You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Guudmar: 'Dowladdan Israa'iil ma aha xulafadeenna' Warbxin lagu qoray New York Times
Waxaan ku bilaabaynaa dulmarkeenna wargeyska New York Times ee Maraykanka, iyo maqaal cinwaankiisu yahay "Dowladdan Israa'iil ma aha xulafadeenna", oo uu qoray Thomas Friedman.
Qoraagu wuxuu hadalkiisa ku bilaabayaa isagoo ka hadlayo booqashada uu Madaxweyne Donald Trump ee Maraykanka ku tegi doono Bariga Dhexe toddobaadka soo socda, taas oo uu ku mari doono dalalka Sacuudiga, Imaaraadka iyo Qadar, isaga oo aan booqanayn Israa'iil. Tan ayuu u adeegsanayaa inuu kaga faalloodo xidhiidhka u dhexeeya Maraykanka iyo xukuumadda ra'iisul wasaaraha Israa'iil ee Benjamin Netanyahu, taas oo uu u arko in hadda kadib xulufo la'ahayn Washington, sida uu qabo.
Wuxuu qoray:
"Safarkaaga todobaadka danbe ee aad kula kulmayso hoggaamiyeyaasha Sacuudiga, Imaaraadka iyo Qadar – adigoo aan wax qorshe ah u haysan inaad la kulanto Ra'iisul Wasaare Netanyahu ee Israa'iil – waxay ii muujinaysaa inaad bilaabayso in aad garwaaqsato xaqiiqo aasaasi ah: in sida dowladdan Israa'iil ay u dhaqmayso si khatar gelinaysa danaha asaasiga ah ee Mareykanka ee gobolka. Netanyahu saaxiib nooma aha."
Qoraagu wuxuu carrabka ku adkeeyay in shacabka Israa'iil, guud ahaan, weli isugu arko xulafo dhow oo uu leeyahay shacabka Maraykanka – sidoo kalena ay sidaas u arkaan dadka Maraykanka. Laakiin wuxuu leeyahay:
"Dowladdan Israa'iil ee qawmiyadda xagjirka ah leh, ee leh aragtiyo diiniga ah oo Kirishtaan-Yuhuud ah, ma aha xulafada Maraykanka. Waa dowladdii ugu horreysay taariikhda Israa'iil oo aan mudnaanta siin nabadda deriskeeda Carabta ah ama faa'iidooyinka ay keeni karto xoojinta amniga iyo wada noolaanshaha."
Qoraagu wuxuu tilmaamay in mudnaanta ugu weyn ee dowladda Netanyahu ay tahay inay la wareegto Daanta Galbeed, ka saarto Falastiiniyiinta Qasa, islamarkaana dib u dhisto deegamaynta Israa'iiliinta ee halkaas.
"Fikradda ah in Israa'iil ay leedahay dowlad aan mar dambe u dhaqmin sidii xulafada Maraykanka – isla markaana aan loo arkin in ay sidaas tahay – waa arrin fajaciso iyo murugo ku ah saaxiibbada Israa'iil ee Washington, waana mid ay ku adagtahay inay aqbalaan, balse waa inay aqbalaan." Friedman ayaa qoray.
"Dowladda Netanyahu, iyadoo raadinaysa hirgelinta ajandayaalheeda xagjirka ah, waxay dhaawacaysaa danahayaga.
Runtu waxay tahay, in aadan u oggolaanin Netanyahu inuu kaa gudbo ama kaa hormaro – sidii uu ula dhaqmi jiray madaxweynayaashii hore ee Maraykanka – waa arrin kuu - qoran [sharaf kuu a] ,"
Isagoo ugu baaqaya Trump inuu difaaco waxa uu ku tilmaamay "qaab-dhismeedka amniga ee Maraykanku leeyahay", kaasoo ku salaysan isbaheysiga hadda jira ee Maraykanka, Carabta iyo Israa'iil – isbaheysi la aasaasay xilligii madaxweynihii hore ee Maraykanka Richard Nixon iyo wasiirkiisii arrimaha dibadda Henry Kissinger ka dib dagaalkii October ee 1973, ujeeddadiisuna ahayd in la fongaro Ruushka, lana xaqiijiyo in Maraykanku noqdo awoodda ugu sarreysa adduunka ee ka talisa gobolka, sida uu qoraagu xusay.
Qoraagu wuxuu aaminsan yahay in qaab-dhismeedkan amniga ee gobolka gebi ahaantiis uu si weyn ugu tiirsanaa ballanqaadka Maraykan iyo Israa'iili oo ku saabsana xalka labo dal – in la dhiso dawladda Falastiin oo daris la'ah Israa'iil. Waa ballanqaad uu madaxweyne Trump laftiisu isku dayay inuu horumariyo intii uu xilka hayay mudo xileedkiisii hore.
