Nin dilay madaxdii shaqada ka tirtay

Nin shaqada laga eryay ayaa toogasho ku dilay shan qof waxuuna dhaawacay dhowr askari oo soo gaaray goobta shaqada looga tirayay kuwaasi oo badbaadinayay dadkii uu rasaasta la dhacay.
Ninkan oo hubeysnaa ayaa la dilay kaddib markii ay rasaas isdhaafsadeen booliiska. Shanta qof ee uu dilay ayaana haatan la shaaciyay magacyadooda.
Israsaaseynta ayaa ka dhacay shirkad ku taalla xaafada Aurora oo 40 mayl u jirta galbeedka Chicago.
Booliiska ayaa ku sheegay ninka dilka geystay Gary Martin, oo da'diisu ay ahayd 45, waxuuna 15 sanno ka shaqeynayay shirkadda Henry Pratt.
Madaxa booliiska xaafada Aurora Kristen Ziman ayaa sheegay in ninka laga shakiyay uu isi soo hubeeyay kaddibna uu kasoo qeybgalay shir shaqada looga tirayay.
Waa kuwama dadka ku dhintay shirka?
Booliiska ayaa sheegay magacyadan:
Russell Beyer
- Vicente Juarez
- Clayton Parks
- Josh Pinkard
- Trevor Wehner
Saddex ka mid ah dadka dhintay ayaa ku sugnaa qolki looga dhawaaqay in ninkan shaqada laga tirayo, halka midka afaraad iyo kan shanaadna ay ku jireen qol kale.

Xigashada Sawirka, Reuters
Waa kuma ninka dilka geystay?
Gary Martin waa rugcadaa 15 sano kasoo shaqeynayay shirkadda Henry Pratt.
Qoyska ninkaan ayaa u sheegay wargeyska The Chicago Sun-Times in ninkaan uu ka welwelay shaqada laga eryayay.
Steve Spizewski, oo daris la ahaa Martin, ayaa wargeyskan u sheegay inuu u ahaa saaxiib uuna usoo tacsiyeeyay xilligii ay dhimatay hooyadiis oo uu aad u murugeysnaa.
Ms Ziman oo iyadana aqoon u lahayd Martin ayaa sheegtay inuu qoriga uu dadka ku dilay uu soo iibsaday sanadkii 2014.
Maxaa ka dhacay shirkadda Henry Pratt?
Booliiska ayaa helay wararka ku saabsan toogashada ka dhacay xaafada Aurora.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Saraakiisha ayaa si degdeg ah uga hortegay ninkan dilka geystay oo ku hubeysna qori isagoo rasaas la dhacay dadkii goobta ku sugna.
Saddex booliis ah ayaa la toogtay xilli ay doonayeen inay dadka kasoo samatabixiyaan dhismaha weerarku ka dhacay.
Booliiskii kale ee iyagana ku dhaawacmay weerarkaan ayaa xaalkoodu haatan wanaagsan yahay,
Ninkan ayaa booliisku ugu dambeyn waxay ku hareereeyay dhismaha muddo 90 daqiiqo ah kadibna waa ay toogteen.
Dhacdadaan ayaa kusoo beegmeysa kaddib maalin uun xuska sanad guuradii koowaad ee kasoo wareegtay weerarkii toogasho ee ka dhacay iskuul ku yaalla Florida kaasi oo galaaftay nolosha 17 qof.










