TOOS, Ninkii weerarka ku qaaday xildhibaannad Ilhaan Cumar oo dacwad lagu soo oogay

Ninkii weerarka ku qaaday xildhibaannad Ilhaan Cumar oo dacwad lagu soo oogay

Kooban

Tebin toos ah

  1. Deegaan Soomaaliyeed oo jaangooyey kharashka ku baxa guurka. Ciddii diidda maxay mutaysan kartaa?

    Aroos

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Odayaasha dhaqanka iyo maamulka degmada Xamaro ee gobolka Erer ee Dowlad Deegaanka Soomaalida iyo qaybo ka tirsan bulshada deegaanka ayaa soo saaray go'aanno ku saabsan qiimaha iyo lacagaha ku baxa guurka. Go'aannadaas ayaa lagu mamnuucay waxyaabo badan oo laga bixiyo gabadha loo geed-fadhiisanayo

    Sheekh Cabdiraxmaan Rashiid waa madaxa golaha arrimaha Islaamka ee degmadaasi waxa uu BBC-da uga warramay sababta keentay go'aanada la soo saaray iyo waxa ku soo kordhay bulshada.

    "Waxa jiray in muddo ah waxyaabo ku soo kordhay guurkii caadiga ahaa ee la yaqiinay, marka taas ayaa saldhig u ahayd in aan shirno oo aan go'aamo ka soo saarno guur xumada iyo waxyaabaha waayadan dambe ku soo kordhay bulshada gaar ahaan degmada Xamaro".Halkan ka akhriso:

  2. Maxaa ka soo kordhay hawlgalkii ICE ee Minneapolis?

    Jacob Frey

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Dhawaan, Duqa Magaalada Minneapolis Jacob Frey ayaa shir ay isugu imaanayaan duqayda magaalooyinka oo ka dhacaya Washington DC kaga dhawaaqi doona baaq ku saabsan in la joojiyo hawlgallada fulinta sharciga socdaalka ee ka socda magaalada Minneapolis.

    Ka hor safarkiisa, wuxuu bayaan ku yidhi: “Minneapolis waxay noqon kartaa meesha aan ku aragnay hawlgallada ICE ee ugu ballaaran dalka, balse ma noqon doonto tii ugu dambeysay haddii aan ku guuldarreysanno inaan tallaabo qaadno.

  3. Ninkii weeraray Ilhan Cumar oo dacwad lagu soo oogay

    Maxkamad federaal ah ayaa dacwad ku soo oogtay nin lagu eedeeyay in uu weeraray xildhibaanad Ilhaan Cumar oo oo maalintii Salaasada ka qayb galaysay kulan dadweyne. Ninkaas ayaa ku buufiyay dareere isagoo isticmaalaya irbad.

    Eedeysanaha waxaa maxkamadda degmada Minnesota u aqoonsatay in uu ahaa Anthony Kazmierczak.

    Irbad

    Xigashada Sawirka, Getty Images

  4. Iran oo u yeertay safiirka Jarmalka

    Iran ayaa u yeertay safiirka Jarmalka u fadhiya dalkeeda sababo la xiriira "hadallada faragelinta" ee ka soo yeeray Chancellor Friedrich Mertz.

    wararka ayaa sheegay in Iran ay ku dhawaaqay in safiirka Jarmalka Axel Dittmann looga yeeray Wasaaradda Arrimaha Dibadda maanta oo Khamiis ah (Janaayo 29/30 Febraayo).

    Sida laga soo xigtay ilo-wareedkan, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iran ayaa u gudbisay safiirka Jarmalka "heerkii ugu xoogganaa ee cambaaraynta Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran" taas oo ku saabsan "faragelin iyo mas'uuliyad darrada" hadallo ka soo baxay saraakiisha Jarmalka.

    Hogaamiyaha Jarmalka ayaa mowqif cad ka qaatay cadaadiska dhiiga badan ku daatay ee lagu hayo dibadbaxayaasha Iran.

