Ciidan badan oo u diyaarsan in la geeyo Minneapolis

Minneapolis weli waxaa ka socda dibadbaxyada looga soo horjeedo haweeney uu dilay askari ka tirsan ciidanka ICE.

Kooban

Tebin toos ah

  1. Jawaabo ka dhan ah hanjabaadaha canshuuraha ee Trump oo Yurub ka yimid

    Mette Frederiksen

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Mette Frederiksen

    Siddeedda dal ee uu bartilmaameedsaday madaxweynaha Maraykanka canshuuraha (tariffs) waxay ka digeen “hoos-u-dhac khatar ah” waxayna sheegeen inay “si buuxda u garab taagan yihiin” Denmark iyo Greenland, iyagoo ka soo horjeeda dalabaadka Trump ee ah in loo wareejiyo dhulka Arctic-ga.

    Afhayeenka Ra’iisul Wasaaraha UK Keir Starmer ayaa sheegay in Ra’iisulwasaarahu uu si toos ah u canaantay Trump, kuna yiri: “In canshuuro lagu soo rogo xulafada si ay u raacaan amniga wadajirka ah ee xulafada NATO waa arrin khaldan.”

    Ra’iisul Wasaaraha Denmark Mette Frederiksen ayaa adkaysay in “Yurub aan la handadi karin,” iyadoo ku ammaantay taageerada ay ka heshay xulafada Yurub.

    Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa xitaa soo jeediyay in Midowga Yurub (EU) laga yaabo inuu ka aargoosto, isagoo markii ugu horreysay adeegsanaya qalabka loo yaqaan “Anti-Coercion Instrument” (ACI) weriyahayaga Paris ayaa faahfaahin ka bixinaya waxa ay tani ka dhigan tahay.

    Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda Denmark Lars Løkke Rasmussen ayaa sheegay inuu rajaynayo inuu Trump ka dhaadhiciyo inuu ka tanaasulo riyadiisa lahaanshaha Greenland, iyadoo la sii wadi doono wadahadallada Aqalka Cad.

    Inkastoo ay yaraayeen falcelinta ka imanaysa dhinaca kale ee Badweynta Atlaantik, Wasiirka Maaliyadda Maraykanka Scott Bessent ayaa sheegay in madaxweynaha Maraykanku isku dayayo inuu “iska ilaaliyo khilaaf” isagoo ku daraya Greenland Maraykanka.

  2. Dab weyn oo ka kacay suuq weyn oo Pakistan ku yaal iyo dad ku dhintay

    Pakistan
    Qoraalka sawirka, Dab-damiyaashu ayaa la tacaaklaya dab khatar ah oo ka baxaya xarunta ganacsiga ee Karachi

    Dab ka kacay xarun ganacsi oo ku taalla magaalada Karachi ee Pakistan ayey ku dhinteeny lix qof iyadoo dab-damiyeyaashu ay weli la tacaalayaan dabka.Qaybo ka mid ah Gul Plaza, oo ka kooban 1,200 dukaamo isla markaana leh 8,000 mitir oo laba jibbaaran ayaa soo dumay taas oo ciidamadu ay sheegeen inay carqaladaynayso dadaallada samatabixinta.

    Hal qof oo dab-damiska ka tirsan ayaa ka mid ah dadka dhintay, in ka badan 20 qof ayaa dhaawacmay waxaana jirta cabsi in qaar ay weli ku xidhan yihiin gudaha suuqa dabaqyada ah.

    Adeegyada gurmadka ee deegaanka ayaa sheegay in markii caawiyayaashu gaaren goobta Sabtidii "dabkii ka qarxay dabaqa hoose uu gaaray dabaqyada sare, goobtii oo dhanna hoos iyo kor uu dabku ku faafay iyadoo dhismaha intiisa badan uu horey dabku u qabsaday".

  3. Xoghayaha Guud ee NATO oo Trump kala hadlay xaaladda Greenland

    NATO

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Xoghayaha Guud ee NATO Mark Rutte ayaa sheegay inuu kala hadlay Madaxweyne Mareykan Donald Trump armo ku saabsan xaaladda Greenland iyo Arctic.

    Kaddib wada hadalka uu la yeeshay Trump, Rutte ayaa ku qoray barta X: "Waxaan sii wadi doonaa howshan, waxaanan rajaynayaa inaan ku arko isaga Davos dhamaadka toddobaadkan."

    Trump ayaa kasoo qeybgeli doonaa shirka Golaha Dhaqaalaha Adduunka ee Davos, Switzerland, dhamaadka toddobaadkan iyo sidoo kale hoggaamiyayaasha Faransiiska, Jarmalka, Netherlands iyo Finland.

