Dalka Australia oo lagu soo dhaweeyay ciyaartoy qaxooti ah

Xigashada Sawirka, Getty Images
Hakeem al-Araibi oo ah ciyaartoy qaxooti ah ayaa ku laabtay dalka Australia ka dib markii laga sii daayay xabsi Thailand ku yaalla.
Ninkan oo dalka Baxrayn u dhashay ayaa Bangkok ku xirnaa labo bilood ka dib markii qabashadiisa loo cuskaday waraaq ay booliiska caalamiga ah ee Interpol u qortay Baxrayn.
Dalkaas Carbeed ayaa Isniintii ka laabtay isku daygii uu ku doonayay in loo soo masaafuriyo ciyaartoyga ka dib markii uu culays kala kulmay ururrada xuquuqda aadanaha u dooda ee caalamka.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Boqollaal ruux oo taageersan ayaa soo dhaweeyay ciyaartoygan 25 jirka ah ka dib markii uu ka soo dagay garoonka Melbourne Talaadadii.
"Waxaan jeclahay in aan u mahadceliyo Australia. Waa wax cajiib ah in aan intan oo ruux halkan ku arko iyo dhammaan dadka reer Australia ee taageerada ii muujiyay.

Xigashada Sawirka, AFP/Getty Images