  5. Iran oo si kulul uga jawaabtay go'aankii Yurub ee ahaa in ilaalaad kacaanka yihiin argagixiso

    ilaalad kacaanka iran

    Xigashada Sawirka, ABEDIN TAHERKENAREH/EPA

    Qoraalka sawirka, ilaalad kacaanka iran

    Iyadoo uu ka falcelinayo go’aanka Midowga Yurub ee lagu daray Ciidamada Ilaalada Kacaanka Iiraan (IRGC) liiska ururrada argagixisada, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Cabbaas Araqchi, ayaa yiri:“Yurub waxay gashay qalad istiraatiiji ah oo kale oo weyn, kaddib markii ay ciidamadeenna hubeysan ku dartay liiska waxa ay ugu yeereen ‘ururro argagixiso’.”

    Wuxuu intaas ku daray: “Waqtigan xaadirka ah, dalal dhowr ah ayaa isku dayaya inay ka hortagaan in dagaal ballaaran uu ka qarxo gobolkeenna, waxaana xiiso leh in midkoodna uusan ahayn dal Yurub ah; halka Yurub, dhankeeda, ay ku mashquulsan tahay hurinta colaadda iyo sii kicinta qalalaasaha.”

    Mr. Araqchi ayaa ku tilmaamay mowqifka Midowga Yurub ee ku aaddan dhacdooyinka ka socda Iiraan “hab xulasho ah iyo munaafaqnimo cad,”

    “Iyagoo wax tallaabo ah ka qaadin xasuuqa Israa’iil ka waddo Gaza, ayay si degdeg ah u sheeganayaan inay difaacayaan xuquuqda aadanaha ee Iiraan. Bandhiggan dacaayadeed wuxuu ka badan yahay wax kasta isku day lagu qarinayo xaqiiqda hoos u dhaca weyn ee …”

  6. 'Mar kale ayaan neefsan karaa' qisada mid ka mid ah dadkii ay qafaasheen Xamaas iyo shucuurtiisa

    Sasha Troufanov

    Xigashada Sawirka, Lee Durant/BBC

    Qoraalka sawirka, Sasha Troufanov

    Mid ka mid ah la haystayaashii hore ee Israa’iil, oo ku dhowaad 500 maalmood lagu hayay Gaza, ayaa sheegay in soo celinta meydka la haystihii ugu dambeeyay toddobaadkan ay ka dhigan tahay in dhammaan dadkii la sii daayay ay “hadda neefsan karaan oo ay dib u bilaabi karaan noloshooda.”

    Sasha Troufanov, oo 30 jir ah kana shaqeeya shirkadda Amazon isagoo ah injineer dhanka elektaroonigga ah, ayaa la qafaashay 7-dii Oktoobar 2023 kaddib markii ay afduubteen dabley ka tirsan Ururka Jihaadka Islaamiga Falastiin. Gabadha uu guursan lahaa ee Sapir Cohen, hooyadii iyo ayeeyadiis ayaa sidoo kale la afduubtay lana geeyay Gaza. Haweenkaas ayaa la sii daayay kaddib markii ay in ka badan 50 maalmood haysteen.

    Isaga laftiisa ayaa la sii daayay hal sano ka hor, kaddib markii uu ku qaatay 498 maalmood oo maxaabiis ah.

    Wareysiisii ugu horreeyay ee caalami ah, Troufanov oo booqasho ku jooga London, ayaa u sheegay BBC News in soo celinta meydka Ran Gvili Isniintii, taas oo ka dhigtay in dhammaan la haystayaashii dib loo soo celiyay, ay ahayd arrin farxad weyn leh. Wuxuu yiri:“Waxay ahayd dareen cajiib ah. Muddo dheer ayaan sugeynay in tani ay dhacdo.”