  4. Ciidanka Suuriya oo ka qabsaday xoogagga Kurdiyiinta xarunta shidaal ee ugu weyn dalka

    Syria

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Ciidamada Suuriya ee la dagaalamaya xoogaga Kurdiya ee waqooyi-bari Suuriya ayaa qabsaday goob shidaal oo ugu weyn dalkaas.

    Goobta Omar iyo xarumaha gaaska ee u dhow ayaa waxa gacanta ku haya ciidamada ka dib markii Ciidamada Dimoqraadiga Suuriya ee uu hogaamiyo Kurdiyiintu ay dib uga laabteen, sida ay sheegayaan saraakiisha iyo kormeerayaashu. Horey, ciidamada ayaa u qabsaday biyo-xireenka istiraatiijiga ah ee Tabqa ee Webiga Furaat.

    Dib u riixidda ayaa timid ka dib markii SDF ay ku dhawaaqday inay dib ugu bixi doonto bariga wabiga Furaat, ka dib isku dhacyo dhimasho leh oo dhacay todobaadkii hore. Bixitaankaas wuxuu ku xigay wada hadallo lala yeeshay mas'uuliyiinta Mareykanka.

    Dagaalka weli ka socda degaanadaas waxa u dhaliyay burb uku yimid heshiiskii dhexmaray SDF iyo dowladda Madaxweyne Axmed al-Sharaa, oo isku dayaya inuu iksu dhaffo hay’adaha Kurduunka iyo hay’adaha dowladda Suuriya.

    Jimcahii, iyadoo la muujinayo niyad wanaag, Al-Sharaa wuxuu sheegay inuu ka dhigi doono afka Kurdish luqad qaran iyo inuu sannadka cusub ee Kurdish ka dhigi doono fasax rasmi ah. Amar-kan waa aqoonsigii ugu horreeyey ee rasmiga ahaa ee xuquuqda dadak Kurdishka ah tan iyo markii Syria ka xornimada heshay 1946.

  5. Ra'iisul Wasaaraha Denmark oo sheegtay in aan 'Yurub loo caga jugleyn karin'

    Denmark

    Ra’iisul Wasaaraha Denmark Mette Frederiksen ayaa sheegtay in "Yurub aan la cabsi gelin karin" kadib markii Trump uu ku hanjabay in uu canshuur saarayo siddeed ka mid ah xubinaha Nato arita la xiriirtaa Greenland.

    Hoggaamiyeyaasha Denmark, Finland, Faransiiska, Jarmalka, Netherland, Norway, Sweden iyo UK ayaa ku digaya bayaan wadajir ah oo ay soo saareen in qorshaha Trump uu khatar ku yahay hoos u dhac halis ah oo dhaca.

    Siddeedda waddan waxay sheegayaan inay si adag u taageersan yihiin "mabaadi'da madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed" ee Greenland in kastoo ay jiraan hanjabaado canshuur oo 10% ah.

    Dhanka kale, kumanaan qof ayaa ka mudaaharaaday qorshayaasha Trump ee Greenland iyo Denmark

  6. Dowladda oo sheegtay inay fashilisay weerar ay al-Shabaab ku qaadday Shabeellaha Dhexe

    Dowladda ayaa sheegtay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay fashiliyeen weerar ay al-Shabaab ku qaadeen deegaanka Jabad Godane ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

    Arrintan ayaa timid kadin iska hor imaad uu ka dhashay khasaare.

    Ciidanka ayaa la sheegay inay gacanta ku hayaan deegaanka.

  7. Mareykanka oo dilay hoggaamiye sare oo al-Qaacida ah

    Mareykanka

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Maraykanka ayaa lagu warramayaa inuu Suuriya ku dilay hoggaamiye ka tirsan Al-Qaacida, kaasoo mas'uul ka ahaa dhimashada askar Maraykan ah.

    Hoggaamiyahan ka tirsan Al-Qaacida ee lagu eedeeyay inuu dilay saddex askari oo Maraykan ah, ayaa lagu sifeeyay mid "xiriir toos ah" la lahaa kooxda ISIS.

    Sida uu sheegay Taliska Dhexe ee Maraykanka (CENTCOM), Bilal Hassan al-Jassim, oo ahaa hoggaamiye Al-Qaacida ah, ayaa lagu dilay weerar dhacay Jimcihii lasoo dhaafay.

    Weerarku wuxuu ka dhacay waqooyi-galbeed dalka Suuriya.

