Jahwareer ka dhashay weerarka Manchester
Dadka ayaa sharraxaad ka bixiyey baqdinta iyo argagixii ka dhacay goobta xafladda muusiga ay ka socotay ee anchester, halkaas oo qarax ka dhacay ay ku dhinteen 19 qof, in ka badan 50 kalana ay ku dhaawacmeen. Dad badan oo ka badbaaday weerarka oo goobta ka baxsaday ayaa ka sheekeeyay argagaxa ay la kulmeen.
Waxa yar ka dib saacaddu markay ahayd 11-kii fiidnimo, waxa si la ma filaan ah uu iftiin uga kacay waddooyinka magaalada Manchester, helkobtarro ayaa la kiciyey oo hawada ifiyay.
Way iska cadeyd billowgiiba in arrintani ay tahay mid daran. Gooba aan ka fogeyn halka uu qaraxa ka dhacay, waxaa la arkayey dadkii oo yaacayo iyagoo jahawareersan, misana aan garanyn waxa ay ka cararayaan.
Markii ay ka fogadeen goobta, waxaa la arkayey iyadoo qaar ka mid ah dadkaasi ay fadhiyaan, si ay u nastaan, eheladooduna ula hadlaan.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Hooyo ka mid ah dadka ka qeyb galay xafladda ay heesaha ka tumeysay fanaanad u dhalatay Mareykanka, Ariana Grande, ayaa BBC-da u sheegtay in hadafkeda ugu wayn uu ahaa sidii ay gabdhaheeda ay gurigeeda u gaysan lahayd.
Fanaanadda oo badbaaday ayaa sheegtay inay aad uga xuntahay wixii xalay ka dhacay Manchester.
Dad kale ayaa ka waramay in ay arkeen dadka uu dhiig qariyey jirkooda, iyagoo isku dayey in ay goobta naftooda kala cararaan. Dad badan ayaa ka cararay dharkii ay xirnaayeen iyo tilifoonadooda gacanta.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Booliska ayaa markiiba xiray goobta, iyo waddooyinkii ku dhawaaba.
Kooxaha gurmadka deg degga ah ayaa markiiba gaaray goobta iyagoo daweynayay dadka dhaawacmay.
Sebastian Diaz, oo ah arday 19 sano jir ayaa ka soo safartay , Newcastle si ay uga qeyb qaadato bandhig-faneedkan.
"Ariana Grande ayaa markaa dhameysay heesteedii u dambeysay, waxaana xigay dhawaq xooggan. Waxaan arkay in qof kasta uu meesha ka baxsanayo anigana waan iska raacay dadkii yaacayay oo dhinaca albaabka u wada socday".

Xigashada Sawirka, Getty Images
Waxaa muuqato in inbadan oo ka mid ah dadka ku waxyeeloobay weerarakni ay u badan yihiin dhallinyaro ka soo qeybgashay bandhiga oo qaarkood xitaa ay waalidkood wehliyeen.
Jahwareer badan ayaa jiray iyadoo dad badan la arkayay iyagoo tilifoonkooda gacanta ka raadinayo macluumaad ku saabsan sida ay wax u dhaceen.
Qaar ka mid ah dukaamada ku yaalla waddooyinka ku hareereeysan saaxadda ayaa u muuqday inay biyo siinayeen dadka ka badbaaday dhacdadani . Gawaarida taksiyada ayaa iyaguna dadka goobta uga daadgureynayay si bilaash ah.

Xigashada Sawirka, Getty Images












