"Jid kasta meyd ayaa yaal': Reer Qasa oo ka sheekeeyey heerka burburka halkaas gaarey

Iyadoo lagu jiro maalintii labaad ee nabad buuxda ka hirgashay Qasa, ayey shaqaalaha gargaarka iyo shacabku waxay si isku mid ah uga warrameen heerka burburka soo gaarey Marinka Qasa.

Hay'adda 'Difaaca Shacabka Qasa' oo ah tan ugu weyn ee ka shaqeysa hawlaha gurmadka degdegga ah ayaa sheegtay in maydad gaaraya 10,000 oo ruux laga yaabo in ay weli ku hoos jiraan burburka dhismayaasha ku dumay duqeyntii aan kala go'a lahayn ee Israa'iil ku wadday Qasa 15-kii bilood ee la dhaafay.

Maxamud Basal oo ah afhayeenka hay'adda aya BBC u sheegay in ku rejo weyn yihiin in ay muddo boqol maalmood gudahood ah ay ku soo faagaan maydadka, laakiin laga yaabo in hawshooda ay ragaadiyaan agabka wax lagu faago, sida cagaf-cagafyada oo gabaabsi ah.

Muuqaallo cusub oo laga helay Qasa ayaa muujinaya burbur aad u baaxad weyn oo halkaas soo gaarey, iyadoo inta badan dhismeyaashii ku yiilley dhanka waqooyi ee Marinka dhulka lala simay. Qaramada Mifdoobey ayaa horay u qiyaastay in 60% dhismayaashii Qasa burbureen ama waxyeello soo gaartey.

Inkasta oo daryankii madaafiicda iyo gantaallihii halkaas lagu garaacayey uu hadda beddeley sawaxanka dadka u dabbaaldegaya xabadjoojinta, haddana daruufo qallafsan oo nololeed ayaa dul hoganaya Qasa.

Sida uu shaaciyey Barnaamijka Cuntada adduunka ee WFP, dagaalka Qasa ayaa barakiciyey dad ka badan labo milyan oo qof, ku waas oo aan haysan hoy, shaqo iyo tas-hiilaadka kale ee daruuriga u ah nolosha aadanaha, islamarkaana ku tiirsan gargaar cunto, gargaarkaas oo durba gaarey marinka Qasa.

Q.M waxay intaas ku dartay in maalintii koobaad ee xabad-joojint ay Qasa galeen 630 gaari oo sida sahay gargaar. Halka maalintii xigteyna ay halkaas gaareen 915 gaari, taas oo ka dhigan gurmadkii ugu ballaarnaa ee gaarey dadka tabaaleysan tan iyo markii dagaalku billowdey 15 bilood ka hor.

Sam Rose oo ah agaasimaha KMG ah ee hay'adda Q.M u qaabilsan daryeelka Falastiiniyiinta Unrwa, ayaa sheegay in shixnadda gargaarka ee Qasa gaartey ay billow u yihiin dadaallada lagu doonayo in dib loogu soo celiyey kaabayaashii nolosha. "kama hadlayno cunto, daryeel caafimaad, waddooyin iyo imkaaniyaad kale, waxaan nalaga rabaa in aan dib u celino qoysas iyo beelo kala ambaday", ayuu yiri Rose oo intaas ku daray in hawsha ugu adag ee hor taal ay tahay tiiraanyo-bixinta dadweynaha ka soo doogey halaaggii ka dhacay Qasa ee weli la daalaa-dhacaya daqarrada muuqda iyo kuwa dahsoon ee dagaalka".

Wasaaradda Caafimaadka falastiin ayaa sheegtay in gulufkii Israa'iil ay ku qaadday Marinka Qasa ay ku naf waayeen dad ka badan 46,900 oo rayid u badan, halka ay ku dhaawacmeen110,700 kale.

Inkasta oo cabsidii laga qabay duqeynta cirku ay xilligan Meesha ka baxday, dadaalka lagu baadi goobayo maydadka burburka ku hoos jira ayaa ah mid culeyskeeda leh. Waxaana isa soo taraya dadka codsanaya in laga caawiyo helitaanka eheladoodi ku aasmay daaraha dumay, kuwaas oo ay ku jiraan haween iyo carruur. Marba marka ka dambeysana waxaa la soo qufayaa raqda dadkii ku dhintay duqeyn aan loo aabbadayin.

"Jid kasta meyd ayaa yaal", xaafad walbana waxaa dhismayaasha ku hoos duugan haraaga dad dhintay," ayuu yiri Cabdalla Al-Majdalawi oo ah 24 jir ka tirsan shaqaalaha ka tirsan Hay'adda Difaaca Shacabka magaalada Qasa.

"Markii xabad-jooojinta lagu dhawaaqay waxaa durba nagu billowday wacitaanka dad leh fadlan kaalaya maydadka qoyskeenna nagala soo saara burburka hoostiisa", ayuu yiri Cabdalla oo ka hadlaya dalabaadka kaga imaanaya dadweynaha doonaya in maydadka qarabaadooda looga soo saaro guryaha dumay hoostooda.

Malaak Kasab oo ah 23 jir dhawaan ka baxday jamaacadda islamarkaana ka barakacday magaalada Gaza, ayaa BBC u sheegtay in xubno ka tirsan qoyskeedu ay ku kuwa aan weli la soo saarin.

"Qoyskeennu wuxuu dagaalka ku waayey dad badan, weli waxaa jira kuwo aan raq iyo ruux toona lahayn, waxaana la aaminsan yahay in maydkoodu ku hoos jiraan burburka dhismeyaasha," ayey tiri Malaak oo intaas raacisay in ay jiraan reero badan oo sugayo in helaan maydka dadkoodi si ay u aastaan.

Si kastaba ha ahaatee waxaa weli jira walaac labada dhinac ee dirirtu dhex martay ay ka qabaan in dagaalku dib u curto, iyada oo uusan idlaan wajiga hore ee xabadjoojinta oo lagu wado in uu socdo lix todobaad. Waxaana xusid mudan in Israa'iil ay horay u sheegtay in ay xaq u leedahay in ay in ay dib u billowdo dagaalka xilligey doonto.