Xiriirka 60 sano jirsaday ee u dhaxeeyay Ethiopian Airlines iyo shirkadda Boeing

60 sano ayey xiriir lahaayeen Ethiopian Airlines iyo Boeing

Xigashada Sawirka, JONATHAN DRUION

Qoraalka sawirka, 60 sano ayey xiriir lahaayeen Ethiopian Airlines iyo Boeing

Shirkadda diyaaradaha Ethiopian Arline see laga leeyahay dalka Itoobiya ayaa sannadkii 1945-kii howlaheeda ku billowday diyaarado lagu sameeyay waddanka Mareykanka.

Waxaa shirkadda la aasaasay ka dib markii boqorkii Itoobiya ee lagu magacaabi jiray Haileselassie I uu heshiis la galay shirkadda diyaaradaha Mareykanka ee hadda qaabilsan duulimaadyada hada, oo lagu magacaabo Trans World Aviation (TWA).

Kaleyesus Bekele oo ah wariye ku xeel dheer arrimaha duullimaadka islamarkaana ka shaqeeya warbaahinta afka amxaariga iyo ingiriiska ayaa diyaaradda Ethiopian Airlines raacayay muddo 15 sano ah.

Wuxuu sheegay in shirkaddan Itoobiya laga leeyahay ay muddo 60 sano ka badan xiriir la lahayd shirkadda diyaaradaha sameysa ee Boeing.

"Tusaale ahaan, Ethiopian Airlines waxay ahayd shirkaddii Afrika ugu horreysay ee isticmaasha diyaaradda uu matoorkeeda noociisa yahay D720 sannadihii lixdameeyadii. Markaas ka dib waxay soo iibsatay diyaaradaha Boeing ee lambarradoodu kala yahay 707, 727, 737, 757, 767" ayuu yidhi, wuxuuna in taas kusii daray in Ethiopian Airlines ay isticmaashay dhammaan diyaaradaha ay soo saartay shirkadda Boeing, marka laga reebo Boeing 747.

Xiriirku wuxuu ahaa mid aad u xoog badan, iyadoo garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Bole, oo hadda la isticmaalo, la dhisay ka dib markii lasoo iibiyay diyaaraddii ugu horreysay ee rakaab ah oo nooceedu yahay Boeing, maadaama garoonkii hore ee lagu magacaabi jiray Lideta airport uu lahaa waddo aad u burbursan.

Kaleyesus ayaa sidoo kale sheegay in Ethiopian Airlines ay ahayd shirkaddii ugu horreysay Afrika ee soo iibsatay diyaaradaha noocoodu yahay Boeing 767 iyo Dreamliner 787.