Dowladda Ugandha oo u digniin siisay warbaahinta

Madaxwayne Museveni

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Madaxwayne Museveni

Waaxda isgaarsiinta ee dalka Uganda ayaa uga digtay Idaacadaha iyo Telefishinada dalkaasi in ay si toos ah u tabiyaan waxyaabaha dhiirigalinaya dhaqan ku dhisan rabsho bulshada dhexdeeda.

Waaxda ayaa intaa ku dartay in ay tillaabo ka qaadi doonto qof waliba oo jabiya xeerarka waxyaabaha ay tabiyaan Warbaahinta .

Waaxda isgaarsiinta ee dalka Uganda ayaa ku hanjabtay in warbaahintii jabisa xeerka ay laysinka kala noqon doonaan.

Amarkan ayaa ka danbeeyay ka dib markii qalabka Warbaahinta ay si toos ah u tabiyeen shalay rabshad hareysay kalfadhigii baarlamaanka dalkaasi.

Warbaahinta ayaa baahisay xildhibaanada oo gacanta isula tagay oo dagaalamaya.

Xildhibaanada ayaa isku maandhaafay dooda mooshin la doonayay in meesha looga saaro qodobka xaddidaya da'da uu madaxwaynaha xilka hayn karo.

Isbadalkan oo ay soo bandhigeen xisbiga haya talada dalkaasi ee NRM ayaa meesha ka saaraya qodobka dhigaya in da'da howlgabnimada madaxwaynaha ay tahay 75 jir.

Dadka ka faalooda siyaasada Uganda ayaa sheegaya in arrintan looga gol leeyahay in waddada loogu sii xaaro madaxwayne Musavani oo ay da'diisu noqonayso 73 jir marka la gaaro sanadka 2021.