Masar oo ku dhawaaqday seddax maalmood oo baroor diiq ah

Waxaa jiro kaniisado horey loo weeraray

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Waxaa jiro kaniisado horey loo weeraray

Madaxweynaha dalka Masar Cabdifitax Al-sisi ayaa sheegay in dalka seddax maalmood oo baroordiiq ah uu galayo ka dib markii la qarxiyay kaniisad.

Mr Sisi wuxuu weerarka ku tilmaamay inay "manaxayaal argagixiso ah" ka dambeeyeen.

Qaraxa oo ka dhacay gudaha kaniisadda waxaa ku dhintay ugu yaraan 26 qof ay ku dhinteen qaraxa, in kabadan 30 kalena ay dhaawacmeen.

Qaraxa wuxuu burburiyay daaqadaha dhismaha kaniisadda

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Qaraxa wuxuu burburiyay daaqadaha dhismaha kaniisadda

Qaraxa ayaa ka dhacay meel ay ku cibaadeysanayeen masiixiyiin ku sugnaa kaniisadda.

Kaniisada waxaa iskalahaa Qibdhiyiinta dalka Masar, kuwaas oo boqolkiiba 10 ka ah shacabka dalkaasi.

Dad badan ayaa isugu soo baxay kaniisadda la qarxiyay

Xigashada Sawirka, DAVID MILNE

Qoraalka sawirka, Dad badan ayaa isugu soo baxay kaniisadda la qarxiyay

Weerarada ka dhanka ah Qibdhiyiinta ayaa dhowaanahan sare u kacay.

Sidoo kale, qeybo badan oo ka mid ah dalkaasi Masar waxaa kla taagan rabshado u dhexeeya Muslimiinta iyo Qibdhiyiinta.