Wasiirrada boosaskooda laga beddelay ayaa waxaa ka mid ah wasiirkii gaanshaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo haatan loo magacaabay wasiirka dekadaha iyo gaadiidka badda, halka booskiisa lagu beddelay Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi.
Halkan ka eeg wasiirrada la magacaabay:
Xigashada Sawirka, OPM
Dadka ku nool gobollo ka tirsan Mareykanka oo looga digayo duufaan hor leh
Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, .
Duufaanno cusub ayaa looga digayaa dadka ku nool gobollada Virginia, Ohio iyo Pennsylvania ee dalka Mareykanka.
Dhanka kale, ugu yaraan 40 qof ayaa ku dhintay isla Mareykanka kadib duufaan xooggan oo ku dhufatay gobollo dhowr ah oo ka tirsan koonfurta Bari ee dalkaas, taas oo sidoo kale burburisay guryo, gawaariduna saameysay.
Waxaa laga cabsi qabaa in 300,000 oo qof ay noqon doonaan koronto la'aan.
Sideed of ayaa ku dhintay gobolka Kansas, iyadoo in ka badan 55 gaarina ay shil galeen,waxaana si lamid ah duufaanta busta wadata ay sababtay in gawaari dhowr ah ay shil ku galan gobolka Texas.
Xaalad deg deg ah ayaa looga dhawaaqay dhowr gobol oo ay ku jiraan Arkansas, Georgia iyo Oklahoma, kuwaas oo lagu soo warramayo inay dab kakaceen.
Maxay yihiin kooxda Xuutiyiinta, sideese ku billowday dhaqdhaqaaqooda?
Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, .
Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa ku dhawaaqday inay la wareegeen waxay ku sheegeen markab laga leeyahay Israa’iil kaas oo ku sugnaa Badda Cas.
Afhayeenka ciidamada Xuutiyiinta Yaxye Saree ayaa sheegay inay markabkan laga leeyahay Israa’iil ay geeyeen xeebaha dalka Yemen, balse Israa’iil ayaa beenisay in markabkaasu uu yahay mid iyagu leyihiin.
Dhammaadkii bishii Oktoobar, kooxda Xuutiyiinta ayaa ku dhawaaqday markii ugu horreysay inay Israa'iil la beegsadeen gantaallo badan iyo diyaarado aan duuliye lahayn. Khilaafka u dhaxeeya Israa’iil iyo Xamaas ayaa ah sababta ay Xuutiyiintu u beegsanayaan Israa’iil.
Mareykanka oo tarxiilay muwaadiniin u dhashay dal kale
Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, .
In ka badan 200 qof oo u dhashay dalka Venezuela oo uu
Aqalka Cad ku eedeeyay in ay yihiin xubno burcad ah ayaa laga tarxiilay
Mareykanka isla markaana loo gudbiyay xabsiga supermax oo ku yaala dalka El
Salvador ee bartamaha America.
Madaxweynaha El Salvadoran, Nayib Bukele, ayaa qoraal uu
soo dhigay baraha bulshada ku sheegay in 238 oo qof oo ka tirsan kooxda burcadda
Venezuela ee Tren de Aragua, ay subaxnimadii Axadda soo gaareen dalkiisa, kuwaas
oo ay wehliyaan 23 xubnood oo ka tirsan burcadda caalamiga ah ee MS-13,
Dowladda Mareykanka iyo El Salvador
midkoodna faahfaahin dheeraad ah kama bixin maxaabiista iyo dembiyada lagu
eedeeyay.
Kooxda Xuutiyiinta Yemen oo sheegay in lala beegsaday duqeymo cusub
Xigashada Sawirka, EPA
Qoraalka sawirka, .
Kooxda Xuuyiyiinta ee dalka Yemen ayaa sheegay in Mareykanka uu la beegsaday duweymo cusub, kuwaas oo laga fuliyay qeybo ka tirsan dalka, sida magaalooyinka Al Jaouf iyo Hudaydah.
Tirada dadka ku dhintay duqeymahaha uu Mareykanka Sabtidii ku garaacay Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa sare ugu kacday 53 qof, oo 5 carruur ah ay kamid yihiin, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee kooxda.
Mareykanka ayaa mowjado duqeymo culus Sabtidi ku qaaday Xuutiyiinta, taas oo madaxweyne Donald Trump sabab uga dhigay, weerarrada kooxda hubaysan ay ku qaadayaan maraakiibta mara Badda Cas.
Washington ayaa sheegtay in xubno sarsare oo muhiim u ah kooxda ay kamid ahaayeen dadka la dilay, balse kooxdu weli ma xaqiijin warkaas.
Goobaha Sabtida la weeraray waxaa kamid ah magaalada Sanca ee caasimadda dalka Yemen.
Kooxda ayaa bilowday bartilmaameedsiga maraakiinta iyagoo sheegay inay jawaab ugu bixinayaan dagaalka Israa'iil iyo Xamaas ee Qasa, iyagoo sheegay in ciidamadoodu ay ka jawaabayaan duqaymaha Maraykanka.