Xalab oo si buuxda gacanta ugu gashay dowladda Suuriya

Mucaaradkii ugu dambeeyay ayaa ka baxay bariga Xalab

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Mucaaradkii ugu dambeeyay ayaa ka baxay bariga Xalab

Ciidamada dalka Suuriya waxay shaaciyeen guul inay ka gaareen magaalada Xalab ee dalka Suuriya.

Daad gureyntii ka socotay halkaas ayaa dhammaatay, dhammaan shacabka iyo mucaaradka ayaa laga saaray deegaanadii go'doonsanaa.

Qoraalka Codka, Falanqeyn: Dagaalkii Xalab maxaa xigi doono?

Arrintaas ayaa ah in ciidamada dowladda ay si buuxda u qabsadeen Xalab, waxaana la arkayay ayagoo dabaaldegaya.

Qoraalka Muuqaalka, Daawo: Xalab, dagaalka ka hor iyo ka dib

Waa guushii ugu weyneyd ee madaxweynaha Suuriya Bishar Al-Asad uu gaaray muddadii dagalka uu dalkaasi ka socday.

Mid ka mid ah ciidamada galay deegaanadii go'doonsanaa ayaa sheegay inay sii soconayaan illaa Suuriya oo dhan ay ka qabsanayaan.