TOOS, Iiraan oo sheegtay in ay diyaar u tahay inay ka jawaabto “si degdeg ah oo awood leh” weerar kasta oo lagu soo qaado.

Wasiirka Arrimaha dibadda Iiraan ayaa ka jawaabay warkii Trump ee ahaa in Iiraan ay ku wajahanyihiin ciidamo ka awood badan kuwii Venezuela weeraray dhawaan.

Kooban

Tebin toos ah

  1. Iiraan oo mar kale hadashay sheegtayna hadal ka duwan kii hore

    Iiraan iyo Mareykanka

    Xigashada Sawirka, Reuters / Getty Images

    Maxamed Baqer Qalibaf, Guddoomiyaha Baarlamaanka Iiraan, ayaa wareysi uu siiyay CNN ku sheegay in “Tehran ay diyaar u tahay inay la xaajooto Maraykanka, balse kaliya haddii wada-hadalladu noqdaan kuwo daacad ah oo dhab ah.”

    Wuxuu yiri: “Inkasta oo Tehran ay diyaar u tahay wada-xaajood, ma u maleynayo in taasi ay tahay nooca wada-hadal ee madaxweynaha Maraykanku raadinayo; isaga wuxuu kaliya doonayaa inuu ku khasbo rabitaankiisa.”

    Wareysigan, guddoomiyaha baarlamaanka Iiraan wuxuu ku eedeeyay “quwado shisheeye” cadaadiskii xooganaa ee lagu sameeyay mudaaharaadyadii dhawaan dhacay, isagoo sheegay in “qorshahan” laga soo maleegay dibadda.

    Mudane Qalibaf, isagoo aan xusin tirada muwaadiniinta ku dhimatay mudaaharaadyada, ayaa u sheegay telefishankan Maraykanka ah in dowladda Iiraan “aysan marna ka tanaasuli doonin aargudashada dhiigga” ku dhowaad 300 oo ka tirsan ciidamada ammaanka oo uu sheegay inay ku shahiideen rabshadaha.

  2. Hoggaamiyaha fallaagada Congo oo ka horyimid heshiis lala galay dowladda Mareykanka

    Hoggaamiyaha isbahaysiga fallaagada Congo

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Hoggaamiyaha isbahaysiga fallaagada Congo ee ay ku jirto kooxda M23, Corneille Nangaa, ayaa sheegay in heshiiska u dhexeeya Kinshasa iyo Washington ee ku saabsan macdanta muhiimka ah ee gobolka colaadaha ragaadiyeen uu sharci ahaan ansax ahayn, isla markaana uu leeyahay cillado waaweyn, tallaabadaasna ay shaki gelinayso hirgelintiisa.

    Nangaa, oo ah madaxa Alliance Fleuve Congo (AFC), ayaa tixraacayay heshiis iskaashi istaraatiiji ah oo lagu saxiixay Washington 4-tii Diseembar, kaas oo siinaya Maraykanka helitaan ballaaran oo ku saabsan macdanta muhiimka ah ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, beddelkeedana ay jiri doonto maalgashi iyo iskaashi dhinaca amniga ah.

    Wareysi uu Reuters ku siiyay magaalada Goma Isniintii, Nangaa wuxuu sheegay in qorshuhu ka maqan yahay daahfurnaan isla markaana uu leeyahay cillado sharciyeed, isagoo xusay waxa uu ku tilmaamay “daahfurnaan la’aan ka jirta wada-xaajoodyada” iyo “cillado hannaanka loo maray, gaar ahaan ku xadgudubka Dastuurka iyo sharciga.”

    Dhaliisha Nangaa waxay sii kordhinaysaa su’aalaha ku saabsan suurtagalnimada maalgashiga Maraykanka ee bariga Congo, oo ah gobol dagaallo saameeyeen, sanad kadib markii M23 ay si lama filaan ah u qabsadeen Goma, oo ah magaalada ugu weyn gobolka.