    Waxaa la sheegay inuu "xiriir toos ah" la lahaa kooxda ISIS, taasoo dalka Suuriya ku dishay kuna dhaawacday askar Maraykan ah iyo dad u dhashay Suuriya.

    BBC-du si madax-bannaan uma xaqiijin arrintan.

  8. Ciidan fara badan oo ku wajahan Minneapolis

    ICE

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Askar ayaa diyaar u ah in la geeyo Minneapolis, sarkaal ka tirsan difaaca Mareykanka ayaa u sheegay CBS News, oo ah la-hawlgalaha BBC-da Mareykanka.

    Sarkaalku wuxuu sheegay in 1,500 askari, oo hadda ku sugan Alaska, uu magaalada u diri karo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, haddii uu go'aansado inuu isticmaalo shaqaale militari oo firfircoon, iyadoo mudaaharaadyada ka dhanka ah Socdaalka iyo Dhaqangelinta Kastamka (ICE) ay ka sii socdeen magaalada Sabtidii shalay.

    Wali wax go'aan ah lagama gaarin in askarta laga soo daad gureeyo Alaska iyo in kale, ayuu yiri sarkaalku.

    Saraakiisha Minnesota ayaa ku boorriyay mudaaharaadayaasha inay si nabad ah ku joogaan inta ay socdaan mudaaharaadyada ka dib markii wakiilka ICE uu toogtay muwaadin Mareykan ah Renee Good horraantii bishan.

  9. Labaatan iyo shan dal oo qofka baasaboor Soomaaliga wata uu visa ku qaadanayo garoonkooda

    Waxaa sii badanaya tirada dalalka soo dhaweynaya baasaboorka Soomaaliya, sida ay shaaciyeen hay’ado kala duwan oo u guul gala qiimeynta aqoonsiyada dal-ku-gal-ka.

    Hay’adaha Reach Immigration iyo Passport Index ayaa sanado kahor soo saaray liis ay isku waafaqsan yihiin oo ah ku sheegeen dalalka u fasaxaya qofka heysta baasaboorka Soomaaliya in uu kasoo dago garoonkooda.

    Waddamadaas oo gaaraya ilaa 25 ayaa qofka aqoonsiga Soomaaliya wata ka doonaya in uu visaha ama dal-ku-gal-ka ku qaato garoonka, marka uu diyaaradda kasoo dago ka dib.

    Dalalkan ayaa ka duwan kuwa ay Soomaalidu ku aadi karaan visa la’aanta ama aan wax oggolaansho ah looga baahneyn marka ay gudaha u galayaan.

    Liiska waddamada uu qofka aqoonsiga Soomaaliya ku safraya ka dagi karo garoonkooda diyaaradaha si uu uga dalbado visa waxaa uu u dhigan yahay sidan:

  10. Daraasad "xal waara" u heshay bidaarta

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Burooyinka yaryar ee maqaarka dadka ayaa suurta gal ah in uu leeyahay fursad lagu daweyn karo bidaarta, sida lagasoo xigtay daraasad toddobaadkan lagu daabacay joornaalka Nature.

    Ku dhawaad toban sano, saynisyahano ka tirsan Jaamacadda California, Irvine waxay baranayeen burooyinka maqaarka si ay u fahmaan sababta ay ugasoo baxaan timaha dhaadheer. daraasadda cusub waxay muujineysaa in burooyinka noocan oo kale ah ay ka kooban yihiin unugyo gaar ah oo kor u qaada koritaanka timaha.

    “Waxaan timaha burooyinka ka dul baxa ka helnay tixraac,” ayuu yiri Maksim Plikus oo ah madaxa daraasadda isla markaana ah barfasoore ka ah jaamacadda California, Irvine kana dhiga samaysanka unugyada bayoolajiga.

    Dadku sida caadiga ah waxay lumiyaan inta u dhaxaysa 50 iyo 100 xabbo oo timo ah maalintii, ka dibna unugyada gunta tinta ayaa soo saara kuwo cusub. Laakiin shakhsiyaadka leh bidaarta ama ay hadda kusoo socoto - waxa ay dhakhaatiirtu u yaqaanaan ‘alopecia’ ama ‘alopecia androgenic’ oo ah unugyada asliga ah ayaa jiifa, sidaas darteed ayeysan timo cusub usoo baxeyn.

    Sida lagu helay Tijaabooyin loo adeegsaday jiir, Plikus iyo kooxdiisa cilmi-baaristu waxay muujiyeen in nooc ‘molecule ah’ oo loo yaqaan ‘osteopontin’, oo si gaar ah ugu badan burooyinka maqaarka ee timaha leh, uu kicin karo unugyada tarma ee timaha, kuwaas oo markii hore hurday.

