Nin caan ku noqday qoob ka ciyaar uu ku soo bandhigay xaflad aroos

Sanjeev Srivastava

Xigashada Sawirka, Youtube/Sanjeev Srivastava

Qoraalka sawirka, Mr Srivastava ayaa sheegay "in uusan wax fikir ah ka haysan sida uu muuqaalkani ku baahay "

Barafasoor u dhashay dalka Hindiya oo cilmiga korantada bartay ayaa Qoob ka ciyaar uu ku bandhigay goob aroos ah waxa ay noqotay mid si wayn loogu baahiyay baraha bulshada islamarkana ninkani caan ka dhigtay.

Waxa uu ninkani sheegay in uu aad ula yaabay sida qoob ka ciyaarkan ay dad badan u soo jiidatay oo loo hadal hayo.

"Ma anan filayn in aan caan ku noqon doono ciyaarta aan so bandhigay," Sanjeev Srivastava waxa uu sidaasi u sheegay BBC.

Dadka caanka ah ayaa baraha bulshada ku baahiyay qoob ka ciyaarka uu soo bandhigay waxa ayna bogaadiyeen qaabkii uu jirkiisa u dhaqaajinayay taasi oo laga baahiyay TV maxali ah.

Barta uu Twitar-ka ku leeyahay oo uu furay afar maalmood ka hor ayaa imika waxaa saaxib la ah 3,000 oo qof.

Mr Srivastava, oo 46 jir ah, ayaa yiri "wax fikir ah kama haysto qaabka muuqaalkan isaga iyo xaaskiisa oo ciyaaraya lagu baahiyay".

Waxa uu intaa ku daray in muuqaaalkan la duubay mar dhawaan uu ka qayb galayay xaflad aroos oo ay qoyskiisa lahaayeen.

Dadka reer Hindiya ayaa barta Twittar-ka ku soo qoray oo ku tilmaamay #dancinguncle -waxa ayna qabsatay qoob ka ciyaarkiisa baraha bulshada.

Ka bood X boggan
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan

Ninkani khahbiir kuma ah dhanka qoob ka ciyaarka,balse marki uu caruurta ahaa islamarkana ay da'diisu ahayd 10 sano ayuu mar ku guulaystay tartan dhanka qoob ka ciyaarka ahaa.

Waxa uu ku soo barbaaray gobolka Madhya Pradesh, waxa uuna ka qayb galay saddex tartan oo uu dhammaan koobab ku guulaystay.

Heesta uu ku ciyaaryay ayaa ahayd hees uu qaado jilaaga caanka ah ee Govinda waxa ayna soo baxday sideetameeyadii.

Jilaaga oo qudhiisa ka hadlay arrintan ayaa sheegay "in uu jeclaystay qoob ka ciyaarkiisa ".

Dadka kale ee caanka ah ee ka hadlay arrintan waxaa ka mid ah labada jilaa ee kala ah Arjun Kapoor iyo Anushka Sharma, waxa ayna ku soo bandhigeen baraha bulshada iyaga oo ammaanay Mr Srivastava.

"Qaar ka mid ah qaraabada ayaa muuqaalkan ku baahiyay Facebook , ka dib na saxaafada ayaa baahisay islamarkana ma aanan nasan 4 maalmood," waxa uu sidaasi u sheegay Mr Srivastava BBC.