You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Xamaas oo si adag ugu jawaabtay Israa'iil ka dib hakinta sii daynta maxaabiista Falastiiniyiinta
Xamaas ayaa sheegtay in wadahadalka ay Israa'iil kala yeelanayaan tillaabooyinka dheeraadka ah ee heshiiska xabbad-joojinta Qasa ay ku xiran yihiin in maxaabiista Falastiiniyiinta la sii daayo sida lagu heshiiyey.
Israa'iil ayaa Axaddii sheegtay inay dib u dhigayso sii deynta in ka badan 600 oo Falastiiniyiin ah, taasoo beddelkeeda la sii daayey lix qof oo nool iyo afar geeriyooday oo ka mid ahaa la haystayaasha, iyadoo ku eedaysay Xamaas xadgudubyo soo noqnoqday oo ay ka mid yihiin xafladaha xil-wareejinta.
Mas'uul sare oo ka tirsan Xamaas yaa sheegay in go'aankan uu khatar weyn ku yahay heshiiska oo dhan, wuxuuna ku baaqay in dhexdhexaadiyeyaasha, gaar ahaan Maraykanka, inay cadaadis ku saaraan Israa'iil.
Wejiga koowaad ee heshiiska iyo xabbad-joojinta ku meel gaarka ah ee lixda toddobaad ah ayaa lagu wadaa in uu ku ekaado Sabtida balse weli ma bilaaban wada-xaajood dadban oo wejiga labaad ah iyo soo afjarida dagaalka.
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa sheegay in laga fogaado dib u soo laabashada colaadaha wax kasta oo ay ku kacayso.
Waxa uu sidoo kale ku baaqay in si sharaf leh loo sii daayo dhammaan la haystayaasha harsan.
Sabtidii - bilawga toddobaadkii lixaad iyo kii u dambeeyay ee heshiiska xabbad-joojinta wajigiisa koowaad Xamaas ayaa sii daysay lix la hayste oo Israa'iili ah oo nool.
Sida dhacdooyinkii hore ee wareejinta, shan ka mid ah ayaa loo qaaday masraxyo wareejinta ah oo ay weheliyeen dagaalyahanno hubeysan kahor inta aan lagu wareejin Laanqayrta Cas, kadibna loo qaaday Israa'iil.
Ka dib, Xamaas ayaa soo bandhigtay muuqaal labo qof oo kale oo la haystayaal ah oo gaadhi ku daawanaya mid ka mid ah xafladaha xil wareejinta waxayna u muuqdeen kuwo ka baryaya ra'iisul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu inuu iyagana soo saaro.
Gole matalaya qoysaska la haystayaasha ayaa cambaareeyay muuqaalka iyagoo ku tilmaamay "muujin xanuun badan oo naxariis darro ah".
Waxaa durba horey caro daran uga jirta Israa'iil ka dib markii dib loogu guryo celiyey maydadka afar la hayste xilli hre oo toddobaadkan ah oo ay ku jiraan kuwa Shiri Bibaas iyo labadeeda wiil ee yaryar ee Ariel iyo Kfir, kuwaas oo lagu afduubay weerarradii 7-dii Oktoobar 2023 ee Israa'iil.
Waxaa soo baxday Jimcihii in Xamaas ay ku wareejisay maydka haweeney Falastiini ah halkii ay ka ahayd inay wareejiso Ms Bibaas. Kooxda ayaa sheegtay in qalad dhacay oo ay wareejiyeen meydka Ms Bibaas isla maalintaas.
Mas'uuliyiinta Israa'iil ayaa sidoo kale sheegay in baaritaanka maydka uu muujiyay in afduubayaashii Ariel iyo Kfir ay dileen wiilasha, taasoo ka soo horjeedda sheegashada Xamaas ee ahayd inay ku dhinteen duqeyn cirka Israa'iil.
Israa'iil ayaa la qorsheeyay in ay sii deyso 620 maxaabiis falastiiniyiin ah oo ay ku beddesho 10-ka qof ee la qafaashay. In ka badan 400 oo qof oo reer Qaza ah ayay ciidamada Israa'iil xabsiga u taxaabeen intii uu socday dagaalka, halka 50 ka mid ah maxaabiistaasi ay xabsi daa'im ku qaadanayeen xabsiyada Israa'iil.
Saacadihii hore ee Axadda, xafiiska ra'iisul wasaaraha ayaa sheegay in sii daynta dib loo dhigi doono "iyadoo la eegayo xadgudubyada soo noqnoqday ee Xamaas, oo ay ku jiraan xafladaha lagu bahdilo la haystayaashayada iyo ka faa'iidaysiga foosha xun ee la haystayaashayada ujeeddooyin dacaayad ah".