"Muddo ku dhowaad sanad ah, maamulka Joe Biden wuxuu ka baryayey Netanyahu inuu sameeyo hal arrin oo keliya oo dan u ah Maraykanka iyo Israa'iil: in uu aqbalo in la furo wadahadal lala yeesho Maamulka Falastiin si maalin uun looga wada hadlo xal labada dal ah... taasoo beddelkeeda ay Sacuudigu caadiyaynayaan xidhiidhkooda Israa'iil," arrintaas oo fure u noqon lahayd in la ansixiyo heshiis amni oo Maraykan iyo Sacuudi ah oo Congress-ka laa mariyo, si loo miisaamo saameynta Iiraan loona xakameeyo tan Shiinaha, sida uu sheegay Friedman.
Qoraagu wuxuu yiri:
"Netanyahu wuu ka diiday arrintaas, sababtoo ah xagjiriinta Yuhuudda ah ee ku jira dowladdiisa waxay u sheegeen in haddii uu taas sameeyo ay ridi doonaan dowladdiisa – isagoo la tacaalaya dacwado musuqmaasuq oo badan, ma uusan awoodin inuu is casilo ama ka tanaasulo xilka, maadaama uu doonayey inuu xilka sii hayo si uu u hakiyo ama u dheereeyo maxkamadeyntiisa, ugana fogaado xukun suurtagal ah oo xabsi ah."
Qoraagu wuxuu rumeysan yahay in Netanyahu uu danihiisa shakhsiyadeed ka hormariyey danaha Israa'iil iyo Maraykanka, taasina ay sababtay in ay soo baxaan warar sheegaya in Maraykanka iyo Sacuudigu go'aansadeen in ay ka reebaan Israa'iil ka qaybgalka heshiiska caadeynta xiriirka (normalization deal). Sida uu qabo qoraagu, taasi waa khasaaro dhab ah oo soo gaartay Israa'iiliyiinta iyo shacabka Yuhuudda.
Wuxuu qoray:
"War ay baahisay wakaaladda Reuters Khamiistii ayaa sheegay in Maraykanku uusan mar dambe ka dhigin shardi in Sacuudigu caadiyeeyo xidhiidhka ay la yeelanayso Israa'iil, si loogu socodsiiyo wadahadallada iskaashiga tamarta nukliyeerka ee ujeedadiisu tahay adeegyo rayid ah oo u dhexeeya Washington iyo Riyaadh."
Qoraagu wuxuu sii waday dhaliilaha uu u jeedinayo siyaasadda dowladda Israa'iil, gaar ahaan:
Qorshaha Netanyahu ee ah inuu mar kale duulaan ku qaado marinka Qasa, isagoo doonaya in dadka reer Qasa lagu koobo aag ciriiri ah oo dhinac ka ah badda Mediterranean-ka, dhinac kalena ah xadka Masar.
Sii wadista la wareegista dhulka Daanta Galbeed (West Bank) iyadoo aan sharci lagu salayn, taasoo u dhiganta qabsasho dhab ah oo aan sharci ahayn (de facto annexation).
Wuxuu qoray:
"Arrimahaas waxay Israa'iil u dhigayaan halis wayn – gaar ahaan taliyaha cusub ee ciidanka Israa'iil, Eyal Zamir – oo laga yaabo in lagu eedeeyo dambiyo dagaal oo dheeraad ah, taasoo la filayo in maamulkaaga (maamulka Trump) laga rabo inuu ka difaaco."
Sidoo kale, qoraagu wuxuu si adag u dhaleeceeyey hadallo uu jeediyey Wasiirka Maaliyadda ee xagjirka ah, Bezalel Smotrich, oo sheegay in "Qasa ay noqon doonto dhul Israa'iil si rasmi ah u haysato weligeed."
Wuxuu uga digay in haddii ay dowladda Netanyahu fuliso qorshaheeda ku aaddan Qasa, aysan kaliya keeni doonin eedeymo cusub oo dambiyo dagaal ah oo lagusoo oogayo Israa'iil, balse sidoo kale ay khatar weyn gelin doonto xasiloonida dalalka Urdun iyo Masar – kuwaas oo ah labada tiir ee ugu muhiimsan ee isbaheysiga amniga Maraykanka ee Bariga Dhexe, sida uu qoraagu xusay.
