Maxay Muslimiinta Mareykanka ee ay Soomaalida ka midka yihiin kala hadleen Congres-ka

Misaajid ku yaalla Dearborn, Michigan

Xigashada Sawirka, Getty Images

Waxaa magaalada Washington ee dalka Maraykanka iskugu yimi golaha Muslimiinta Mareykanka oo ka arrinsanayay qadiyadaha quseeya Muslimiinta.

Golahan oo ka kooban ilaa 50 dalladood oo ay ku midoobeen Muslimiinta Maraykanka ayaa kulamo la leh labada aqal ee congress ka Maraykanka iyo golaha wakiilada.

Culimada halkaas iskugu yimid oo ay ku jiraan kuwo badan oo Soomaali ah ayaa congress-ka kala hadlay tabashooyinka ay qabaan dadka Musliinta ah ee Maraykanka ku nool oo ay ugu wayn tahay caburin ay sheegeen in ay kala kulmeen taageerada ay u muujiyeen flastiniyiinta ay ku socoto duqaynta Israil.

Culimadan ayaa dalbaday in dhakhso loo soo daayo dad la xirxiray iyaga oo dareenkooda cabiraya si ay taageero ugu muujiyaan falastin.

Sheekh Yuusuf Cabdi Cabdille oo ka madax ka ah mid ka mid ah dalladaas Muslimiinta ayaa sheegay in ay kala hadlayaan labada aqal ee sharci dajinta Mareykanka qadiyadaha quseeya Muslimiinta gudaha iyo dibadaba.

Sheekh Yuusuf oo BBC la hadlay ayaa sheegay in ay kala hadleen Congreska iyo golaha wakiilada in la dowro xuquuqda Muslimiinta gaar ahaan midda ay u leeyihiin in ay isu soo bax dhigaan.

"Waddankan waxaa la oggol yahay xoriyadda hadalka ama dadka ay cabiri karaan ra'yigooda, waxaana ka mid ah inay isu soo bixi karan oo qadiyad ka mudaharaadi karaan marka inaan lagu xad gudbin," ayuu yiri Sheekh Yuusuf.

Dibadbaxayaasha Texas

Xigashada Sawirka, Getty Images

Waxaa uu si gaar ah farta ugu fiiqay dibadbaxyada looga soo horjeedo dhibaatada ka socota Qaza ee ka socda qaar ka mid ah jaamacadaha dalka Mareykanka.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

"Dadkan ka mudaharaadaya waxa Qaza lagu hayo ee ardeyda ah ee xarumaha Jaaamacadaha ku madaaharaadaya in ay xaq u leeyihiin inay mudaaharaadaan oo aan lagu xadgudbin oo xoriytul qowlkooda la ilaaliyo arrintaasi aad ayay muhiim u tahay," ayuu intaa ku daray.

Sheekh Yuusuf Cabdi Cabdille oo ka madax ka ah mid ka mid ah dalladaas Muslimiinta Mareykanka ayaa dhanka kale sheegay in ay jiraan Muslimin badan oo loo xirxiray dibadbaxa jaamadaha Mareykanka ka socda.

"Dadka arrintaa loo xirxiray waxaa ka mid ah gabadha xildhibaanad Ilhaan Cumar, waxaa ka mid ah dad kale oo Muslimiin ah iyo kuwa kalaba , marka ma yara dad aad u badan ayaa la xiray" ayuu yiri

Sheekh Yuusuf .

Sheekh Yuusuf ayaa dhanka kale xusay in aqalka Congres-ka iyo wakiilada ay kala hadli doonaan arrinta Xajka oo uu sheegay in tiro aad u yar oo Muslimiin ah ay sanad kasta aadan.

Waxaa uu intaa ku daray in Muslimiinta Mareykanka lacagaha ay xajka ku aadan ay sidoo kale aad u badan yihiin.

"Waxaa kale oo aan kala hadalnay qadiyada Xajka oo dadka Mareykanka ah ee Muslimiinta uu runtii culeys badanuu ka so fuulay oo xagga dhaqaaaha aad u badatay oo ilaa dhowr iyo toban kun ila 15 kun oo doolar ay ku baxayso iyo nidaamkii oo adkaaday oo meeshii ay ilaa 10 kun oo qof ka xajin jireen Mareykanka ay maanta tahay ilaa 4 kun oo qof" ayuu yiri.

Dibadbaxyada Mareykanka ee taageerada Qaza

Dalka Mareykanka waxaa muddo labo toddobaad ah ka socday dibaxbayo ay dhigayaan ardayda jaamadaha kuwaas oo ay soo horjeedaan dagaalka ak socda Qaza.

Boqolaal askari oo booliis ah ayaa weeraray jaamacadda Columbia ee magaalada New York si ay u kala eryaan dibadbaxayaal taageersan Falastiin oo la wareegay dhismaha.

Sawirro halkaasi laga soo qaaday ayaa muujinaya saf dheer oo askar ah oo fuulaya sallaan si ay u galaan Hamilton Hall.

Jaamacaddu waxay hore ugu sheegtay ardayda inay baxaan haddii kale la ceyrin doono.