"Wacyigelin kaddib waxaa isbadelay fikirkii ay bulshada Soomaaliyeed ka aaminsanayd xirfadahan"

Iyadoo ay sii kordhayso shaqo la'aanta ka jirta Soomaaliya ayay dhalinyaro badan bilaabeen inay galaan dugsiyada farsamada si durbaba ay u helaan xirfad ay suuqa uga shaqaystaan.
Boqolaal arday ah ayaa ku biirtay dugsiga sare ee farsamada gacanta ee Al-Buruuj oo la aasaasay 2015 kii kana mid ah dugsiyada sare ee naadirka ah ee ku yaalla Soomaaliya kaas oo lagu barto maadooyin ay kamid yihiin dhismaha, korontada, makaanikada, iyo farsamooyinka kale ee gacanta.
Ardeydii ka qalin jabisay ayaa la sheegayaa inay durbaba shaqooyin bilaabeen.
Maxamed Shire oo ka mid ah ardayda wax ka barata dugsiga sare ee farsamada gacanta ee Al-Buruuj ayaa weriyaha BBC-da ee magaalada Muqdisho Ibraahim Maxamed Aaden u sheegay hamigiisa ku aadan inuu helo xirfad uu mar dhaw suuqa uga shaqaysto.
"Waxbarashadayda boqolkiiba waa ay fiicantahay, maxaa yeelay waxaa halkan ka helaa xirfado aad u taya badan, iyadoo farsamooyinka noola baro hab aad u wanaagsan, waxaan rajaynayaa inaan mar dhaw ka qalinjibiyo iskuulka si aan dalkayga uga faa'iideeyo xirfaha aan soo bartay." Ayuu yiri Maxamed Shire.
Xirfadaha lagu barto dugsiga sare ee Al-Buruuj ayaa waxa ka mid ah dhismaha, balse waxa aad ugu yar dumarka qaybtan barta.

Sacdiyo Ciisa Warsame, waxa ay ku jirtaa sanadkii ugu dambeeyey ee barashada xirfadda dhismaha, waxa ayna BBC-da u sheegtay inay horay uga qayb qaadatay dhismooyin hore ee laga hirgeliyey magaalada Muqdisho.
"Xirfadan waxa aan ku doortay laba sababood oo kale ah , ajaaniibta oo ku badan shaqooyinka noocan ah halkii ay ka shaqayn lahaayeen dhalinyaradii Soomaaliyeed? , iyo in aan gabdhaha kale tusaale u noqdo oo aan ku dhiirageliyo inay samayn karaan xirfadaha noocan ah." Ayey tiri Sacdiyo Ciisa.
Iyadoo ay boqolaal arday ah dhigtaan dugsiga ayaa hadana waxaa jira caqabado ay maamulka iskuulka la kulmaan, mamulaha dugsiga sare ee Al-Buruuj, Cabdimajiid Qadar Cali ayaa BBC-da u sheegay inay wakhti badan ku qaadatay inay helaan ardaydaan kaddib wacyigelin badan oo ay sameeyeen.

"Bulshada Soomaaliyeed waxa ay ka aaminsantahay xirfadaha farsamada inay ka shaqeeyaan dadka saboolka ah oo kaliye, xilligii aan bilawnay dugsigan waalidiinta iyo ardaydaba waa ay diidanaayeen inay aqbalaan farsamooyinka noocan ah." Ayuu yiri Cabdimajiid Qadar.
Khubarada ayaa rumaysan in loo baahanyahay in la hormariyo lana casriyeeyo dugsiyada sare ee farsamooyinka si loo helo shaqaalo ku fillan dib u dhiska dalka oo hadda ka soo ka banaya colaad muddo dheer qaadatay.