Falastiiniyiintu waxay si daran ugu baahan yihiin hoggaamiye matala
Waxaan u gudbaynaa wargeyska The Guardian ee dalka Ingiriiska, iyo maqaal ciwaankiisu yahay: "Falastiiniyiintu si daran waxay ugu baahan yihiin hoggaamiye matala, balse waxay wajahayaan khiyaano cusub oo aan dimoqraadi ahayn", oo ay qortay Dana El Kurd.
Maqaalka wuxuu ku bilaabmaa ka hadalka kala-daadsanaanta iyo burburka haysta shacabka Falastiin, iyo sida hoggaankoodii u maqnaa tan iyo markii dagaalku ka qarxay Gasa.
Qoraagu waxay aaminsan tahay in Maamulka Falastiin uu saldhig u yahay mushkiladdan. Kadib waxay tilmaamaysaa Madaxweyne Maxmuud Cabaas, oo qiyaastii 90 sano jir ah, islamarkaana xukunka ku yimid xidhiidhka dhow ee uu la lahaa Maraykanka, iyo diyaar u ahaanshihiisii inuu ku sii nagaado dariiqii heshiiska Oslo intii lagu guda jiray kacdoonkii labaad ee Falastiin.
Abbas wali xilka ayuu hayaa inkasta oo uu dhaafay muddo xileedkiisii rasmiga ahaa, iyadoo kalsoonidii shacabka ee ku aaddan isaga si weyn hoos ugu dhacday.
Qoraagu waxay sidoo kale ka hadlaysaa go'aanka uu Golaha Dhexe ee Ururka Xoreynta Falastiin (PLO) ku doortay Hussein al-Sheikh inuu noqdo ku-xigeenka madaxweynaha maamulka Falastiin, kaasoo la filayo inuu noqdo madaxweynaha mustaqbalka. Waxay arrintan ku sheegtay inay qayb ka tahay nidaam muddo dheer socday oo shacabka Falastiin looga hor istaagayo xuquuqdooda siyaasadeed.
Waxay qortay:
"Cabaas wuxuu ku baaqay shir uu isugu yeeray Golaha Dhexe ee Ururka Xoreynta Falastiin... Tallaabadan looguma talagelin in lagu xalliyo mushkiladda Gasa, balse waxay ahayd in si kali ah loo beddelo nidaamka Ururka Xoreynta, iyadoo laga leexanayo nidaamkii hay'adaha rasmiga ahaa. Tani waxay u oggolaanaysaa in golaha la ballaadhiyo lagana abuuro xil cusub oo ah 'ku-xigeenka madaxweynaha', oo laga dhex magacaabayo xubnaha guddiga fulinta ee ururka."
Dana El Kurd waxay aaminsan tahay in tallaabooyinkan — oo aan lagu samaynin la-talin ama oggolaansho ka yimid shacabka Falastiin ama hay'adahooda kale ee siyaasadeed — ay si cad u muujinayaan in loo diyaarinayo beddelka Cabaas si aan dimoqraadi ahayn.
Waxay leedahay:
"Dhab ahaantii, kadib kulan albaabadu u xidhan yihiin, ee Golaha Dhexe wuxuu ku dhawaaqay in Xuseen Al-Sheekh yahay ku-xigeenka cusub ee madaxweynaha. Si kale haddii loo dhigo, Falastiiniyiintu waxay markale wajahayaan khiyaano siyaasadeed oo cusub oo aan dimoqraadi ahayn."
Waxay intaas ku dartay in Al-Sheekh uu yahay taageere weyn oo Cabaas ah, laguna yaqaan inuu door muhiim ah ku leeyahay ciidamada ammaanka ee maamulka Falastiin, isla markaana uu muddo dheer si joogto ah ula xidhiidhayay militariga Israa'iil – taasoo keentay in Israa'iiliyiintu si weyn u ammaanaan.
Hase yeeshee, Cod uruurin uu sameeyay Xarunta Daraasaadka Siyaasadda ee Falastiin ayaa muujisay in kaliya 2% shacabka Falastiin ee la wareystay ay taageersan yihiin al-Sheikh inuu noqdo madaxweyne mustaqbalka.
Waxay qortay:
"Inkasta oo hanjabaadda ugu weyn ee haysata shacabka Falastiin si cad uga timaaddo gumeysiga Israa'iil iyo taageerayaashiisa caalamiga ah – iyadoo xukuumadda Netanyahu hadda oggolaatay qorshe weerar cusub oo Gasa lagu qaadayo – haddana waxa dhacaya ayaa sidoo kale muujinaya in hanjabaaddu ay gudaha ka imanayso. Waqtigii la joogay in hoggaanka Falastiin uu ka jawaabo su'aalaha shacabka."