Mucaaradka degmada Atareb, Suuriya, oo la duqeeyay

Xigashada Sawirka, Reuters
Koox kor kala socoto xaaladaha dalka Suuriya ayaa sheegeysa in la duqeeyay magaalada Atareb ee dalkaasi.
Magaaladan la weeraray waxay dhanka galbeedka ka xigtaa Xalab, waxaana maamulo mucaaradka.
Hay'adda xuquuqda aadanaha ee Suuriya waxay sheegtay in ugu yaraan shan qof ay ku dhinteen duqeynta.
Sidoo kale degmooyiin ku hareereysan Xalab ayaa la duqeeyay.
Mucaaradka ayaa looga guuleystay dagaalkii Xalab, balse weli waxay maamulaan magaalooyiinka ku hareereysan.
Sidoo kale mucaaradka weli waxay gacanta ku hayaan gobolka Idlib.











