Guriga Cabdi Qaybdiid oo la weeraray

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya cidda weerartay guriga Senetor Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) oo duhurnimadii Sabtida ciidan hubaysan oo loo malaynayo inay kuwa dawladda yihiin ay xoog ku galeen.
Xilliga weerarku uu dhacay, Mr Qaybdiid waa uu ka maqnaa guriga, mana jiro wax khasaare nafeed ah oo halkaa ka dhashay.
Senetor Cabdi qaybdiid oo goor dambe saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in taliyaha nabadsugidda ee gobolka Banaadir uu ku wargeliyey in guriga ay soo weerareen 'ciidamo ka amar qaata Iimaaraadka carabta'.
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan
Barta Twitterka ee madaxtooyada Soomaaliya ayaa iyadana lagu qoray in madaxweynaha Soomaaliya uu taliyaha milateriga ku amray in baaritaan lagu sameeyo dhacdadaas, ayadoo 'ciddii ku lug yeelatana sharciga lala tiigsan doono'.
Sawirro laga soo qaaday guriga Sen. Cabdi Qaybdiid ayaa muujinaya burbur loo gaystay agabkii guriga yiillay.


Wakaaladda wararka ee ku hadasha afka dawladda Soomaaliya ayaa goor dambe shaacisay in taliyaha ciidanka xoogga dalka uu xabsiga u taxaabay 40 askari oo ciidanka dawladda ka tirsan iyo laba sarkaal oo lagu tuhunsan yahay inay ku lug lahaayeen weerarkii lagu qaaday guriga Cabdi Qaybdiid.






