'Qaraxyadii waxay ahaayeen farriin ay soo direen Al-Shabaab'

Xigashada Sawirka, AFP
Al-shabaab ayaa dhowrkii toddobaad ee lasoo dhaafay weerarro kala duwan ka geystay gudaha Soomaaliya, kuwaasoo ay ku jiraan qaraxyo mataano ahaa oo loo adeegsaday baabuur laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo ka dhacay magaalada Muqdisho, oo ay ku dhinteen in ka badan 120-qof.
Qarax kale oo saaka ka dhacay degmada Deyniile ayaa sababay qasaare isugu jiray dhimasho iyo dhaawac.
Kooxda Islaamiyiinta ayaa muddo ka badan 15 sano ka waday Soomaaliya dagaal ka dhan ah dowladda iyo ciidamada ajaanibta ah. Weeraradu miyay sii kordhayaan, mase jiraan qasaarooyin badan oo soo gaaray dadka rayidka ah?
Duullaanka dowladda ee ka dhanka ah Al-Shabaab
Todobaadyadii la soo dhaafay, dowladda ayaa qaadday weerarro ballaaran oo ka dhan ah Al-Shabaab, iyadoo kaashaneysa maleeshiyo beeleedyo deegaanka ah.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dib loo doortay bishii May ayaa ballan qaaday "dagaal guud" oo ka dhan ah kooxaha Islaamiyiinta ah, ka dib markii ay weerareen hoteel caan ah oo ku yaalla Muqdisho bishii August, halkaasoo oo ay ku dileen ugu yaraan 21 qof.
Ciidamada dowladdana dhul hor leh ayay qabsanayeen, sida ay sheegeen falanqeeyayaasha.

Xigashada Sawirka, Getty Images
"Qaraxyadu waxay ahaayeen farriin ay soo direen maleeshiyaadku si ay u muujiyaan inay weli nool yihiin, inkastoo ciidanka dowladda ka adkaadeen," ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlayay weerarradii ugu dambeeyay ee Muqdisho ka dhacay.
Rashiid Cabdi, oo ah Falanqeeye ka faallooda arrimaha Geeska Afrika ayaa sheegay in Al-Shabaab ay qaadi karaan weerarro kale si ay uga jawaabaan khasaarahooda.
"La yaab ma leh, Al-Shabaab hadda waa ay sii daciifayaan, oo dhabarka ayay jeediyeen, afar bilood gudahood ayay ku waayeen dhul ka badan kii ay shan sano haysteen.
"Waxaa soo food saaray kacdoon beeleed kii ugu darnaa abid. Ilahoodii dhaqaalahana khatar weyn ayay ku jiraan," ayuu yiri.
Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa sidoo kale soo jeedisay in weeraradii ugu dambeeyay lala xiriirinayo khasaaraha Al-Shabaab ka soo gaaray goobaha dagaalka.
Heer intee la eg ayey gaarsiisan yihiin howlaha Al-Shabaab
Sanadihii u dambeeyay kooxdan ayaa qaabkii dagaalka ee tooska ahaa u bedeshay xeelado ay ka mid yihiin qaraxyada, weerarrada iyo dilalka qorsheysan ee loo geysanayo saraakiisha Soomaalida iyo Ajaanibta.
Waxa kale oo u suurogashay in ay ku guulaysato dakhli ka soo saarka beelaha deegaanka, aruurinta cashuuraha iyo fulinta maxkamadaha ka baxsan goobaha ay dawladdu maamusho.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in kooxdan ay haystaan 15,000 ilaa 18,000 oo dagaallame, khubarada Qaramada Midoobay-na waxay sheegeen in uu bishii soo galo dakhli dhan $10 malyan oo doolar.

Dowladda Soomaaliya ma daabacdo tirakoobka dilalka ay geystaan kooxaha mintidiinta ah.
Si kastaba ha ahaatee, Mashruuca Xog-arurinta hubka iyo dhacdooyinka (Acled) ayaa aruuriya xogta weerarrada Al-Shabaab iyo sidoo kale ciidamada dowladda iyo kuwa ajnabiga ah ee ka dhanka ah bartilmaameedyada xagjiriinta.
Xogtooda ayaa tilmaamaysa in sannadkan 2022 uu ku dhow yahay inuu noqdo mid ka mid ah sannadihii ugu xumaa ee diiwaanka dhimashada. Tirada ilaa hadda sanadkan ayaa ka badan tii la diiwaan geliyay 2020 iyo 2021.
2017, in ka badan 500 oo qof ayaa lagu dilay hal weerar oo ka dhacay Muqdisho. Dowladda ayaa weerarkaas ku eedeysay Al-Shabaab, inkastoo kooxdu aysan xaqiijin inay ka dambeysay.
Kooxda xagjirka ah ayaa weli gacanta ku haysa deegaanno badan oo ka tirsan miyiga Soomaaliya waxayna sii wadaan weerarrada ay ka geysanayaan magaalooyinka.
Ma ciidamo shisheeye ayaa ka dagaalamaya Soomaaliya?
Ciidamo kala duwan oo caalami ayaa ka qayb qaatay dagaalka lagula jiro kooxdan, waxaana ugu muhiimsan Maraykanka oo horaantii sanadkan go'aansaday inuu ciidamo dib ugu soo celiyo dalka.
Bishii la soo dhaafay, maamulka Biden ayaa sidoo kale ku dhawaaqay inay liiska argagixisada ku dareen 14-qof oo ay ku eedeeyeen inay yihiin hoggaamiyeyaal ama maal-geliyayaal ka tirsan Al-Shabaab.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Intii uu jiray maamulkii madaxweyne Trump, Mareykanka wuxuu si weyn u kordhiyay adeegsiga duqeymaha iyo diyaaradaha uusan duuliyaha saarneyn ee lagula dagaallamayo mintidiinta. Laakiin waxay ciidamadooda Soomaaliya kala baxeen Diseembar 2020-kii ka dib markii uu xumaaday xiriirkii kala dhaxeeyay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed "Farmaajo".
Ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS ee ku sugan Soomaaliya ayaa sidoo kale gacan siinaya ciidamada xoogga dalka si ay uga hortagaan kooxaha hubeysan, iyadoo horaantii sanadkan ay howlaha kala wareegeen ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.
Kenya ayaa tan iyo sannadkii 2011-kii waxaa Soomaaliya ka joogay ciidammo la dagaalamaya Al-Shabaab, waxaana kooxdan ay weerarro joogto ah ka geysan jirtay gudaha Kenya.
Bishii Janaayo 2019, ayaa 21 qof lagu dilay weerar ka dhacay dhismaha hoteelka DusitD2 ee caasimadda Nairobi.
Weerarkii ugu khasaaraha badnaa ee kooxdu ka geysato dhulka Kenya wuxuu dhacay bishii April ee sanadkii 2015, markaasoo rag hubeysan ay weerar ku qaadeen jaamacadda Gaarisa ee bariga Kenya oo ay ku dileen 148 qof oo u badnaa arday.
Kooxda xasaradaha caalamiga ah waxay sheegtay in "abaabulka soo cusboonaaday ee ka dhanka ah Al-Shabaab wuxuu xambaarsan yahay khataro sare u qaadaya rabshadaha ka dhanka ah dadka rayidka ah iyadoo aan rajo laga qabin in ay guulo militeri oo buuxda kala helaan labada dhinac."













