadiyadda lagu doonayo.
Dalabka Beijing ayaa ku soo beegmay isu imaatin nabadeed oo lagu qabtay garoonka Hong Kong, halkaasoo kumannaan qof ay buux dhaafiyeen.
Cathay ayuu sidoo kale cadaadis ka soo food saaray baraha bulshada kaddib markii warbaahinta dowladda Shiinaha ay sii huriyeen halkudhigga #BoycottCathayPacific.
Madaxa Cathay John Slosar ayaa shaqaalihiisa difaacay. "Waxaa Hong Kong noo jooga 27,000 shaqaale oo shaqooyin kala duwan qabta... lagama yaabo inaan u sheegno waxa ay tahay inay ku fekeraan," ayuu yiri.
Hong Kong waxaa ka dhacay toddobaadyo ay dibadbaxyo socdeen. Waxay dibadbaxyadu bilowdeen sagaal toddobaad kahor, kaddib markii lasoo jeediyay sharci dadka dembiyada gala loogu dhiibayo Shiinaha.
Hong Kong waxay ka tirsan tahay Shiinaha, balse dadkeeda waxay haystaan xorriyad aysan haysan dadka dhulweynaha Shiinaha ku nool.






