Dumar taageerayaal kubbad cagta ah oo Iran lagu xirxiray

Xigashada Sawirka, Getty Images
Soddon iyo shan dumar oo ka mid ah taageerayasha kubadda cagta ayaa lagu xiray dalka Iiran kadib markii ay isku dayeen inay gudaha u galan garoon, taasi oo ka dhan ah mamnuucid lagu soo rogay in dumarka ay galaan goobaha kubadda lagu ciyaaro.
Ciyaartan oo u dhaxeysay kooxo ka dhisan magaalada Tehran ayaa martida daawanaysay waxaa ka mid ahaa madaxa xiriirka kubadda cagta adduunka ee FIFA Gianni Infantino, Weriyaha BBC-da ee ka faaloda arrimaha bariga dhexe Alan Johnston ayaa sheegay in ay tahay dhacdo lala yaabo.
Haweenkan ayaa la qabtay iyagoo si dhuumaaleysi ah ku galaya garoonka si ay goob joog uga noqdaan ciyaar socotay oo muhiimad gaar ah lahayd,
Isku dayga haweenkan ee ay doonayeen in ay garoonka ku galaan ayaa laga yaaba in rajadoodu ahayd inay soo jiitaan dareenka Mr Infantino ayna u muujiyaan mamnuucida lagu soo rogay dumarka inay taagan goobaha ay ka socdan ciyaaraha kubada cagta.
Mamnuucidan ayaa la soo rogay ka dib kacaanki islaamiga ah ee Iiran.
Dhanka kale afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha gudaha ee Iiran ayaa sheegay in taagerayshan la hayay oo kali ah inta ciyaarta ay ka socoto.






