Trump oo booliiska u fasaxay qalabka milatariga

Xigashada Sawirka, AFP
Madaxweynaha Maraykanka Donland Trump ayaa qaaday xayiraaadihii uu Barack Obama booliiska ka saaray in ay adeegsadaan qalabka milatariga.
Amar madaxweyne ayaa hadda lagu fasaxay in booliisku ay adeegsan karaan qalabka saablayda iyo madaxa lagu xirto ee xabbadda difaaca iyo garaawida qafilan.
Xeer ilaaliyaha guud ee Maraykanka Jeff Sessions ayaa sheegay in ujeedadu ay tahay in la xoojiyo ammaanka bulshada.
Obama ayaa milatariga ka mamnuucay in ay qaar ka mid ah qalabkooda ku wareejiyaan booliiska ka dib markii ay daganaansho la'aan ka dhacday magaalada Ferguson, ee gobolka Missouri.
- Booliiska Maraykanka oo dilay haweenay reer Australi ah
- Maraykanka:Haweenay lagu qasbay in ay Xjiaabka tuurto oo mag dhaw la siiyay
- Maraykanka oo dad u xirxiray rabshaddii booqashadii Erdogan
- Brazil oo qabatay hub si sharci darro ah looga keenay Maraykanka
- Booliiska Maraykanka oo baahiyay muuqaalka nin madaw oo la dilay
Madaxweynihii hore ee Maraykanka ayaa ka walaacsanaa sida ay bulshadu u arki doonto booliis aad u qalabaysan sida milatariga oo wadooyinka la soo dhoobay, wuxuuna sheegay in ay muhiim tahay in booliiska loo arko qayb bulshada ka mid ah badalkii loo arki lahaa xoog qabsaday.

Xigashada Sawirka, AFP






