You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Hargeysa oo tartan Marathon ah uu ka furmay
Waxaa goor dhoweyd saaka oo Jimce ah ka bilaabmay magaalada Hargeysa Orodka Marathoonka ee 42KM iyo 10KM.
Tartankan waxaa ka qeyb qaadanaya ilaa 150 orodyahan oo ay ku jiraan kuwo ajenebi ah oo ka kala yimid Ingiriiska, Talyaaniga, Poland, Faransiiska iyo Jabuuti, sida uu hadda ku dhawaaqay, Boos Maxamed Mire, wasiirka ciyaaraha Somaliland oo isagu tartankaasi furay.
Waddooyinka magaalada Hargeysa qaarkood ayaa loo xidhay orodka iyadoo orodyahannada loo diyaariyay boolis iyo kooxo caafimaad.
Agaasimaha waaxda Sportiga, Maxamed Nuux, ayaa BBC-da u sheegay in wasaaradda ciyaaraha ka sokow ay u mahadnaqayaan sharikadaha Dahabshiil, Somtel, Telesom iyo Juba Airweys oo kala qayb qaatay fulinta hawshan orodka marathoonka.