Basasha oo la ogaaday in lagula dagaalami karo cudurka qaaxada

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Nooc ka mid basasha ayaa la ogaaday in in laga sameeyo dawada looga hortago cudurka qaaxada, sida lagu sheegay daraasad cusub oo la sameeyay.

Cilmi baarayaasha ayaa sheegay in maaddooyin ku jira basashan oo lagu magacaabo Persian in ay xitaa gacan ka geysan karto daweynta nooca qaaxada ee adkaysiga u leh dawooyinka.

Balse waxa ay cilmi baarayaasha sheegeen in ay tahay xili hore , loona baahanyahay tijaabooyin dheeraad ah.

Waxaa cilmi baarista lagu sameeyay jaamacadaha London iyo University College of London.

Basashan ayaa aad looga isticmaalaa dalka Iran.

Dr Sanjib Bhakta oo hormuud ka ah kooxda cilmi baarayaasha ayaa yiri "Inkasta oo uu socdo dadaal caalami ah oo looga hortagayo qaaxada, haddane sanadkii 2016-kii waxa uu ku dhacay 10 milyan oo qof, 2 milyan oo ka mid ahna waa ay u geeriyootay".