    Inta badan macdanta muhiimka ah ee bariga Congo, oo ay ku jirto koltaan, waxaa laga soo saaraa dhul ay hadda gacanta ku hayso M23, taas oo la wareegtay goobo macdan qodis oo muhiim ah sida Rubaya ee North Kivu.

    Nangaa wuxuu sheegay in goobaha macdan qodista ee loo oggolaaday Washington ay mustaqbalka noqon karaan il khilaaf, maadaama laga yaabo in horey loogu qoondeeyay saaxiibbada Congo.

    “Maraykanku way saxiixi karaan heshiiska, balse waa inay ogaadaan inay la saxiixdeen nidaam sharci-darro ah, isla markaana musuqmaasuq ah,” ayuu yiri.

    Dhanka kale, Madaxtooyada Congo ayaa beenisay eedeymaha Nangaa, iyagoo sheegtay in iskaashiga uu “ku jiro awoodda dastuuriga ah” ee madaxweynaha iyo dowladda la doortay.

    Aqalka Cad ayaa sheegay in cabsi laga qabo isku dhacyo lala galo hay’adihii hore ee qandaraasyada haystay kuwaas oo lagu tilmaamay “mala-awaal kaliya,” isla markaana iskaashi kasta uu raaci doono qandaraasyo sharci ah iyo xeerarka macdanta ee Congo.

    Dowladda Congo ayaa sheegtay in iskaashigan loo gudbin doono baarlamaanka si loo ansixiyo bisha Maarso.

  3. War deg deg ah, Degdeg: Golaha wasiirrada Soomaaliya oo xilkii qaaday taliyihii milatariga Soomaaliya

    Odawaa

    Xigashada Sawirka, FACEBOOK

    Golaha Wasiiradda Soomaaliya ayaa shaqada ka cayriyay taliyaha Milatariga Janaraal Odowaa Yuusuf Raage sida ay BBC-da u xaqiijiyeen illo wareedyo ka tirsan dawladda.

    Sarkaal lagu magacaabo Ibraahim Maxamed oo darajadiisu tahay Gaanshaanle Sare ayaa loo magacaabay xilka taliyaha milatariga.

    Janaraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa xilka taliyaha Milatariga loo magacaabay labo jeer oo hore oo kala ahayd 2019 iyo 10 November 2024.

  4. War deg deg ah, Degdeg: Duulimaadyadii Ethiopian Airlines ay ku tagi jirtay gobolka Tegrey oo la baajiyay iyo faah-faahin ka soo baxaysa

    Ethiopian Airlines

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Diyaaradda Ethiopian Airlines ayaa joojisay duullimaadyadii ay ku tagi jirtay garoomo dhowr ah oo ku yaalla gobolka Tegrey, kaddib markii ay sii kordheen xiisadaha iyo cabsi laga qabo in dib colaadi uga dhex qaraxdo dowladda federaalka iyo TPLF. BBC ayaa xaqiijisay in duullimaadyadii u kala gooshi jiray Addis Ababa iyo Tegrey la hakiyay, iyadoo rakaabka lagu wargeliyay farriimo qoraal ah oo lagu sheegay in ay dhaceen “duruufo lama filaan ah.”

    Duullimaadyadii maanta loo qorsheeyay inay ka baxaan Addis Ababa kuna wajahnaa Mekelle, Humera, Shire, iyo Aksum ayaa la baajiyay. Wariye BBC Tigrinya ah oo ku sugan Mekelle ayaa xaqiijiyay baajintaas kaddib booqasho uu ku tagay xafiiska tigidhada ee shirkadda. Shaqaalaha shirkadda diyaaradaha iyo garoonka Mekelle ayaa sidoo kale lagu amray inaysan shaqo iman Khamiista maanta ah. Ilaa hadda, Ethiopian Airlines iyo dowladda midkoodna kama hadlin arrintan, halka Horn of Africa Services ay weli sugayso jawaab ka timaadda shirkadda.

    Dhanka kale, warar ka imanaya waqooyi-galbeed Itoobiya ayaa sheegaya iska-horimaadyo u dhexeeya ciidanka federaalka iyo dagaalyahannada Tegrey oo ka dhacay Mai Degusha, oo ah deegaan muran ka taagan yahay kana tirsan Degmada Tselemti, ayna ku muransanyihiin gobollada Amhara iyo Tegrey. Ilo wareedyo ayaa sidoo kale sheegaya dhaqdhaqaaqyo ciidan oo cusub oo ka socda koonfurta Tegrey, taasoo sii xoojinaysa walaaca laga qabo in colaad dib u qaraxdo. Ilaa hadda, wax xaqiijin rasmi ah kama soo bixin dowladda federaalka Itoobiya ama maamulka Tegrey.

  5. Shiinaha oo in ka badan 10 xubnood oo hal qoys ahaa dil ku fuliyay

    Shiinaha

    Xigashada Sawirka, CCTV

    Shiinaha ayaa dil ku fuliyay 11 xubnood oo ka tirsan qoys caan ku ahaa khiyaanada, kuwaas oo maamuli jiray xarumo khiyaano oo ku yaalla Myanmar, sida laga soo xigtay warbaahinta dowladda.

    Maxkamad gobolka Zhejiang ayaa xubnaha qoyska Ming ku xukuntay bishii Sebtember ee sanadkii hore dambiyo culus oo ay ka mid yihiin dil, xirid sharci darro ah, khiyaano, iyo ka shaqeynta guryaha sharci-darrada ah ee khamaarka.

    Qoyska Ming wuxuu ka mid ahaa dhowr qoys oo maamuli jiray magaalada Laukkaing, oo ku dhow xadka Shiinaha uu la wadaago Myanmar.

    Iyada oo ay maamulayeen, magaalada mar ahayd mid sabool ah oo aan la garanayn ayaa waxaa laga dhigay xarun khamaar, guryo madadaalo, iyo dambiyo maaliyadeed.

    Boqortooyadooda khiyaanada ayaa burburtay sanadkii 2023 ka dib markii xubnahooda la qabtay lana geeyay Shiinaha, iyada oo kooxo hubeysan oo qowmiyadeed ay gacanta ku dhigeen magaalada Laukkaing xilli dagaal sokeeye uu ka socda Myanmar.

    Sanadkii hore, baraha bulshada ee Shiinaha waxaa ku jiray warka ku saabsan jilaa dhallinyaro ah oo u safrey Thailand si uu shaqo u helo, laakiin markii dambe lagu qasbay in la geeyo xarun dadka lagu xiro oo ku taal Myanmar.

    Kiisaskan oo kale ayaa kiciyay caro dadweyne oo Shiinaha ka jirta, maadaama Beijing muddo dheer ay cadaadis ku saarayey dowladda millatariga ee Myanmar si ay u xakameyso kooxaha khiyaanada.

    Sida laga soo xigtay Maxkamadda Sare ee Shiinaha, hawlgallada khiyaanada iyo khamaarka ee Ming Gang ayaa laga sameyay in ka badan 10 bilyan yuan taasoo u dhiganta 1.4 bilyan oo doollar intii u dhexeysay 2015 ilaa 2023.

    Maxkamaddu waxay diidday racfaanadooda bishii Nufeembar. Maxkamaddu waxay sheegtay in dambiyada kooxdu ay keeneen dhimashada 14 muwaadin oo Shiinaha u dhashay, halka kuwo kale ay ku dhaawacmeen.

  6. Maxaad kala socotaa ninka Somaliga ee arrintiisu hadal haynta ka dhalisay Kenya?

    Saalax iyo Raila

    Xigashada Sawirka, Facebook

    Dalka Kenya dood xooggan ayaa ka taagan hadal ay sheegtay gabar uu dhalay hoggaamiyihii mucaaradka Kenya ee geeriyooday dhawaan Raila Odinga.