  11. Dib u milicsi: Waxa laga ogyahay shidaalka Waqooyi-Bari iyo qiyaasta saliidda ku jirta

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Doodda ku saabsan shidaalka ku jira SSC-Khaatumo ayaa dib u qaraxday kadib markii safiirka Soomaaliya ee Mareykanka u fadhiya Daahir Xassan Carab, uu bartiisa X ku qoray: "Waxaan ku faraxsanahay inaan si rasmi ah ugu dhawaaqo in Soomaaliya ay u furan tahay qodista shidaalka. Waxaan ku martiqaadayaa shirkadaha tamarta ee Mareykanka inay dib u soo laabtaan.

    SSC-Khaatumo hadda waxaa loo aqoonsaday maamul goboleed Xubin ka ah Federaalka, waxaana la qaaday xaaladdii force majeure-ka taasoo fure u ah sahaminta iyo soosaaridda shidaalka ee Dooxada Nugaal oo hodan ku ah kheyraadka dabiiciga ah."

    Qoraalkan ayaa horseeday falcelin ballaaran oo baraha bulshada ah. Xildhibaan Dr. Cabdillaahi Abiib, oo ka tirsan Guddiga Arrimaha Dibadda ee Golaha Shacabka, ayaa si adag uga hor yimid isagoo ku dhaleeceeyay in arrimo istiraatiiji ah sida shidaal qodis loo adeegsado baraha bulshada:

    "Arrimaha shidaalka iyo gaaska uma baahna tweet, waxay mudan yihiin wado-diplomaasiyadeed oo rasmi ah taasoo ka tarjumaaya danaha qaranka. Waxaa nasiib darro ah in daacadnimo lagu doorbido waayo-aragnimo marka qof la shaqaaleysiinayo, taasoo dib u dhigtay Soomaaliya inay horumariso danaha shacabkeeda."

    Wasiirkii hore ee Batroolka iyo Macdanta ee Soomaaliya, Cabdirisaaq Cumar Maxamed, ayaa horraantii sanadka 2024 u sheegay BBC Somali in kahor dhammaadka sanadka la bilaabi doono qodista ceelkii ugu horreeyay ee shidaalka, kaas oo ku yaal aagga xeebta degmada Hobyo ee gobolka Mudug.

  12. Maraykanka oo sheegay inay duqayn ku dileen nin lala xiriirinayo inuu weeraray askartooda

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Ciidamada Mareykanka ayaa fuliyay weerar lagu dilay hoggaamiye ka tirsan al-Qaacidda oo ‘xiriir toos ah’ la lahaa xubin ka tirsan kooxda Daacish (IS) oo mas’uul ka ahaa weerar gaadmo ah oo lagu dilay saddex Mareykan ah gudaha Suuriya, sida ay sheegeen mas’uuliyiin.

    Taliska Dhexe ee Mareykanka, ayaa bayaan ku sheegay in Bilal Hasan al-Jasim lagu dilay weerarka Jimcihii ka dhacay waqooyi-galbeed Suuriya.

    Bayaanka ayaa sidoo kale sheegay in uu ‘si toos ah ugu xirnaa’ ninka hubeysnaa ee ka tirsanaa Daacish kaas oo dilay isla markaana dhaawacay askar Mareykan ah iyo shaqaale Suuriyaan ah.

    BBC-da si madax-bannaan uma aysan xaqiijin sheegashooyinka Mareykanka.

    “Dilka hawl-wadeen argagixiso ah oo lala xiriiriyay dilka saddex Mareykan ah wuxuu muujinayaa go’aankeenna adag ee ah in aan daba galno argagixisada weerarta ciidamadeenna,” ayuu yiri taliyaha Centcom, Admiral Brad Cooper.

  13. Waa kuwee dalalka taageeray midnimada Soomaaliya ee hadda dhisanaya isbahaysi difaac oo xooggan?

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Wasiiru dowladaha difaaca Pakistan , Raza Hayat Haraj, ayaa xaqiiiyey nuqulka heshiiska qaybo ah oo difaac oo la gabagabeyey, kasa oo u dhaxeeya dalalka Pakistan, Sacuudi Carabiya iyo Turkeyga ka dib sano wadahadallo ah.

    Si kastaba ha ahaatee heshiiskan wuxuu ka madax-bannaan yahay heshiiska ammaanka ee Pakistan iyo Sacuudi Carabiya ay saxiixeen sanadkii hore.

