Dhagxaan laga sameeyay muuqaalka colaadda Suuriya

Xigashada Sawirka, Nizar Ali Badr
Mala awaalka wuxuu u muuqdaa dad qaxaya. Qoys qaxaya, alaabtooda madaxa ku sita, wax loo ekeysiiyay ilmo yar oo hooyo laabta ku sido; iyo maydka qof ag yaalla qof dumar ah.
Sawiradan waxaa laga mala awaalay xaaladda dalka Suuriya, wuxuuna ninka farshaxanka sameeyay isticmaalay dhagxaan.
Waxaa sameeyay nin 52-sano jir ah oo lagu magacaabo Nazir Cali Badar, wuxuuna ka dib ku daabacay boggiisa Facebook.
Sawir kastaa sheeko ayuu muujinaayaa sida uu sheegay Nazir.

Xigashada Sawirka, Nizar Ali Badr

Xigashada Sawirka, Nizar Ali Badr
Nizar Wuxuu muddo ku dhexjiray farshaxanka dhagxaanta laga sameeyo.
Maalin kastaa 35-tii sano ee la soo dhaafay, wuxuu aadayay xeebta Latakia, wuxuuna soo uruurinayay dhagxaan iyo quruurux qurux badan.
Wuxuu soo uruuriyaaa dhammaan noocyada dhagxaanta.
Markii uu bilowday dagaalkii Suuriya, 2011-kii, Nazir wuxuu soo bandhigay musiibo, guryo burburay, qoysas barakacay, iyo caruur la dilay.
Wuxuu billaabay inuu dhagxaanta ku muujiyo wixii uu ku soo arkay Suuriya.
"Ma haysan kaamero aan ku duubo wixii dhacayay", ayuu yiri, mar uu BBC-da ugu waramay qadka telefoonka ee Latakia, dalka Suuriya.
"Isla markii aan dhameeyay, muddo ayaan eegay, waan baabi'iday hadana mid cusub ayaan sameeyay".

Xigashada Sawirka, Nizar Ali Badr

Xigashada Sawirka, Nizar Ali Badr

Xigashada Sawirka, Nizar Ali Badr

Xigashada Sawirka, Nizar Ali Badr

Xigashada Sawirka, Nizar Ali Badr

Xigashada Sawirka, Nizar Ali Badr

Xigashada Sawirka, Nizar Ali Badr

Xigashada Sawirka, Nizar Ali Badr

Xigashada Sawirka, Nizar Ali Badr

Xigashada Sawirka, Nizar Ali Badr

Xigashada Sawirka, Nizar Ali Badr

Xigashada Sawirka, Nizar Ali Badr

Xigashada Sawirka, Nizar Ali Badr
Waxaa soo saartay qeybta BBC-da ee sawirada iyo wararka bulshada. Dhammaaan sawirada waxaa iskaleh Nazir Cali badar