    Winnie Odinga oo waraysi siisay Telefishin maxalli ah ayaa sheegtay in Oketch Saalax oo ah ganacsade Soomaali Kenyan ah in ay la kulantay hase-yeshee aanu jirin qof si qoto dheer u garanaya.

    Waxey intaa ku dartay in uu been ka sheegay geeridii aabbaheed oo uu Saalax horey u sheegay in uu la joogay markii uu dhimanayay amba daqiiqadihii ugu dambeyay.

    Sidoo kale gabadhan ayaa muujisay in Saalax sidoo kale uu sheegay waxyaabo aan dhicin.

    Saalax oo qoraal bartiisa Facebook ku baahiyay ayaa isna ka falceliyay waraysiga gabdha iyo sida ay isaga uga hadashay.

    “Waxaan daawaday wareysigii xalay ee Winnie oo iga hadashay.

    Ixtiraamka aan u hayo Marwo, Mama Ida Min Piny,waxaan doortay inaan aamuso. Taasi waxay ahayd go'aan ula kac ah oo shaqsiyeed.

    Si kastaba ha ahaatee, qaar ka mid ah waxa la sheegay waxay u baahan yihiin caddayn.

    Waxaan ku taaganahay wax kasta oo aan ka sheegay daqiiqadihii ugu dambeeyay ee aan la qaatay Baba oo ula jeedo Raila Odinga.

    “Waqtiyadaasi waxay ahaayeen kuwo dhab ah, xanuun badan” ayuu Saalax ku yiri qoraalkiisa.

    Saalax waxey aad isugu dhawaayeen Raila Odiinga iyadoo wararka qaar sheegayaan in Saalax uu soo korsaday hoggaamiyihii mucaaradka Kenya Raila Odinga, iyadoo qoyska Raila xubno ka mid ah ay mararka qaar ka sheegeen fagaarayaal in Saalax yahay nin ka mid ah qoyskooda.

  7. Ilhaan Cumar oo Trump ku tilmaantay nin xanuunka "ilowshiyaha qaba"

    Ilhaan Cumar

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Ilhaan Cumar oo ah xildhibaanad ka tirsan aqalka wakiillada Mareykanka ayaa sheegtay in gacanteedu gaari laheed ninkii dhawaan ku weeraray waxyaabo dareero ah xilli ay khudbad jeedinaysay, haddii aaney ilaaladeedu goobta joogi laheyn.

    “Soomaalida itaaqanna way ogyihiin in dagaalka aan ku fiicanahay,” ayay tiri iyadoo la hadlaysay Soomaalida ku dhaqan magaalada Minneapolis.

    Ilhaan ayaa sidoo kale u jawaabtay madaxweyne Trump oo weerarkeeda shaki galiyay isla markaana sheegay in iyadu is buufisay.

    Waxey sheegtay in Trump daqiiqado ka hor weerarkeeda uu iyada ka hadlayay hase-yeeshee, markii weerarka wax laga waydiyay uu inkiray oo uu yiri “ma xasuusto iyada”.

    Ilhaan ayaa is waydiisay in Trump qabo xanuunka ilowshaha iyo in kale maadama marna uu iyada ka hadlay marna yiri kama fikarayo iyo ma xasuusto.

  8. Trump oo farriin u diray shacabka Iiraan iyo cabsi sii kordhaysa

    Trump

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa farriin u diray dibadbaxayaasha wax yar kadib markii ay bilaabmeen mudaharaadyadii u dambeeyay ee ka dhacay Iiraan, isagoo u sheegay in “gargaar uu soo socdo.”

    Tan iyo markaas, waxaan aragnay xiisadda oo tartiib ah, joogto ah, isla markaana soo badinaysa joogitaanka iyo awoodda ciidamada milatariga Maraykanka ee gobolka.

    Maraykanka, oo leh ciidanka milatari ee ugu awoodda badan dunida, ayaa horay u muujiyay awooddiisa ah inuu weeraro Iiraan. Hawlgalkii loo bixiyay Operation Midnight Hammer ayaa bartilmaameedsaday xarumaha nukliyeerka ee Iiraan bishii Juun ee sannadkii hore.

