Istijaabi in aad noqon karto Ganacsade

Ma leedahay waxa loo baahan yahay si loogu guulaysto bilowga shirkad ganacsi, isla markaana loo sii koriyo oo looga dhigo shirkad laga faa'iido?

Qaar badan, oo naga mid ah ayaa ku riyooda in ay ganacsi leeyihiin ay samaystaan, oo aan madax naloo noqon, si aan iskeen uga shaqaysanno adduunka.

Hadana, ganacsade walba ee qatar qaata, oo guulaysta, waxaa jirta in uu la kulmo guuldarooyin dhowr ah.

Halxiraalaha isku day, waa laba daqiiqo, waxaad ogaan kartaa qiyaasta fursadda aad u heli karto abuurka shirkad.

Iska fogayn: Hal xiraalahan, ma aha mid saadaalinaya sida aad shaqsi ahaan ugu wanaagsanaan karto bilaabidda ganacsi iyo maamulidiisa dhabta ah. Waxaa uu ku salaysan yahay fikir ganacsi mana aha mid toos u badali kara talo ka qaadashada kuwa xiradda u leh.

Sidee halxiraalaha loo sameeyay? Mowduuca Ganacsiga noocan ah, wuxuu leeyahay taariikh dheer, balse marka la eego aqoonteenna ku aadan waxyaabaha lagu garto ku guulaysiga ganacsatada noocan ah in ay tahay goob aan wali si rasmi ah cilmibaaris buuxda loogu samaynin. Si loo horumariyo arrintan waxaan daraasaynay xogta hadda jirta, waxaanan la shaqaynay Brian Morgan, professor jaamacadda Cardiff Metropolitan University ka dhiga ganacsiga noocan ah, in diiradda la saaro sida dadka u fakaraan iyo awoodda maamul ee qofka noocan u ganacsada.

Waxaa ka shaqeeyay: Gerry Fletcher, Robert McKenzie, Ransome Mpini, Will Smale, Nzar Tofiq and John Walton.