You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Qaramada Midoobe oo dowladda Suuriya ku eedeeysay weerar kiimiko loo adeegsaday
Warbixin cusub oo ay gacan ka gaysatay Qaramada Midoobay ayaa muujinaysa in xukuumada Bashaar al Asad ay ka dambeysay weerarkii Kimikada ee ka dhacay Suuriya .
Warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in dowladda Suuriya ay ka dambeysay weerarkii Kimikada ee lagu qaaday magaalada Khan Sheikhoun horraantii sannadkan .
Weerarka ayaa waxa ku dhintay ku dhawaad 90 qof.
Baarayaasha ayaa sheegay in Suntan waxyeelaysa neerfaha ee loo yaqaano Sarin,laga soo riday diyaarad.
Dowladda Suuriya ayaa horey u beenisay masuuliyada weerarkaasi.
Weerarkan kimikada oo dhacay bishii April ayaa sababay in Mareykanka ay weerar gantaalada kuruuska ku qaadaan saldhig ay leeyihiin ciidamada Suuriya.
Horaantii todobaadkan ayaa dowladda Rushka waxa ay codka diidmada qayaxan ku hor istaagtay qorsha ay wadeen golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, kaasi oo lagu doonayay in baaritaano dheeraad ah lagu sameeyo weerarkaasi kimikada ah ee ka dhacay Suuriya.
Danjiraha Qaramada midoobe u fadhida mareykanka Nikki Haley ayaa sheegtay in warbixintan ay xaqiijisay run ay horey u sii ogaayeen.