    In ka badan 100 diyaaradood ayaa ka qayb qaatay hawlgalkaas, iyadoo diyaaradaha qarsoodiga ah ee B-2 ay ka soo duuleen dhulka Maraykanka si ay u ridaan bambooyin si sax ah loo hago oo loo yaqaan bunker busters kuwaas oo lagu beegsaday xarumaha nukliyeerka ee Iiraan. Hawlgalku wuxuu ku dhammaaday iyadoo aysan jirin wax khasaaro ah oo soo gaaray ciidamada Maraykanka.

  9. Israa'iil oo erayo ku qoran calanka Xuutiyiinta la dhex tagtay shirka Golaha Ammaanka

    Israa'iil

    Xigashada Sawirka, Danny Danon

    Danjiraha Israa’iil u fadhiya Qaramada Midoobey ayaa kulan Golaha Ammaanku yeeshay ku soo bandhigay calan uu sheegay in ay Xuutiyiinta Yemen leeyihiin.

    War qoraal ah oo uu ku baahiyay bartiisa X, danjire Danny Danon waxaa uu ku sheegay in ujeedka Xuutiyiinta uusan ahayn dagaal ku saleysan dhul iyo xuduud toona ee uu yahay dagaal ku wajahan dalal. “Waxaan si cad ugu sheegay Golaha Ammaanka: Xuutiyiintu uma dagaallamayaan dhul ama xuduudo. Calankoodu ayaa wax walba caddeynaya: Waxaana ku qoran “Geeri ha u sugnaato Maraykanka, geeri ha u sugnaato Israa’iil, naclad ha ku dhacdo Yuhuudda.”

    „Tani ma aha iska-caabin; waa nacayb saafi ah”.

    Qoraalka ayaa intaasi ku daraya hoggaanka Iiraan uu maalgaliyo argagixisada. Xamaas, Xisbullah, iyo Xuutiyiintu waa natiijo toos ah oo ka dhalatay buu yiri siyaasaddaas rabshadaha ku dhisan. „Waa isla nidaamkaas, isla qaabkaas, isla dhoofinta nacaybka iyo rabshadaha,”

  10. Kumanaan askarta Venezuela ka mid ah oo markaan muujinaya arrin cidda ay daacadda u yihiin

    Venezuela

    Xigashada Sawirka, Instagram/@Minsjustice_VE

    Kumannaan askar oo isugu jira booliis iyo milatari oo ku sugan Venezuela ayaa ka qayb qaatay xaflad ay ku muujiyeen daacadnimadooda madaxweynaha ku-meelgaarka ah, Delcy Rodriguez, oo hoggaanka la wareegtay horraantii Janaayo kadib markii ciidamada Maraykanku ay qabteen hoggaamiyihii ka horreeyay, Nicolas Maduro.

    Munaasabaddan ayaa dhacday wax yar kadib markii Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, Marco Rubio, ay su’aalo waydiiyeen guddiga Senate-ka ee Washington, kuna saabsanaa siyaasadda maamulka ee Venezuela. Wuxuu sheegay in Maraykanku uusan filayn wax tallaabo militari oo dheeraad ah, balse wuxuu uga digay in ay dan u tahay Venezuela inay la shaqeyso.

    Hoggaamiyaha mucaaradka Venezuela ee qurbaha ku sugan, María Corina Machado, ayaa sheegtay in hoggaamiyaha cusub ee Venezuela aan lagu kalsoonaan karin.

  11. Sharciyo adag oo lagu xakameynayo ciidamad ICE oo la filayo in la hirgaliyo

    ICE

    Xigashada Sawirka, US Immigration and Customs Enforcement

    Dimuqraadiyiinta ku jira Aqalka Senate-ka Maraykanka ayaa soo saaray liis dalab ah oo loogu talagalay in lagu xakameeyo tallaabooyinka ay qaadaan wakiillada ICE, kuwaas oo ay sheegeen in lagu lifaaqo hindise sharciyeedka maalgelinta Waaxda Amniga Gudaha.

