Mucaaradka bariga Xalab oo degmooyiin kale laga qabsaday

Ciidamada dowladda Suuriya ayaa kala bar bariga Xalab ka saaray Mucaaradka

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Ciidamada dowladda Suuriya ayaa kala bar bariga Xalab ka saaray Mucaaradka

Mucaaradka magaalada xalab waxa ay sheegayaan inay dib u gurteen si ay meel difaac adag u galaan.

Arrintaasi ayaa ka dambeysay ka dib markii ciidamada dowladda ay qabsadeen degmooyiin badan oo ka tirsan magaalada kala qeybsan.

Wasiirka difaaca ee Ruushka wuxuu sheegay in mucaaradka ay ka qabsadeen kala bar dhulkii ay maamuli jireen.

Kumannaan qof ayaa ka qaxaya labada dhinac ee dowladda iyo mucaaradka ay kala maamulaan.

Ninka u qaabilsan mucaaradka dhinaca wadahadallada ayaa sheegay in xittaa haddii Xalab dowladda ay qabsato inuusan kacdoonka dhammaandoonin.