"Waxaa la go'aamiyay in dib loo dhigo sii deynta argagixisadii shalay qorshuhu ahaa ilaa inta laga xaqiijinayo sii daynta la haystayaasha soo socda, oo aan xafladaha bahdilaada ah lagu sameyn".
Xamaas oo ay Israa'iil, Maraykanka, UK iyo dalal kale u aqoonsan yihiin urur argagixiso – ayaa ku gacan saydhay go'aanka Israa'iil oo ku tilmaamay "xad-gudub qaawan" oo ka dhan ah heshiiska, waxaanay uga digtay dhexdhexaadiyayaasha Maraykanka, Qatar iyo Masar in aanay dhici karin wada-hadallo lagu kordhinayo xabbad-joojinta ilaa maxaabiista la sii daayo.
"Waxaan u gudbinay fariin cad oo adag dhexdhexaadiyeyaasha - ma sii wadi karno inaan ka wada hadalno tillaabooyin kale haddii aan la sii dayn 620-ka
Falastiiniyiinta ah," Xubin ka tirsan xafiiska siyaasadda Xamaas Basem Naciim ayaa ku sheegay wareysi uu siiyay Al Jazeera Isniintii.
Mar wax laga weydiiyay haddii la qorsheeyay in la sii daayo meydka afar kale oo Israa'iili ah oo la haystayaal ah Khamiista ay saameyn karto, wuxuu ku jawaabay "Dhammaan xulashooyinka ayaa miiska saaran".
Wuxuu intaa raaciyey " ka hor inta aan loo gdubin tallaabada xigta, la xaqiijiyo tallaabooyinkii hore inay dhici doonaan"
Naciim, ayaa sheegay in Xamas ay ka hadashay cabashada Israa'iil ee ku saabsan xafladaha wareejinta maxaabiista, laakiin waxa uu beeniyay in ay ahaayeen kuwo bahdilaada , wuxuuna sheegay in mas'uuliyiinta Israa'iil ay si xun ula dhaqmeen maxaabiista Falastiiniyiinta ka hor inta aysan la sii deyn.
Aqalka Cad ayaa taageeray go'aanka Israa'iil ee dib u dhigidda sii deynta maxaabiista, iyagoo sheegay inay ahayd "jawaab ku haboon" waxa ugu yeereen sida "naxariis darada ah " ee Xamaas ula dhaqantay la haystayaasha.
Laakiin ergeyga madaxweyne Donald Trump ee Bariga Dhexe, Steve Witkoff, ayaa sheegay in uu u safri doono gobolka toddobaadkan isaga oo ujeedadu tahay in la helo "kordhinta wejiga koowaad".
"Waxaan ku rajo weynahay inaan haysano waqtiga saxda ah... si aan u bilowno wajiga labaad, oo aan dhameyno oo aan soo deyno dad badan oo la haystayaal ah," ayuu u sheegay CNN Axadii.
Wadarta 33 la haystayaasha Israa'iil ayaa la filayaa in lagu beddelo ilaa 1,900 maxaabiis falastiiniyiin ah iyo maxaabiis laga soo qabtay Qasa inta lagu guda jiro wejigii koowaad ee heshiiska xabbad joojinta.
Ilaa hadda, 25 la haystayaal nool iyo afar meyd ah ayaa la sii daayay, halka meydadka afartii qof ee ugu dambeeyay lagu wado in toddobaadkan lagu soo wareejiyo.
Heshiiska ayaa sidoo kale keenay in ciidamada Israa'iil ay isaga baxaan goobaha dadku ku badan yahay ee Qasa. Boqolaal kun oo Falastiiniyiin ah oo barakacayaal ah ayaa loo oggolaaday inay dib ugu laabtaan guryahoodii waqooyiga waxaana hadda loo oggolaaday boqollaal baabuur oo gargaar ah inay soo galaan dhulkaas maalin kasta.
Wejiga labaad ee xabbad-joojinta waa in la sii daayaa la haystayaasha haray.
Milateriga Israa'iil ayaa bilaabay olole ay ku burburinayaan Xamaas iyaga oo ka jawaabaya weerar aan horay loo arag oo Xamaas ku qaaday Israa'iil 7-dii Oktoobar 2023, kaasoo lagu dilay illaa 1,200 oo qof, 251 kalena lagu qafaashay.
Ugu yaraan 48,346 qof ayaa lagu dilay Qasa tan iyo markaas, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamusho.