Ugu yaraan 276 ku dhimatay qaraxii Muqdisho

Waxaa sii koradhay tirada dadkii ku dhintay qaraxii ka dhacay magaaladda Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.
Waxaa soo baxaysa imika in qaraxii ka dhacay magaalada Muqdisho shalay uu ahaa kii ugu xumaa ee soo mara magaladaasi.
Saraakisha ayaa waxa ay sheegayaan in ugu yaraan 276 qof ay ku dhinteen qaraxaasi ka dhacay Muqdisho.
Waxaa laga cabsi qabaa in dhimashu ay intaas ka sii badato.
Waxaa sidoo kale jira dhaawacyo badan oo lagu dawaynayo isbataalada magaalada Muqdisho.
Kooxaha gurmadka ayaa weli ku mashquulsan sidii ay u soo badbaadin lahayeen dad laga cabsi qabo inay burburka dhismooyinka ku hoos jiraan.

Xigashada Sawirka, EPA
Ma cadda ilaa iyo imika caddii ka dambaysay qaraxani .
Balse waxaa hubaal ah in uu qaraxani ahaa kii ugu qasaaraha badnaa ee ka dhaca caasimadda soomaaliya ee Muqdisho .
Qaraxii ugu horeeyay ayaa ahaa gaari ah nooca qaada xamuulka oo ku qarxay waddo mashquul badan oo ay ku yaalaan Hotelo,iyo xafiisyo ay dowlada leedahay.
madaxwaynaha Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay seddex maalmood oo baroor diiq loo samaeynayo dadkii ku waxyeeloobay qaraxaasi.










