Lance Armstrong oo bixinaya $5 milyan ganaax ah si uu uga badbaado $100 milyan oo qarash ah

Xigashada Sawirka, Getty Images
Xiddigii hore ee bushkuleetiga ee fadeexadu qabsatay Lance Armstrong ayaa ogolaaday in uu bixiyo $5 malyuun oo doolar si uu uga badbaado dhagaysi dacwadeed oo ay ugu kici lahayd $100 milyan oo doolar.
Ninkan ayaa horey u qirtay in uu isticmaalay maadooyin kordhiya tamarta qofka xilli uu ka qeybgalayay tartanka baaskiilka adduunka ee Tour de France, taas oo uu ku guuleystay 7 jeer, balse qiraalkaas kadib ayaa laga xayuubiyay dhammaan biladihii la siiyay.
Lance ayaa sidoo kale sanadkii 2012-kii gabi ahaanba laga mamnuucay in uu ka qeybgalo ciyaaraha baaskiilka inta ka dhiman noloshiisa.
Heshiiskan ayaa yimid kadib markii uu ku guuldaraystay in uu is hor taago dacwadda ay ka gudbisay wakaalada boostada Maraykanka oo muddo dheer uu magaceeda ku tartamayay.
Ninkan ayaa sidoo kale heshiisyo uu lacago ku bixinayo la gaaray wargeyska Sunday Times oo inta qorey war ku saabsan in uu wax qiyaamay kadibna uu Lance dacwad ka gudbiyay, deetane la siiyay lacag dhan $300 kun. Balse hadda marka uu qirtay dambigii ayuu wargeyska isna dacwad gudbiyay.
Sidoo kale shirkad ceeymis ah ayuu isfaham la gaaray, taas oo dacwado ka dhashay qiraalkiisa kusoo oogtay.






