"Naarta ayaa sidii roobkii idinku soo di'i doonta" hadallo kulul oo ay is dhaafsadeen Trump, Xuutiyiinta iyo Iiraan

Qoraalka Muuqaalka, Daawo: Weerarkii Mareykanka ee Yemen
    • Author, George Wright
    • Role, BBC News

Wasaaradda caafimaadka ee fallaagada Xuutiyiinta ayaa sheegtay in khasaaraha dhimashadu ay gaartay 53 qof, oo ay ku jiraan shan carruur ah.

Maraykanku ayaa sheegay in ay qaadeen "mawjado xooggan" oo ah duqeymo cirka ah oo ay ku bartilmaameedsanayaan Xuutiyiinta Sabtidii, iyadoo Madaxweyne Donald Trump uu sabab uga dhigay weerarrada Xuutiyiinta ee maraakiibta Badda Cas.

Washington ayaa sheegtay in qaar ka mid ah xubnaha muhiimka ah ee Xuutiyiinta ay ku jiraan dadka dhintay, balse kooxdu ma aysan xaqiijin arrintan.

Hoggaamiyaha Xuutiyiinta, Cabdul Maalik Al-Xuuti ayaa sheegay in dagaalyahannadiisa ay beegsan doonaan maraakiibta Mareykanka ee ku sugan Badda Cas, ilaa inta Mareykanku sii wado weerarrada uu ka geysanayo Yemen.

Isagoo cusbooneysiinaya tirada hore ee dhimashada, afhayeenka wasaaradda caafimaadka Xuutiyiinta Anis al-Asbahi ayaa soo dhigay barta X in 53 qof la dilay oo ay ku jiraan "shan carruur ah iyo labo haween ah", iyo in 98 qof ay ku dhaawacmeen.

Mid ka mid ah aabbaha labo carruur ah oo magaciisa ku sheegay Axmed ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay: "Muddo 10 sano ah ayaan Sanca ku noolahay, oo aan maqlayey duqeymaha inta uu socday dagaalka, Illaahay baan ku dhaartaye weligay ma arag wax sidan oo kale ah".

Xuutiyiinta ayaa sheegay in duqeymo hor leh uu Maraykanku habeenkii Axadda ka billaabay magaalada dekedda ah ee Xudeyda. Maraykanku weli wax jawaab ah kama bixin.

Lataliyaha Amniga Qaranka Mareykanka Michael Waltz ayaa ABC News u sheegay in weerarradii Sabtidii ay "la beegsadeen hoggaamiyeyaal badan oo Xuutiyiin ah, lagana saaray".

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Wuxuu u sheegay Fox News: "Kaliya waxaan ku garaacnay awood aad u badan waxaanan ogeysiinnay Iiraan inay intaa nooga dhan tahay."

Xoghayaha Difaaca ee Maraykanka Pete Hegseth ayaa wacad ku maray in ay "aan joojinayn" ololaha gantaalaha ilaa ay ka joogsanayaan weerarrada Xuutiyiinta.

"Waxaan rabaa in aan si cad u sheego, ololahani wuxuu ku saabsan yahay xorriyadda socodka iyo soo celinta xannibaadda," Hegseth ayaa sidaa ku sheegay wareysiga Fox Business oo laga sii daayay talefishinka.

Xuutiyiinta ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan beegsiga maraakiibta Badda Cas ilaa Israa'iil ay ka qaadayso go'doominta ay ku hayso Qasa, ciidamadeeduna ay jawaab ka bixiyaan duqeymahaasi.

Fallaagada ay Iiraan taageerto oo u arka Israa'iil cadawgooda, ayaa ka talisa Sanca iyo waqooyi-galbeed ee Yemen, balse ma aha dowladda dalkaas oo uu caalamku aqoonsan yahay.

Xuutiyiinta ayaa sheegay in ay sidan u sameynayaan si ay garab-istaag ugu muujiyaan Falastiiniyiinta, dagaalka Israa'iil iyo Xamaas ee Qasa, waxayna sheegtaan - inta badan been - in ay beegsadaan maraakiibta xiriirka la leh Israa'iil, Mareykanka ama UK oo kaliya.

Tan iyo bishii November 2023, Xuutiyiinta waxay bartilmaansadeen dhowr maraakiib ganacsi ah gantaallo, diyaarado aan duuliye lahayn iyo weerarro doomo yar yar oo ka dhacay Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed. Waxay quusiyeen labo markab, mid saddexaadna way qabsadeen, waxayna dileen afar shaqaale ah.

Yemen

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Burburka gaaray acasimadda Yemen, Sanca, kadib weerarrada

Isagoo ku dhawaaqay weerarrada Sabtida, Trump wuxuu yiri "waxaan adeegsan doonnaa awood halis ah ilaa aan ka gaareyno ujeeddadeenna".

"Iyadoo ay maalgalisay Iiraan, tuugada Xuutiyiinta waxay gantaallo ku garaaceen diyaaradaha Maraykanka, waxayna beegsadeen ciidamadeenna iyo xulafadayada," ayuu Trump ku yiri baraha bulshada, isaga oo intaa ku daray in "burcadnimadooda, rabshadaha iyo argagixisanimada" ay khasaariyeen "balaayiin" dadka naftoodana ay halis galiyeen.

Isaga oo si toos ah ula hadlaya Xuutiyiinta, Trump wuxuu ku qoray bartiisa in haddii ay joojin waayaan, "NAART AYAA IDINKU DI'I DOONTA SI AANAD WELIGIIN HORE U ARAG".

Balse Xuuthiyiinta ayaa si aan gabbasho lahayn u bixiyay jawaabtooda, iyagoo sheegay in gardarrada aysan hoos u dhigi doonin taageerada ay siiyaan Falastiiniyiinta.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Iiraan Cabbaas Arakchi ayaa sheegay in dowladda Mareykanka aysan "wax awood ah ama ganacsi ah u lahayn siyaasadda arrimaha dibadda ee Iiraan".

"Jooji taageerada xasuuqa Israa'iil iyo argagixisada," ayuu ku daabacay barta X Axaddii. "Jooji dilka dadka Yemen."

Afhayeen u hadlay militariga Xuutiyiinta ayaa sheegay Axaddii, isagoo aan soo bandhigin wax cadeymo ah, in kooxdu ay Badda Cas ku beegsatay markabka dagaalka ee USS Harry S.

Hase yeeshee sarkaal Maraykan ah ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in diyaaradaha dagaalka Maraykanku ay Axaddii soo rideen 11 diyaaradood oo nooca aan duuliyaha lahayn ee Xuutiyiinta, kuwaas oo aan midkoodna u dhowaanin Truman.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa Axaddii ku baaqay "xakamaynta iyo joojinta dhammaan dhaqdhaqaaqyada militari" ee Yemen.