Rag lala xiriirinayo Daarushifa oo maxkamad la geeyey

Xarunta Daarushifa
Qoraalka sawirka, Xarunta Daarushifa

Booliska Kenya ayaa baaraya 13 nin oo lala xiriirinayo jirdil loogu gaystay dhibanayaal xarun dhaqan celin oo ku taalla xaafadda Islii ee Nairobi.

Ragaas ayaa maanta maxkamad la hor geeyey, ka dib markii barnaamijka Isha Afrka ee baaritaannada uu muujiyey dad xanuunsan oo la garaacay, lana xiray, si lid ku ah rabitaankooda.

13ka qof ee laga shakisan yahay ayaa wajahaya eedo la xiriira inay ka shaqaynayeen isbitaal xagga dhimirka, iyagoo aan ruqsad u haysan, inay dad xireen oo jirdileen, iyo weerar.

Booliska ayaa ka dalbaday maxkamadda in ragaas la sii hayo seddex maalmood, iyagoo caddaymo uruurinaya.

Laba mooyee intii kale ayaa damaanad min $1000 Doollar ah lagu sii daayey.

Ragga maxkamada la geeyey waxaa lagu eedeeyey jirdil
Qoraalka sawirka, Ragga maxkamada la geeyey waxaa lagu eedeeyey jirdil

Barnaamijka Isha Afrika ee BBC waxaa ku jiray muuqaallo muujinayey dad xanuunsan oo jooga xarunta dhaqan celinta ee Darushifa, kuwaasoo loo gaystay xadgudubyo jireed, laguna khasbay inay cabaan walxo la qasay oo halis ku ah nafta bani'aadmiga, lana yiraahdo Harmala.

Milkiilaha xarunta ayaa markaa ka dib BBC u soo diray qoraal uu ku beeninayo eedeymahaas.

Iyadoo ka jawaabaysay warbixinta BBC, ayey hay'adda Kenya u qaabilsan ka hortagga isticmaalka waxyaabaha maanka dooriya - NACADA - waxay shalay soo saartay qoraal ay ku sheegeyso in Darushifa aysan ahayn hay'ad la aqoonsan yahay.

Agaasimaha NACADA, Vincent Muasya, wuxuu sheegay in xarunta la xiray.