US oo digniin dhanka socdaal ka ah ka soo saartay Masar iyo Urdun

Digniinta ayaa daba socoto weerarkii ugu dambeeyay ee Urdun

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Digniinta ayaa daba socoto weerarkii ugu dambeeyay ee Urdun

Mareykanka ayaa soo saaray digniin dhanka safarada ah oo ku saabsan Masar iyo Urdun.

Waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa arrintan ku sheegtay in halis argagixiso ay labadaasi dal ka jirto.

Tallaabadan ayaa daba socota ka dib weeraro is xigxigay oo dalakaasi ka dhacay.

Tobannaan qof, oo uu ka mid qof Canada u dhashay ayaa lagu dilay weerar qarax oo ka dhacay Urdun, isbuucii tagay.

Waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka waxay sidoo kale soo qaadatay dhowr qarax oo masar ka dhacay bishan.

Waxaa ka mid ah qaraxyadaasi, mid la dhigay kaniisadda Qibdhiyiinta oo ay ku dhinteen 25 qof.

Mareykanka ayaa muwaadiniintiisa ku baraarujiyay inaysan u safrin Siinaay iyo gobollada dhanka galbeedka ee Masar.