Gaari xamuuul ah oo dad ku laayay dalka Sweden

Qoraalka Muuqaalka, Muuqaalka dad ka cararaya gooobta uu weerarku ka dhacay

Gaari xamuul ah ayaa la jiirsiiyay dukaan ku yaalla bartamaha Stockholm, waxaana halkaa ku dhintay seddax qof, sida uu sheegay booliska Sweden.

Dhowr qof oo kale ayaa ku dhaawacantay dhacdadan oo ka dhacday waddo mashquul badan oo ku taaalla aaga Drottninggatan.

Ra'iisalwasaaraha Sweden, Stefan Lofven waxa uu sheegay inay suuragal tahay inuu yahay weerar ay 'argagixiso' ka dambeysay.

Waxa uu intaasi ku daray in hal qof la xiray. Ra'isalwasaaruhu Faahfaahin kale ma bixinin.

Shirkadda leh gaariga xamuulka ah ee dadka la jiirsiiyay ayaa sheegtay in gaarigaasi la afduubay saaka.

People were killed when a truck crashed into department store Ahlens on Drottninggatan, in central Stockholm, Sweden April

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Gaariga ayaa la jiirsiiyay dukaan ku yaalla bartamaha magaalada

Wararka qaar ayaa sheegaya in rasaas laga maqlay qeybo kale oo ka mid ah magaalada, sida uu ku warramay weriyaha BBC-da arrimaha ammaanka Frank Gardner oo soo xigtay ilo wareedyo dhinaca ammaanka.

Wali lama garanyo in labada dhacdo ay xiriir leeyihiin iyo in kale.

Special police forces work at the scene

Xigashada Sawirka, AFP/ Getty

Swedish police work on the scene

Xigashada Sawirka, AFP/Getty Images