Waa kuma Axmed Al Casiri 'ninkii wax ka maleegay' dilka Khaashuqji?

Xigashada Sawirka, AFP
Kaddib 17 cisho oo dafiraad ah, Telefishinka dowladda ee dalka Sucuudiga ayaa Sabtidii xaqiijiyey in Weriye Khashoggi lagu dilay dagaal ka dhacay qunsuliyadda Sucuudiga uu ku leeyahay Istanbul.
Waa markii ugu horreysay ee ay dowladda Sucuudiga aqbashay in Mr Khaashuqji la dilay.
Waxaa kale ee soo baxay in ku xigeenka sirdoonka Ahmed al-Casiri iyo lataliyaha saxaafadda boqortooyada Sacuud al-Qaxtaani- laba nin oo ilaa hadda ahaa saaxiibo u dhaw dhaxal sugaha boqortooyada Sucuudiga Mohammed Bin Salman, ayaa shaqada looga eryay arrin loo sababeeyay inay xirriir lalahaayeen Boqor Salman.
Jeneraal lagu magacaabo Ahmed al-Casiri ayaa lagu tuhunsanyahay inuu yahay nin aad ugu dhow dhaxal sugaha boqortooyada Sucuudiga.
Gen Assiri, oo ah qof qaraabo la ah qoyska boqortooyada oo aan dibadda laga aqoonin ayaa u istaagay inuu xoojiyo markii uu bilawday dagaalkii Yemen bishii March 2015.
Labada sano ee soo socota waxaa la qorsheynayay inuu si dhow ula shaqeeyo dhaxal sugaha boqortooyada Sucuudiga Mohammed bin Salman .
Afhayeenka Sucuudiga
Waa qof si fiican ugu hadli kara luuqadaha Carabiga, Ingiriiska iyo Faransiiska.
Gen Assiri ayaa saxaafadda u muujiyey awooddiisa mar uu u dooday Boqortooyada oo lagu soo eedeeyey iney si aan kala sooc lahayn duqeyn uga geysteen Yemen.
- Jamal Khaashoqji oo maydkiisa laga raadinayo kaymaha
- Erdogan: Waa niyad jab arrinta Jamal Khashoggi
- Mareykanka oo turkiga ka codsaday caddeymo la xiriira Jamal Khashoggi
- Faahfaahintii Sacuudiga ee dilkii Jamal Khashoggi oo la qaadan la'yahay
- Waayaha nololeed ee Jamal Khashoggi, weriyaha la waayey ee Sucuudiga ah

Xigashada Sawirka, Reuters
Balse waxa uu u muuqday iney xasiloonida ka tagtay markii uu ku guda jiray booqashadisii uu ku tagay London bishii Maarso 2017-dii, xilli ay dibad baxayaal isku dayeen inay joojiyaan munaasabad caalami ah oo uu ka hadlayey.
Muqaalka dhacdadan ayaa lagu arkayaa Gen Cassiri oo wajigiisa ka leexinaya dibad baxayaasha kaddib markii ay ku soo tuureen ukun.
Shaqada Milateri
U magacaabista ayaa ahayd abaalmarin kale ee lagu sharfayo nin gaaray madaxa milateriga Sucuudiga.

Xigashada Sawirka, Reuters
Saxaafadda Sucuudiga ayaa sheegtay in Gen Cassiri uu ka soo jeedo magaalo yar oo lagu magacaabo Muxayil, taasoo ka tirsan gobolka Cassir ee waqooyiga Sucuudiga.
Balse xilligii uu ku jiray milateriga waxa uu soo hoyiyay guulo wax ku ool ah
Guul darradiisa
Gen Cassiri waxa lagu tixgeliyaa inuu yahay nin leh awood ku filan oo uu ku samayn karo go'aanno u kali ah balse doorkiisa dhimashada Jamal Khashoggi ayaa weli ah mid qorsoon.

Xigashada Sawirka, AFP
Sida ay sheegeen ilo wareedyo uu soo xigtay wargeyska New York Times, wuxuu amar afka ah ka helay amiir Maxamed Bin Salman, kaasoo ku amray inuu soo qabto Khaashuqji oo uu geeyo Sucuudiga.
Ka hor inta aan shaqada laga eryin maalintii Sabtida, wargeyska New York Times ayaa horraantii isbuucan soo tabiyay in dowladda Sucuudiga ay eedeynta dilka Khaashuqji dusha ka saari doonto Jeneraal Cassiri, si aan loo eedin amiir Maxamed Bin Salmaan.










