Yurub oo diiday in la badiyo kooxaha u tartamaya koobka kubadda cagta adduunka

Gudoomiyaha ECA Karl-Heinz Rummenigge Wuxuu u ciyaari jiray kooxdii Galbeedka Jarmalka

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Gudoomiyaha ECA Karl-Heinz Rummenigge Wuxuu u ciyaari jiray kooxdii Galbeedka Jarmalka

Xiriirka matalaya kooxaha kubadda cagta ee Yurub ugu sareeya ayaa diiday baaqa ah in la badiyo kooxaha ka qeybgalaya koobka adduunka.

Horraantii bishan, Madaxweynaha FIFA, Gianni Infantino wuxuu soo jeediyay in 48 kooxood ay ka qeybgalaan tartanka oo loo kala qeybiyo 16 qeyb oo middiiba ay seddax dal ku jiraan.

Xiriirka kubadda cagta ee Yurub, (ECA) wuxuu sheegay in tirada kullamada ciyaaaraha ee sanadka la dheello inay tahay wax aan la aqbali karin hadda.

"Waxaan u sheegeynaa FIFA inaan la kordhin tirada ka qeybgalayaasha koobka aduunka," ayuu yiri gudoomiyaha xiriirka ECA Karl-Heinz Rummenigge.

Golaha FIFA ayaa ka wada-hadlidoono dalabka Infantino, marka ay kulmaaan 9-ka bisha January ee sanadka soo socda.

Balse Madaxweynaha FIFA wuxuu qorshaha ballaaarinta ay ka mid ahayd ballan qaadkii uu sameeyay markuu u tartaamaya madaxa FIFA.

Arrintaas ayaana sababtay inuu si aan caadi ahayn ugu guuleysto doorashaddii FIFA uuna noqdo madaxweynaha xiriirka kubadda cagta ee caalamka.

Tirada dalalka ka qeybgala ciyaaraha koobka adduunka ayaa markii ugu dambeysay ee la kordhiyay waxay ahayd 1998-dii.

Waxaa laga dhigay 32 dal, waxayna horey u ahaan jirtay 24, balse kordhinta hadda la qorsheynayo lama filayo inay dhacdo ka hor 2026-ka.

Rummenigge wuu tilmaamay: "Waa inaan diiradda saarnaa ciyaaraha markale. Siyaasadda iyo dhaqaalaha waa inaysan ku gaar noqon kubadda cagta."

Xiriirka ECA wuxuu matalaa in ka badan 200 oo kooxood oo ay ka mid yihiin Real Madrid, Barcelona, Juventus, Bayern Munich, Manchester United and Chelsea.