    Hadalka Reza Hayat Haraj ayaa ku soo aaday xilli wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga Hakan Fidan uu khamiistii shalay shir jaraa'id oo uu ku qabtay Istanbul ku sheegay in wada-hadallo ku saabsan suurtagalnimada heshiis dhanka difaaca ah oo ay la yeelanayaan Sacuudiga iyo Pakistan ay socdaan, balse weli wax heshiis ah aan laga gaarin arrintan.

    Wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga oo la waydiiyay in uu jiri karo isbahaysi ayaa sheegay in "haddii dalalku ay isku kalsoonaadaan" la xalin karo arrimaha ballaaran ee gobolka.

    Wuxuu sheegay in fikradda Madaxweyne Erdogan ay tahay 'in la dhiso aasaaska madal ballaaran oo dhammaystiran.'

  14. Tababaraha Arsenal oo ka carooday inaan loo dhigin rigoore ka dib fursad kooxdiisu lumisay

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Arsenal ayaa laga yaabay inay Sabtidii heli lahaayeen fursad ay hoggaankooda horyaalka Premier League ku sii dheeraysan lahayeen balse barbaro goolal la’aan ah oo ay la galeen Nottingham Forest ayaa ka dhigtay taageerayaal badan oo Gunners ah u arkeen fursad kale oo muhima oo la lumiyey.

    Guuldarradii 2-0 ee Manchester City ay kala kulmeen Old Trafford ayaa Arsenal siisay fursad ay ku gaari lahaayeen sagaal dhibcood oo hoggaan ah, hase yeeshee kooxda Mikel Arteta ayaa mar kale niyad jab la kulantay kulankoodii labaad oo xiriir ah ee horyaalka.

    Iyaga oo toddobaadkii hore 0-0 la galay Liverpool, tani waa markii ugu horreysay muddo 14 sano ah oo Arsenal ay labo barbaro oo xiriir ah la kulmaan horyaalka sare — tan iyo labadii kulan ee furitaanka xilli-ciyaareedkii 2012–13 oo ay la ciyaareen Sunderland iyo Stoke City.

    Inkasta oo Arteta uu sheegay in kooxdiisu abuurtay ‘afar fursadood oo waaweyn’ isla markaana aysan la kulmin hal darbo oo bartilmaameed ah oo ka yimid Forest, haddana garabka weerarka Noni Madueke ayaa qirtay in ay u muuqatay ‘fursad la seegay’.

    Qodobka ugu weyn ee Arteta ka caraysiiyay ayaa ahaa in aan la siin rigoore qeybtii labaad, kaddib markii uu kubbadda gacanta ku dhuftay daafaca Forest ee Ola Aina.

    Tababaraha Arsenal ayaa yiri: ‘Hadda ayaan dib-u-daawaday muuqaalada — waxaan u maleynayaa inay cadahay inuu ula kacay inuu kubbadda gacanta ugu dhuftay gudaha xayndaabka, waana rigoore cad, sidaas darteed ma fahmin sababta aan loo bixin.’”

  15. Trump oo u hanjabay dalal ay xulufo dhow yihiin markii ay ka horyimaadeen qorshe uu watay

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, .

    Hanjabaadiisa ayuu madaxweyne Donald Trump ku sheegay inuu canshuuro cusub kusoo rogi doono siddeed dal oo ay xulufo yihiin kuwaas oo ka horyimi qorshihiisa uu ku doonayo la wareegidda Greenland, taas oo dhalisay cambaareyn ugu timid hoggaamiyaasha dalalkaas.

    Ra'iisul wasaaraha UK Keir Starmer ayaa sheegay in tallaabadan ay tahay "gebi ahaanba khalad", halka madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron uu ku tilmaamay mid aan la aqbali karin.

    Hadalladan ayaa yimid kaddib markii Trump uu ku dhawaaqay in canshuur dhan 10% lagu soo rogi doono badeecadaha uga yimaada Denmark, Norway, Sweden, France, Germany, UK, Netherlands iyo Finland, taas oo dhaqan geli doonta 1-da Febraayo balse mustaqbalka gaari karta 25% — isla markaana sii jiri doonta ilaa heshiis laga gaarayo.

    Trump wuxuu ku adkeysanayaa in dhulka is-maamulka ah ee hoos yimaada Denmark uu muhiim u yahay ammaanka Mareykanka, mana uusan meesha ka saarin suurtagalnimada in xoog lagu qabsado.

    Dhanka kale, kumannaan qof ayaa Sabtidii isugu soo baxay waddooyinka Greenland iyo Denmark, iyaga oo ka cabanaya qorshaha Mareykanka ee la soo jeediyay ee la wareegidda Greenland.