You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Pakistan oo mamnuucday isticmaalka warbaahinta Hindiya
Dowladda Pakistan ayaa shaacisay in wixii ka billowdo maanta ay mamnuucday dhageysiga iyo daawashada wararka xarumaha warbaahinta laga leehay dalka Hindiya.
Mamanuucidani ayaa ah mid gabi ahaanba aan kala soocayn warabaahinta Hindiya , waxaana xitaa ku jira ruwaayadaha iyo filimada Bollywood-ka.
Hay'ada maamusha warbaahinta Pakistan ee PEMRA ayaa sheegatay in ciddii amarkaasi u hogaansami weydo la xiri doono.
Xiriirka u dhexeeya labadan dal ee ku yaal koonfurta Aasiya ayaa sii xumaanayay bilihii u danbeeyay , iyadoo immikana saxaafadu ay noqotay goobtii u danbeeysay ee lagu hardamo.