"Dad aan wali ka ladin saxariirtii ay ka soo mareen qaraxii Soobe"

Waxaa laga yaabaa in ay baaba'een inta badan raadadkii muuqday ee uu reebay qarixii soobbe, balse saamayntii uu ka tagay dagaalkii Soobe ayay wali dad badan la nool yihiin.
Inkastoo dhaawac yadii jireed ay intooda bogsadeen, dhismeyaal badanna dib la isaga dhistay haddana dhaawacyo badan oo quluubta soo gaaray ayaan wali dhaymin.
Dadkaasna waxaa ka mid ah Cabdullaahi Cali Maxamed oo ah 27 jir uu dhaawac culus ka soo gaaray weerarkii is qarxinta ahaa ee boqolaalka qof lagu dilay bishan oo kale sanadkii hore isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho.
"Ciyaalkaas intay ka barbaarayaan anigay ii baahan yihiin, hooyay u baahan yihiin, hooyadoodse way dhimatay, subixii iyaga oo hurda ayaan ka kalahaa, si aan bariis ugu soo raadiyo, mararka qaarna waxaan soo laabtaa iyaga oo seexday." Ayuu yiri Cabdullaahi oo qaraxaas ku waayay xaaskiisii uu jeclaaa iyo gabadh uu dhalay oo ay goobta qaraxa wada joogeen.
Inkasta oo uu qadarta ku qanacsanyahay haddana dhaawaca jireed iyo midka maskaxeed ee soo gaaray marka uu gocday indhihiisa illin ayaa soo dhaaftay.
Raadadka xannuunka xusuuseed ee xubnaha ku dhaawacmay qaraxii Soobe ama goobjooga u ahaa wixii maalintaas dhacay ma yara, qaarkood hurdada ayay habeenkii ka salalaan halka qaarkoodna ay hurdadu ku yartahay.
"Markii isbitaalka la igeeyay ayaan arkay wiil aan aqaanno markaas ayaan ku iri maxaa isbitaalka Banaadir la ii keenay, ma bajaaj ayaa i jiirtay, mise baabuur ayaa fariinka goostay intii aan fadhiyay, markaas ayuu iyiri iska aamus aayo Nuunaay waxba ma ogid nukliyeer ayaa Soobe ku dhacay," ayay tiri Nuunaay Maxamed Aadan oo ka mid ah dadkii garab raratada ahaa ee iyaga oo ganacsanaya ku dhaawacmay qarixii Soobe.
"In aan kiniin liqo mooye wali si fiican uma seexdo" ayayna hadalka ku sii dartay Nuunaay.
Inkastoo boqolaalkii ruux ee qaraxii Soobe ku dhaawacmay la daweeyay jir ahaan haddana intooda badan ma jirto cid iska xil saaratay sidii looga dawayn lahaa dhaawicii maskaxeed ee uu qaraxaasi u gaystay.
"Dadka Soomaaliya ku nool oo dhan waxaa haysta dhibaato caam ah oo soddon sano ayay ku nool yihiin meel qarax iyo dhibaatooyin ka socdaan, marka dadka oo dhan dhibaato maskaxeed ayay qabaan laakiin xaddiga ay dhibaatadu gaarsiisan tahay ayaa kala badan. Balse kuwii joogay qaraxii Soobe oo ah kii ugu yaabka iyo dhibaatada badnaa waxay u keentay in ay naxaan markay qarax maqlaanba oo is dhahaan adiguu kugu dhacay, maantana dadkii aagaas joogay way caafimaad qabaan ma dhihi karno." Ayuu yiri Dr Cabdi Ibraahim Jiya oo qaba in tiiraanyo bixin loo sameeyo dadkii ay dhibaatadu ka soo gaartay qarixii Soobe.
Dr Jiya ayaa rumeysan in dhibaatada maskaxeed ee gaartay dadkii ku dhaawacmay ama goobjooga ah u ahaa dhacdadii Soobe ay saamayn wayn ku yeelatay hab nololeedka bulshada ay xubnahaasi la nool yihiin.