    Dalabyadan waxaa ka mid ah mamnuucid lagu soo rogo wakiillada federaalka ee xirta maaskarada, iyo in la joojiyo kormeerada, iyadoo taa beddelkeeda la farayo in xarig kasta uu ku salaysnaado amar maxkamadeed oo uu bixiyo garsoore.

    Tallaabadan ayaa timid kaddib dilalka laba muwaadin oo Maraykan ahaa oo ka dhacay Minneapolis intii lagu jiray howlgalladii adkaa ee ICE.

    Codbixin habraac ah oo ku saabsan hindise-sharciyeedka, oo sidoo kale ka kooban maalgelin loogu talagalay Pentagon-ka, Waaxda Arrimaha Dibadda, iyo Wasaaradda Maaliyadda, ayaa la filayaa in la qabto Khamiista maanta ah , ka hor waqtiga kama dambaysta ah ee laga baqayo xiritaanka dawladda dhammaadka toddobaadkan.

  12. Diyaarad ku burburtay dalka Kolombiya oo dadkii saarnaa oo dhan ay geeriyoodeen

    Diyaarad rakaab ah ayaa ku burburtay waqooyiga dalka Kolombiya, taasoo dishay dhammaan 15-kii qof ee saarnaa, sida ay xaqiijisay shirkadda diyaaradaha ee dowladda, ee Satena.

    Bayaan ay soo saartay shirkaddu ayay ku sheegtay in diyaaraddeeda oo nooceedu ahaa Beechcraft 1900 ay “la kulantay shil dhimasho sababay”, balse faahfaahin dheeraad ah ma aysan bixin.

    Haraaga diyaaradda ayaa hadda laga helay dhul buuraley ah.

    Liiska rasmiga ah ee rakaabka waxaa ku jira xildhibaan Diógenes Quintero Amaya iyo Carlos Salcedo, oo ahaa musharrax ka qeyb galaya doorashooyinka baarlamaanka ee soo socda.

    Markii hore, Satena waxay sheegtay in xiriirkii diyaaradda la waayay 11 daqiiqo ka hor waqtigii ay qorsheysneyd inay ku degto magaalada Ocaña, oo u dhow xadka Venezuela Arbacadii shalay.

    Sida ay shirkaddu sheegtay, duulimaadka NSE 8849 wuxuu ka duulay magaalada Cúcuta, oo qiyaastii 100 kiiloomitir waqooyi-bari kaga beegan Ocaña, iiyadoo siday 13 rakaab ah iyo laba duuliye.

    Hawlgal baadi-goob ah ayaa laga bilaabay dhulka buuraleyda ah, waxaana la sameeyay khad degdeg ah oo ay la xiriiri karaan qaraabada dadka saarnaa diyaaradda.

    Isagoo la hadlayay warbaahinta maxalliga ah ee Semana, guddoomiyaha gobolka Norte de Santander, William Villamizar, ayaa sheegay in la helay toddobo meyd.

    Bayaan lagu xaqiijinayo geerida Quintero ayaa lagu daabacay boggiisa Facebook, iyadoo lagu tilmaamay “nin noloshiisa oo dhan u adeegayay dadka baahida ugu badan qaba”.

    Quintero wuxuu hayay mid ka mid ah 16-ka kursi ee baarlamaanka Kolombiya ee loo qoondeeyay matalaadda dhibbanayaasha colaadda u dhexeysa fallaagada Marxist-ka ah ee FARC iyo dowladda Kolombiya.

  13. Mareykanka oo qiray in Soomaaliya qaadatay mas'uuliyadda bakhaarkii la jabsaday

    .

