Labo ruux oo dhimatay iyo 15 kale oo ku dhaawacantay toogasho Canada ka dhacday

Xigashada Sawirka, Reuters
Labo ruux oo mid ka mid ah uu yahay ninkii hubaysnaa iyo haweenay da'yar ayaa dhintay 13 ruux oo kalana dhaawac ayaa soo gaaray ka dib toogasho ka dhacday magaalada Toronto, sida uu sheegay booliiska dalka Canada.
Toogashada ayaa ka dhacday agagaarka Danforth iyo Logan habeennimada Axadda.
Dadka dhaawaca ah waxaa ka mid ah gabadh yar, waxaana xaaladdeeda lagu sheegay mid aad u liidata, booliiska ayaa dalbanaya dad goobjoogeyaal ah.
Qaar ka mid ah dadkii dhaawaca ahaa ayaa lagu daweeyay isla goobtii, halka kuwo kalana loola cararay isbitaallo ka ag dhaw, ma cadda ujeedada laga lahaa toogashadaas.
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan, 1
Jeremy Cohn oo ah saxafi ka tirsan @globalnewsto ayaa soo dhigay muuqaalkan isaga oo sheegaya in ay dhaawacyadu daadsan yihiin goobo kala duwan.
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan, 2







