Dadweynaha Maleysiya oo u dareeraya cod bixinta doorashada

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dadweynaha Maleysiya ayaa saaka u dareeray codbixinta kuraasta baarlamaanka uu loollanka adag dhex marayo tani iyo marki uu dalku xorriyadda qaatay.
Olola doorasha aad u adag ayaa wuxuu dhex marayaa Ra'isal wasaare Najib Razak iyo Rai'sal wasaarihi hore Mahaatir Mohamed oo 92 jir ah doorashada isku hor fadhiyan fadhiyaan.
Mr Najiib ayaa waxaa lagu cambaareeyaa inuu fadeexad musuq uu ku dhaqaaqay iyada oo balaayiin doolar laga waayey sanduuqa maalgelinta Malaeysiya.
Mr Mahatir oo saxada siyaasadda ku soo laabtay ayaa wuxuu rajeynayaa iney doorashada isgau guul ku raacdo sumcad xumada Mr Najiib la soo deristay awgeed.
Labada xubin uu loollanka adag ku dhex maraya doorashadan waa siyaasiyiin horay xulafa u soo ahaa.
Mr Mahaatir oo horay dalka Maleysia Ra'isal wasaare ka soo noqday ayaa mudda kaddib ku soo laabtay saxada siyaasadda dalkaasi.
Isaga oo sheegaya inuu dalku ku jiro noolasha oo aad u adkaatay iyo musuqmaasuqa oo aad u baahay fursadahaasina ay u horseedayaan iney guul halkaasi ka raacdo.
Mudda kaddib wuxuu siyaasadda ugu soo laabtayna ay tahay inuu badbaadiyo dalka iyo dadka Maleysia.
Doorashada ayaa waxaa la filayaa iney codkooda ka dhiibtaan dad ka badan 14 milyan.










