You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Rooney oo iska difaacay dhaleecayn loo jeediyay
Kabtanka kooxda kubadda cagta ee Manchester United, Wayne Rooney, ayaa dhaleecaynta loo soo jeediyay ku tilmaamay wax aan wax ka soo qaad laheyn.
Rooney ayaanan hubin inuu booskiisa xajisan doono ciyaarta ay kooxdiisa Manchester United ay Sabtida la yeelan doonto kooxda haysata horyaalka Ingiriiska ee Leicester City.
"Dhab ahaantii ma dhageysto waxa ay dadku leeyihiin, sababtoo ah qeyb badan oo ka mid ah waa wax aan wax ka soo qaad laheyn." Wuxuu sidaasi Rooney u sheegay talefishinka Manchester United ee MUTV.
"Intaan xirfddan ku soo jiray waxaa isoo wajahay dhaleecayn haba ugu badnaato kuwo dhawaanahan la ii soo jeedinayay. Waxaan dhageystaa tababarayaasheyda, ragga aannu isku kooxda nahay iyo dadka igu xeeran.