  7. Dagaal ka dhex qarxay ciidamada Itoobiya iyo kuwa Tigray ga - ilo

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Iska horimaadyo ayaa u dhexeeya dowladda Itoobiya iyo ciidamada Tigrayga, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka Faransiiska ee AFP iyo Reuters oo soo xiganaysa ilo amni iyo kuwo diblomaasiyadeed.

    Inkastoo tan iyo bilowgii todobaadkan ay soo baxayeen warar sheegaya in iska hor imaadyo ay ka dhaceen deegaanada xuduuda ee gobolada Axmaarada iyo Tigrayga ee waqooyiga dalka Itoobiya, hadana waxaa adkeyd in xog dhab ah laga helo.

    Wakaalada wararka ayaa sheegtay in iska horimaadku uu ka qarxay deegaanka lagu muransan yahay ee Tselemet oo ay kala maamulaan gobolada Axmaarada iyo Tigrayga, waxaana ilo dhanka amaanka ah ay u sheegeen in xaaladu ay sii xumaanayso.

    Ilo diblomaasiyadeed oo codsaday inaan la magacaabin, ayaa sidoo kale u sheegay wakaalada wararka ee AFP in ciidamada Tigray-ga ay la dagaalamayaan "ciidamada Itoobiya iyo maleeshiyaadka Axmaarada."

    Warku wuxuu intaa ku daray, "Waxaa hubaal ah in maalmihii la soo dhaafay ay dhaceen dagaallo, balse ma jirto wax ka og xaaladda maanta [Khamiistii]."

    Lataliyaha Ra'iisul Wasaare Abiy Ahmed ee arrimaha Bariga Afrika, Getachew Reda, ayaa Arbacadii ku soo qoray bogga uu ku leeyahay baraha bulshada, "Shaqsiyaad ka tirsan awoodda kooxda TPLF... waxay isku dayayaan inay Tigreega u jiidaan dagaal kale."

    Madaxwaynihii hore ee maamulka kumeel gaadhka ah ee dawlad deegaanka Tigreega Ato Getachew ayaa ugu baaqay madaxda TPLF in ay mudaharaadkiina ku dhawaaqaan in aydaan wax huro ah oo aan loo baahnayn samayn doonin hadii ay dhacdo xaalad muujinaysa khilaaf.

    Mid kamid ah dadka deegaanka oo magaciisa qariyay ayaa xaqiijiyay iska hor imaadka, balse wakaalada wararka ee AFP ayaa jawaab ka sugaysa dowlada federaalka iyo kooxda TPLF.

  8. Saraakiil Maraykan ah oo Israa'iil iyo Sucuudiga kala tashanaya weerar lagu qaado Iran

    Madaxweyne Trump iyo Amiir Salmaan

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Madaxweyne Trump iyo Amiir Salmaan

    Warbixin lagu daabacay shabagga wararka Axios ayaa sheegtay in labada saraakiil ee sare ee Mareykanka ay kulmayaan madaxda ammaanka iyo difaaca ee Israa’iil iyo Sacuudi Carabiya si ay uga wada hadlaan xaaladda ku saabsan Iiraan, iyadoo ay jirto welwel sii kordhaya in Mareykanku uu weerar ku qaado Iiraan.

    Kulamada oo ka dhacay Washington, DC, ayaa qayb ka ah dadaallada maamulka Madaxweyne Donald Trump uu ku qiimeynayo khiyaarada u furan ee ku aadan dagaal milateri ee ka dhan ah Iiraan, iyadoo la rumeysan yahay in Trump weli go’aan kama dambeys ah aanu gaarin.

    Saraakiisha Israa’iil ayaa la sheegay inay la wadaageen Washington macluumaad sirdoon ah oo ku saabsan bartilmaameedyada suurtagalka ah ee Iiraan gudaheeda, halka Sacuudi Carabiya ay dhinaca kale diiradda saareyso xalka diblomaasiyadeed si loo ka fogaado dagaal ballaaran oo gobolka ka dhaca.

