Kooxda Boko Haram oo la wareegtay magaalo ku taalla Nigeria

Kooxda Boko Haram ayaa ku xooggan waqooyiga Nigeria

Xigashada Sawirka, AFP/BOKO HARAM

Qoraalka sawirka, Kooxda Boko Haram ayaa ku xooggan waqooyiga Nigeria

Wararka ka imanaya waqooyi bari Nigeria ayaa sheegaya in dagaalyahano ka tirsan kooxda Boko Haram ay la wareegeen magaalo ku taalla waqooyi galbeed oo u dhaw magaalada Maiduguri.

Wakaalada wararka ee Reuters ayaa sheegtay in dad ku sugan magaalada Magumeri ay qadka taleefoonka ugu sheegeen in ay u qaxeen kayn ku dhaw magaaladaasi.

Ila wareedyo laga helay militariga Nigeria aya xaqiijiyay weerarka balse wax faafaahin ah kama aysan bixin.

Horraantii bishan ayay ahayd markii 6 qof lagu dilay guriyo badan na lagu gubay weerar ka dhacay isla magaaladan Magumeri .

Toddobaadyadii ugu dambeeyay ayaa waxa sii kordhayay howlaha ay Boko Haram ka wadaan waqooyiga dalkaasi Nigeria .

Militariga Nigeria ayaa waxa ay kooxda Boko Haram horrey uga saareen magaalooyiin ay ka talinayeen.