Dad u daawasho tagay humaagga cadceedda ee daaraha quraaradda ee New York

New York City

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, New York City

Boqolaal dad ayaa shalay gabal dhicii u daawasho tagay xaafada dadka ladan ay degenyihiin ee magaalada New York, halkaas oo ileyska cadceedda uu ku dhacay daaraha dhaadheer ee quraarada ka samaysan, halkaasna waxaa ka dhashay humaag-celin.

Dhacdadan oo sanadkiiba labo mar dhacday ayaa waxa ay magaalada ka wada dhigtaa mid bikaacaysa, iyada oo dadka ay sawirtaan muuqaalada quruxda badan.

Dadka ayaa baraha bulshada ku faafinayay sawiradda dhacdadan oo loo yaqaano 'Manhattanhenge".

Dad u daawasho tagay humaagga cadceedda Times Square

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Dad u daawasho tagay humaagga cadceedda Times Square

Magaca "Manhattanhenge" ayaa waxaa bixiyey aqoonyahan lagu magacaabo Neil deGrasse Tyson 1996-kii.

Cadceedda ayaa marka ay sii dhacayso waxa uu ileyskeeda ku beegmaa meel u dhaxaysa daaraha safka ku jira ee dhaadheer, iyada oo humaagga uu ku toos ugu dhoco dariiqyada waqooyi iyo kuwa koonfureed ee magaalada.

Waxaa kale oo jira labo dhacdo oo kuwan oo kale ah , balse waa marka ay cadceedda soo baxayso.

magaalada Tudor ee Manhattan

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, magaalada Tudor ee Manhattan

Sawir qaadayaasha qaarkood ayaa mar horeba sii qabsaday goobo habboon oo ay sawirrada ka qaadan karaan maadaamaa dad badan meesha isugu imanayeen.

Balse sidii ay wax u qorsheeyeen kuma dhacaan, waxaa mararka qaarkood isku gudba basaska waaweyn ee magaalada mara ama xitaa daruuro isku gadaama cadceedda.

Dad badan ayaa isugu soo baxay magaalada Tudor.

magaalada Tudor ee Manhattan

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, magaalada Tudor ee Manhattan

Balse mar walba uma dhacdo sida loo qorsheeyey.

Dadka u daawo tagay ayaa wajaho carqalado kala duwan sida in daruuro ay qariyaan cadceeda.

Waxaa kale oo jira labo dhacdo oo kuwan oo kale ah , balse waa marka ay cadceedda soo baxayso.

Marka xiga ee dadka reer New York ay arki doonaan dhacdadan ayaa ah 12-ka July.