    Warbixintu waxay intaas ku dartay in Sacuudi Carabiya aysan oggolaan doonin in hawadaheeda ama dhulkeeda loo isticmaalo howlgal milateri oo ka dhan ah Tehran, iyadoo Sacuudiya waxay isku dayaysaa inay u gudbiso fariimo u dhexeeya Washington iyo Tehran si loo dejiyo xiisadaha.

    Waxaa xusid mudan in ilaa hadda aysan jirin diblomaasiyad rasmi ah oo toos ah oo dhexmartay Washington iyo Tehran, isla markaana Iiraan ay ku hanjabtay in wax kasta oo tallaabo milateri ah loo qaado ay jawaab adag ka bixin doonto.

  9. Afar qaab oo si sharci ah qofka uu ugu geli karo dalalka Yurub

    Waxaa muddooyinkii u dambeeyay kor u sii kacday dadka soogalootiga ah ee gaaaraya dallaka Yurub.

    Waxaa sanad kasta badaha dhulka saxaaraha ku dhinta dad badan oo muhaajiriin ah oo doonaya in ay gaaraan qaybo kamid ah dalalka Yurub

    Ku dhufo lifaaqa hoose si ada faahfaahinta u akhriso

    Muhaajiriinta Yurub ayaa soo badanayay

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Muhaajiriinta Yurub ayaa soo badanayay
  10. Midowga Yurub oo ku dhawaaqay tallaabo ka dhan ah Iran

    Midowga Yurub

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Midowga Yurub

    Iyadoo lagu jawaabayo rabshadaha dhiiggaka ku daatay ee ka dhacay dibadbaxyada Iiraan, Midowga Yurub ayaa soo rogay cunaqabateyn cusub oo ka dhan ah saraakiil sare oo dalkaas ka tirsan.

    Golaha Yurub ayaa ku dhawaaqay in cunaqabateynta ay beegsanayaan:

    • Wasiirka Arrimaha Gudaha Eskandar Moemenni
    • Xeer-ilaaliyaha Guud Mohammad Movahedi Azad
    • Garsooraha Iman Afshari ee Laanta 26aad ee Maxkamadda Kacaanka Tehran

    War-saxaafadeedka Golaha Yurub ayaa sheegay in sadexdan qof ay ku lug lahaayeen "cuburintii rabshadaha watay ee dibadbaxyada lagula kacay".

  11. Tom Homan oo ah sargaalka cusub ee hogaaminaya howlgalada Minnesota oo ka hadlay xaaladda

    Tom Homan

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Tom Homan

    Ka dib markii uu Tom Homan, oo ah madaxa howlaha xuduudaha ee Aqalka Cad, uu afartii maalmood ee la soo dhaafay la wareegay howlgalka ka socda Minnesota, hadda wuxuu sheegay inuu la shaqeynayo hogaamiyayaasha maxalliga ah iyo ciidanka amniga si loo yareeyo dhibaatooyinka uu gobolkaasi la kulmay usbuucyadan dambe.

    Homan ayaa sheegay in aysan isla meel dhigin wax walba, isla markaana aysan filayn in wax walba laga heshiin doono, balse waxa uu intaa ku daray: “Waxaan halkan u imid inaan raadiyo xalal.”

    Isagoo ka hadlayay Minnesota, Homan ayaa tilmaamay in wada hadallada uu la yeeshay madaxda gobolka, booliiska iyo saraakiisha maxalliga ah ay yihiin tallaabooyin bilow ah oo wax ku ool ah, isagoo sheegay in ujeedadu tahay in la helo wada shaqeyn si xaaladda loo xalliyo.

  12. Ruushka oo ka hadlay xiisadda Iran

    Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa u sheegay Madaxweynaha Imaaraadka Carabta Maxamed bin Zayed Al Nahyan in Moscow ay si dhow ula socoto isbedelada ka socda Iran, isagoo intaa ku daray inuu diyaar u yahay inuu kala hadlo arrintan wadahadalka Kremlin.

