Baaquli lagu iibiyay in kabadan 37 milyan oo doolar

Xigashada Sawirka, EPA
Baaquli 1,000 sano soo jiray oo lagu xaraashayay Hong Kong ayaa lagu iibsaday ku dhawaad 38 milyan oo doolarka Maraykanka ah, lacagtaas oo ah middii ugu saraysay ee baaquli noocaas oo kale ah laga lagu iibiyo.
Baaquligan ayaa soo jiray tan iyo taariikhdii Song Dynasty ee dalka Shiinaha.
Xarunta xaraashka ee Sotheby ayaa sheegtay in xaraashku uu socday 20 daqiiqo, iyadoo dad ay khadka taleefanka ka soo galeen hal qofna uu qolka ku sugnaa.
Baaquligan yar ayaa cabirkiisa lagu sheegay 13cm, midabkiisuna waa buluug iyo cagaar
Cidda gadatay baaquliga ayaa is qarisay oo aan wali la shaacinin.
Qiimaha lagu billaabay xaraashka ayaa ahaa 10.2 milyan oo doolar, qofka gatayna taleefan ayuu soo diray dad badan ayaana u sacabeeyay.
Nicolas Chow oo shirkadda Sotheby madax uga ah Shiinaha ayaa baaquliga ku tilmaamay "wax aan caadi ahayn oo naadir ah".
"Qiimahaas ayuu goyn doonaa ismaanaan lahayn, laakiin waan ogayn in hardan adag loo gali doono," ayuu sii raaciyay hadalka.