    Xigashada Sawirka, FACEBOOK

    War qoraal ah oo ka soo baxay waaxda gargaarka ee Wasaaradda Arrimaha dibadda Mareykanka ayaa lagu sheegay in Mareykanku qirayo in dowladda federaalka Soomaaliya ay qaadatay mas’uuliyadda tallaabooyinka samaeynta ku yeeshay hawl-galka Barnaamijka Cunnada Adduunka (WFP), oo ay ku jirto kaalmada Maraykanku bixiyo.

    Warku waxaa uu intaa ku darayaa “kadib bayaankan, waxaan dib u bilaabi doona qaybinta cunnada ee WFP, annagoo isla markaas sii wadayna dib-u-eegista guud ee hab-dhaqankeena ku aaddan kaalmada Soomaaliya,”.

    Sidoo kale waxaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Mareykanka: “Maamulka Trump wuxuu ku dhaqmaa siyaasad adag oo dulqaad laheyn marka ay timaaddo khasaarin, xatooyo, ama leexin kaalmada Maraykanka,”.

  14. Midowga Yurub oo Ciidamada Ilaalada Kacaanka Iiraan ku daraya liiska argagixisada

    Iiraan

    Xigashada Sawirka, EPA

    Madaxweynaha Baarlamaanka Yurub ayaa tiri: “Toddobaadkan, Yurub waxay haysataa fursad iyo waajibaad taariikhi ah oo ah in ugu dambayn Kooxda Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee iiraan (IRGC) u aqoonsadaan urur argagixiso.”

    Roberta Metsola waxay go’aanka ku tilmaantay “wax ka badan tallaabo astaan ah,” iyadoo adkaysay mas’uuliyadda Yurub ka saaran in ay arrintan ficil ahaan loo muujiyo.

    Waxaan ku baaqayaa “in caddaalad loo sameeyo “kumannaan qof oo lagu dilay waddooyinka,” iyo in “malaayiin Iiraaniyiin ah ay ku noolyihiin cadaadis ayna na sugayaan.”

    Wasiirrada arrimaha dibadda ee waddamada xubnaha ka ah Midowga Yurub ayaa lagu wadaa inay ku dhawaaqaan cunaqabatayn cusub maanta oo Khamiis ah 29-ka Janaayo, kuwaas oo lagu beegsanayo kuwa ku xadgudba xuquuqda aadanaha iyo 10 shirkadood oo ku lug leh soo saarista diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones) ee Iiraan.

    Wasiirka arrimaha dibadda ee Talyaaniga ayaa horraantii toddobaadkan sheegay inuu soo jeedin doono in IRGC lagu daro liiska ururrada argagixisada ee Midowga Yurub. Faransiiska, Jarmalka iyo Isbaanishka ayaa sidoo kale sheegay inay ku raacsan yihiin soo jeedintaas.

  15. Iiraan oo Trump ugu jawaabtay in ay diyaar u tahay weerar kasta oo lagu soo qaado

    Iiraan

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Cabbaas Araqchi, ayaa ka digay in ciidamadiisu ay diyaar u yihiin inay si degdeg ah oo xoog leh uga jawaabaan weerar kasta oo lagu soo qaado dalka.

    Qoraal uu ku daabacay bartiisa X, ayuu ku sheegay in militariga Iiraan ay “ay riishadda hayaan qoryaha, isla markaana ay diyaar u yihiin inay si dhaqso ah oo awood leh uga jawaabaan gardarro kasta oo lagu soo qaado dhulka, hawada iyo xuduudaha badda ee dalka.”

    Hadalka Cabbaas Araqchi ayaa imanaya xilli uu Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, dhowaan ku sheegay baraha bulshada ee Truth Social in maraakiib dagaal oo waaweyn ay ku sii jeedaan Iiraan, kuwaas oo uu hoggaaminayo markabka diyaaradaha xambaara ee Abraham Lincoln.

    Sida uu sheegay Madaxweyne Trump, “ciidankan oo ah kuwa badda waa kuwo diyaar ah, oo go’aan adag leh, isla markaana awood u leh inay si degdeg ah u fuliyaan howshooda, oo ay ku jirto adeegsiga awood militari haddii loo baahdo.”