    Mohamed bin Zayed Al Nahyan ayaa maanta booqasho rasmi ah ku tagay magaalada Moscow ee dalka Ruushka.

    Imaaraatka Carabta ayaa marti galiyay wadahadal saddex geesood ah oo lagu soo afjarayo dagaalka Ukraine Jimcihii iyo sabtidii, iyadoo ay joogeen wakiilo ka kala socday Ruushka, Ukraine iyo Mareykanka.

    Wajigii labaad ee wadahadalka ayaa lagu wadaa inuu ka furmo Abu Dhabi Sabtida soo socota.

  13. Maxkamad heer federaal oo soo saartay amar farxad galiyay qaxootiga ku sugan Minnesota

    shacabka ayaa tan iyo intii uu howlgalka bilaabmay dhigayay dibadbaxyo

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, shacabka ayaa tan iyo intii uu howlgalka bilaabmay dhigayay dibadbaxyo

    Maxkamad heer federaal ah ayaa joojisay xiritaanka qaxootiga sharciyeysan ee Minnesota. Garsoore federaal ah ayaa soo saaray amar hakad ku meel gaar ah kaas oo mamnuucaya in la xiro qaxootiga sharciyeysan ee Minnesota ee aan weli helin kaarar cagaaran (green cards).

    Amarkani waxa uu sidoo kale dalbanayaa in si degdeg ah loo sii daayo wixii qaxooti ah ee haatan xabsiga ku jira.

    Dhanka kale, wakaaladda wararka ee Reuters ayaa ku warantay in saraakiisha ICE la faray inay ka fogaadaan inay la falgalaan "dadka wax kicinaya" xilli ay sii wadaan ololaha Trump ee soogalootiga ee gobolka Minnesota, ka dib markii toogasho lagu dilay laba mudaaharaad oo Maraykan ah oo ka dhacay magaalada Minneapolis.

  14. Iran oo ka jawaabtay hanjabaadda Maraykanka

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Isagoo ka jawaabaya hanjabaada cusub ee ka soo yeertay Madaxweynaha Mareykanka, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran ayaa sheegay in ciidamada dalkiisa ay diyaar u yihiin inay ka jawaabaan "gardarrada kasta."

    Cabbaas Araqchi ayaa fariin ku qoran luuqada English-ka oo uu soo gaarsiiyay X-Net waxa uu ku yiri: “Ciidankeena hubaysan ee geesiyaasha ahi ay si buuxda ayay u diyaar garoobeen, iyaga oo farahooda ku haya keebka, si ay si degdeg ah oo go’aan leh uga jawaabaan gardaro kasta oo ka dhan ah ciidda, hawada, iyo dhul-badeedka dalkeena aynu jecelnahay”.

    Waxa uu sidoo kale ku celceliyay in Iran ay soo dhawaynayso heshiis “caddaalad” ah oo aan “khatar lahayn” oo ah heshiiska Nukliyeerka.

  15. Markab dagaal oo kale oo Mareykan ah oo gaaray xeebaha dalalka Gacanka

    Markab dagaal

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Markab dagaal

    Markale markab dagaal oo Mareykan leeyahay ayaa yimid Bariga Dhexe, sida ay muujinayaan xogaha raadka maraakiibta, iyadoo ay sii kordhen malaha ah in Mareykanku uu qaadi karo weerarro cusub oo Iiraan lagu beegsado.

    Maraakiib burburiyaha ay ku rakiban yihiin gantaallada la hago ee USS Delbert D Black ayaa lagu arkay iyagoo maraya Kanaalka Suez kuna sii jeeda gacanka Arbacadii, sida ay muujisay goobta raad-raaca maraakiibta MarineTraffic.

    Waxaa la rumeysan yahay in ugu yaraan 10 maraakiib Mareykan ah ay hadda joogaan Bariga Dhexe, oo ay ku jirto markabka diyaaradaha ee USS Abraham Lincoln.

    Sarkaal Mareykan ah ayaa BBC Verify u xaqiijiyay Talaadadii in markabkan diyaaradaha ku sugan yahay gobolka, hase yeeshee ma muuqaato goobaha raadka maraakiibta muddo ka badan toddobaad.

    Si kastaba, subaxnimadii hore BBC Verify waxay raad-raacday diyaaradda Mareykanka ee Osprey, oo lagu arkay gacanka iyada oo ku sii jeedda Cumaan.

  16. Diyaaradda militariga Mareykanka ay leeyihiin oo dul haadeysa xeebaha Iran

    Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Triton - oo lagu arkay sawir kayd ah - ayaa muddo dheer ciidamada badda ee Maraykanku u isticmaali jireen ilaalinta badda

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Triton - oo lagu arkay sawir kayd ah - ayaa muddo dheer ciidamada badda ee Maraykanku u isticmaali jireen ilaalinta badda

    Drone ka tirsan Marines-ka Mareykanka ayaa tan iyo saqda dhexe ee xalay dul-heehabeysa dalalka agagaarka xeebta Iiraan, sida ay muujinayaan xogta raadka diyaaradaha ee FlightRadar24.

    MQ-4C Triton – oo ah drone aan la wadin oo lagu sameeyo hawlgallo kormeereed – ayaa ka baxay saldhig ku yaalla Abu Dhabi habeenkii xalay, waxaana uu saacado badan ka duulaysay gacanka hurmuz.

    Drones-ka Triton ayaa si maalinle ah uga howlgelaysay gacankaasi tan iyo Isniintii. Sidoo kale, diyaaradaha kormeereedka US Navy P-8 Poseidon ayaa dhowaanahan lagu arkayay goobaha khadadka diyaaradaha ee u dhow, iyagoo howlgallo ka fulinaya aagga.

  17. Waa sidee xaaladda caafimaad ee rai'sul wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan oo xabsiga ku jira?

    Imran Khan

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Imran Khan

    Dowladda Pakistan ayaa ka hadashay warar la isla dhexmarayay maalmahan iyada oo xaqiijisay in ra’iisul wasaarihii hore ee xiran, Imran Khan, loo qaaday isbitaal usbuucii dhammaaday si uu u maro qalliinka indhaha oo 20 daqiiqo socday.

    Wasiirka warfaafinta ayaa sheegay in Khan uu si qoraal ah u ogolaaday daaweynta, isla markaana dib loogu celiyay xabsiga Rawalpindi isagoo caafimaad qaba.

    Hase yeeshee, walaalaha iyo qareennada Imran Khan ayaa sheegay in aan wax war ah laga siin, waxayna su’aal ka keeneen warka ay dowladda sheegtay.

    Imran Khan waxaa lagu helay dembi la xiriira musuqmaasuq iyo xadgudub sir dowladeed sannadkii 2023, isaga oo isna beeniyay wax khalad ah.

  18. Maxkamadda Gobolka Banaadir oo baabi'isay waarankii soo qabashada ee madaxwaynaha Jubaland

    Madaxwaynaha Jubaland

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Madaxwaynaha Jubaland

    Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta soo saartay go'aan meesha looga saarayay islamarkana lagu baabi'inayay waarankii soo qabashada ahaa oo ay horay ugu jartay Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe)

    Hoos ka akhriso go'aanka

    Warqad

    Xigashada Sawirka, baraha bulshada

    Qoraalka sawirka, warqad
  19. Maxay yihiin gantaalaha Iran ee ay tahay inay ka fikirta cid kasta oo weerari rabta?

    Ilaa hadda, Ruushka, Shiinaha iyo Iraan ayaa soo bandhigay hubkan loo yaqaano hypersonic ga.

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Ilaa hadda, Ruushka, Shiinaha iyo Iraan ayaa soo bandhigay hubkan loo yaqaano hypersonic ga.

    Iiraan iyo Israa'iil ayaa is-weydaarsaday duqeymo cirka ah bishii October 2024, iyadoo qalabka bixiya codka digniinaha ee weerarka cirka laga maqlay Tel Aviv iyo Jerusalem, sidoo kale qaraxyo laga maqlay Tehran.

    Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan (IRGC) ayaa sheegay inay xilligaasi gantaallo ballistic ah ku rideen Israa'iil — halka milatariga Israa'iil (IDF) ay sheegeen inay qaar ka mid ah gantaalladaas soo rideen — iyadoo hoggaamiyaha sare ee Iiraan uu ballan qaaday inuu "dhirbaaxooyin culus" kaga jawaaabayo weerarradii Israa'iil ee maalintii ka horreysay.

  20. Xiriirka Kubbadda Cagta Afrika oo ganaax adag ku riday Morocco iyo Senegal

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Xiriirka Kubbadda Cagta Afrika (CAF) ayaa shaaciyay ciqaabaha uu ku riday Morocco iyo Senegal kaddib rabshadihii ka dhacay ciyaartii kama dambaysta ahayd ee Koobka Qaramada Afrika 2026 (AFCON).

    Taageerayaal badan oo kubbadda cagta ah ayaa si weyn u sugayay go’aannada ay qaadan doonto CAF, iyadoo dhinac walba uu aaminsanaa in kan kale uu khaladka lahaa isla markaana u qalmo ciqaab ka culus.

    CAF ayaa mamnuucday tababaraha Senegal, Pape Thiaw, shan kulan, isla markaana ku ganaaxday $100,000, kaddib markii lagu helay anshax-xumo, maadaama uu amar ku bixiyay in ciyaartoydiisu ka baxaan garoonka intii lagu jiray final-kii Nations Cup ee ay la ciyaarayeen Morocco.

    Sidoo kale, CAF ayaa Xiriirka Kubbadda Cagta Senegal ku ganaaxday $615,000 sababo la xiriira dhaqanka kooxda iyo taageerayaasheeda, halka ciyaartoyda Iliman Ndiaye iyo Ismaila Sarr laga reebay laba kulan oo CAF ah, kaddib markii lagu helay ixtiraam-darro ay u muujiyeen garsooraha.

    Si kastaba ha ahaatee, codsigii Morocco ee ahaa in la baabi’iyo natiijada ciyaarta—kaas oo ku salaysnaa in ciyaartoyda Senegal ay garoonka ka baxeen taasoo keentay dib u dhac 14 daqiiqo ah—ayaa la diiday kadib go’aan ka soo baxay Guddiga Anshaxa ee CAF.

    Dalka martida loo ahaa ee Morocco ayaa isna lagu ganaaxay $315,000 guud ahaan, taasoo la xiriirtay dhaqanka carruurta kubbad-qaadayaasha, hab-dhaqanka ciyaartoyda iyo shaqaalaha ee aagga VAR, iyo sidoo kale isticmaalka iftiinnada leysarka ee taageerayaasha.

    Kabtanka Morocco Achraf Hakimi (laba kulan oo CAF ah, mid ka mid ahna hal sano ayaa laga joojiyay) iyo Ismael Saibari (saddex kulan oo CAF ah) ayaa llag ahoristagay, kaddib markii lagu helay anshax-xumo ay sameeyeen markii ay isku dayeen in ay ka qaadaan shukumaan goolhayaha Senegal Edouard Mendy .

    Tababaraha Senegal, Thiaw, ayaa amar ku bixiyay in ciyaartoydiisu ay garoonka ka baxaan dhammaadka ciyaarta kaddib markii gool ay dhaliyeen la diiday, wax yar kaddibna Morocco ayaa loo dhigay rigooro, taas oo Brahim Diaz ugu dambayn qasaariyay.